Thursday, January 29, 2026

Anigu waa wareeraye meeqa Gen. Gabre ayaa jirta..? [W/Q: Yahye Amir]

-

A—Waxaan dhax fadhiyay Hotel Jazeera- Mogadishu, waxaan mobilka ka wacay saaxiibkeey Xassan yare oo ka tirsan madaxtooyada Somali land-Hargesa,waa iga qabtay waxa uuna igu yiri: i sug 5 daqiiqo kadib ayaan kugu soo celinayaa, hadda ayaa waxaa xafiiska noogu soo galay Jan. Gabre, khadkiina waa igu jaray.

Hal daqiiqo kadib ayaan wacay saaxiibkeey Cumar madey oo jooga madaxtooyada Baydhabo,wuxu igu yiri: igu soo celi maamulka k/Galbeed iyo Jan. gabre ayaan shir kula jiraa. Isla markii ayaan wacay Dahaba Cusman oo ka tirsan Ururka Haweenka Galmudug,waxa ay igu tiri : igu soo celi,Hadda waxaan joognaa Airporka Cadaado oo Jan. Gabre oo hadda soo dagay ayaan soo dhaweeyneeynaa.

Laba daqiiqa kadib waxaan wacay Cabdi kuus oo kismayo joogo waxa uu igu yiri: igu soo celi ,waxaa socota khudbadii Jan. Gabre uu u jeedinayay ciidan tababar loo xirayo. Waan yaabay ma anigaa wareersan!!! Waxaan hora ka wacay Xuseen fiidow Afhayeenka Hirshabeele oo jowhar jooga waxa uu igu yiri : igu soo celi,Baarlamaanka Hirshabeele ayaa talo ka qaadanaya jan. Gabre.

Isla markii ayaan wacay saaxiibkeey Jamac nuur oo ka mid ah agaasimayaasha xafiiska madaxweynaha Puntland, waa igu jaray telfonkii,haddana waan ku celiyay,wuxuu igu yiri: igu soo celi Jan. Gabre oo careeysan ayaa i hor taagane.

Saddax daqiiqo kadib waxaan wacay Axmad nuur oo ah madaxa brotokoolka Villa Somalia waxa uu igu yiri: igu soo celi ,waxaa hadda noo soo galay wafdigii IGAD ee Jan. Gabre Hogaminayay.

Waan yaabay !!!! sidee 15 daqiiqo gudahood hal qof ku wada joogi karaa intaas oo meel. Gadaal ayaan fiiriyay kursiga iga dambeeya waxaa fadhiya, Major General : Gabre Adhana Welezgu iyo lix xildhibaan.

B—Waxaan soo xasuustay dhab ahaan in ay asaga hoos tagaan shan Janaral oo kala ah: 1- Jeneral. Berhu Tesfaye oo Hargesa jooga. 2- Jeneral. Abraham Alemu oo Garoowe jooga 3- Jeneral, Gebresilasia Mokane oo Gobalada dhexe jooga 4- Jeneral. Gebemedin Fekedu oo K/galbeed jooga iyo 5- Jeneral. Taferi: oo Juba land jooga

Qofku ma hal Gabraa mise photo copy ayaa lagu badiyay oo halba meel ayaa loo diray, mise madaxdaa ka baqee oo itobiyaankii ay arkaanba gabre u maleeya? Haddii madaxdii ka baqday,, anoo sacabooleey ah xamarna jooga ,saddax marna aan Jananka hore isku dagaalnay ????

Anigu wareeraye adigaan kaa sugaa Jawaabta?.

FG. Qoraalkan qaybta “A” waa hal abuur.

Qore: yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you