Monday, June 30, 2025

Annaga iyo Coronavirus: (Inta dadaaleysa waxaa ka qeylo dheer kuwa war-xumo-tashiilka howl ka dhigtay)

-

Annaga iyo Corona (Ra’yi)Sidii Corona u soo if baxay, waxaa na hareeyay isku dhax yaac sababay in aan wareerno, meel nalaka jiro aan garan weyno, oo aan shabkaxsannoWaxey ila tahay in afar qolo ay sabab u yihiin isku dhax yaacaas.

1. Madax iyo masuuliyiin aan qorshe laheyn oo go’aanadooda iyo tabartodu isla socon oo ay dabeyshu marba dhinac u rideyso.

2. War-fidiyeen iyo war-baahin aan xirfaddoodu wanaagsaneyn, oo la booda wax kasta oo ay maqlaan ama ku soo dhaca iyagoo aan u fiirsan waxa ka dhalan kara.

3. Dhakhaatiir iyo howlwadeenno caafimaad oo aad mooddo in ay la hadlaayaan dad kale, oo gudbinaaya farriimo aan dadka caadiga ahi si fiican u fahmi karin.

4. Wadaaddo la wareegay booskii dhakhaatiirta oo sheegaaya daawooyin aan wali cilmiga daawadu uusan wax ka dhihin, iyagoo ku laraaya afkaar diineed.

Intaas waxaa dheer, annaga oo ah ummad war ku nool ah, oo caqli-wadareed koodu ku dhisan yahay in wax walba la sheego, sida la rabo iyo ciddii la rabana loo sheego. Inta badanna waxaan ka hadalnaa waxa aan rabno ee kama hadalno waxa horteenna yaalla.

Nolosheenna waxaa sanadihii u dambeeyay aad u saameeyay waxa lagu faafiyo baraha bulshada, oo aan xadka laheyn, qof kastana u fudud inuu warkiisa gaarsiiyo Soomaalida adduunka oo dhan.

Xilliga la joogo ee uu Corona yahay waxa ugu weyn ee lagu mashquulsan yahay gudaha iyo dibaddaba, ayaa waxaa la is dhaafsanyaa warar iyo macluumaat been u badan oo abuuray khalkhal weyn.

Soomaalida kaliya kuma koobna khuraafaatka la xiriira Corona ee lagu faafinayo baraha bulshada. Waxaa qaati ka taagan ummadaha adduunka oo dhan, ha ahaadeen kuwa horumaray iyo kuwa dib u dhacay intaba.

Dhibka jira waxa uu yahay in dad badan oo la qiyaasayay in ay yihiin indhaha bulshada, xag aqooneed iyo xag garaad labdadba, iney u dhaqmayaan si qallafsan, oo aad mooddo iney dhufeysyo ku jiraan oo ay difaacanayaan wax ay is leeyihiin yaan la idinka qaadan, laakiin haddana aysan la wadaageynin cidna.

Dhibaatooyinka noocaan ah waxay bannaanka soo dhigeen caqligeenna runta ah iyo waxa xaqiiqda ah ee aan qarsaneyno, wanaag iyo xumaan intaba, laakiin waxaa soo badaneysa maalin walba in kuweenna dadaalaya ay ka qeylo dheer yihiin, kuwa war-xumo-tashiilka howl ka dhigtay.

Waxa ila habboon in dadka bulshada indhaha u ahi ay qaataan masuuliyaddooda, oo ay runta noo sheegaan haba kharaaraatee.

-Masuulow haddii aan go’aan qaadaneysid, keen go’aan maan-gal ah.

-Dhaktarow af aan aan garan karno nugula hadal.-

War-fidiyeenow wax hubso farriintaadana miisaan u yeel.-

Wadaadow adna farriinta diineed ku saleey waaqica bulshada.

W/Q: Cali Xalane

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you