Monday, July 14, 2025

AQALKA SARE: Gole Qaran miyaa.. Mise shaqaale Maamul-Goboleed.? [Qormo xasaasi ah]

-

Siyaasiyiinta, Aqoon-yahanka iyo Shacabka Somaliyeed weli aragti cad kama heystaan; Xilka, Waajibdka iyo Hawsha Aqalka sare, hadii la weydiiyo laba Senator? Hawshooda hal jawaab kuma siinayaan. Senator Faroole oo ahaa Engineer kii dhismaha Aqalka sare, sharaxaad kaafi ah kama siinin dadka Somaliyeed iyo xubnaha Aqalka; hawsha ay u qabanayaan Qaranka.

Siyaasada Somaliya markii ay socon-weydo waa la ordi-siiyaa; Carte 2000, markii ugu horeysay Taariikhda Siyaasada Somaliya waxaa lagu dhisay Barlamaan ah 275, oo lagu sababeeyey dib u heshiisiin iyo ku meel-gaar (TNG).

Embagathi 2004, waxaa lagu daray Fedaraal aan la fahmin, lana ogeen cida wadata ee uu danta u yahay (TFG).

Jabuuti2 2009, waxaa lagu daray 275 + 275= 500 Xildhibaan oo aan la fahmin waxa laga rabo ama lagu xalinayo!.

Mogadisho 2012, waxaa lagu kordhiyey; Dastuur Qabya ah oo ay Saxiixeen 6 Nin, Aqal-sare, Dawlad-gobaleed, Fedaraal Rasmi ah oo ka baxay ku meel-gaar (SFG).

Markii Dastuurkii la ansixyey 2012, Barlamaankina la magacaabay, fadhigii ugu horeeyey waxuu laalay Aqalkii sare (Anaga ayaa isku badan ee naga hara).
Doorashii Xasan Sheekh, bil kadib waxaa bilawday dagaalkii Maamul-gobaleed iyo Olole ah; (waa warey Federaalkii ayaa la diidayaa iyo Maamul-gabaleed!) M. Xasan oo markii hore is adkeeyey ayaa kadib Kursigii u baqay, hadii qeyladu gaarto ama ay maqlaan kuwii Fedaraalka keensaday ee waardiyaha ka haystey, markaas ayuu fasaxay fiilter la’aan.

2017, M.Xasan waxaa laga dhaxlay; 6 Maamul-gobaleed oo is diidan, Dawlada dhexe na diidan, Dastuur Qabya ah, Aqal-sare oo aan la aqoon waajibkiisa, Xildhibaano ay kala leeyihiin Qabiilo+ Maamul-gobalo + Xizbiyo + Kooxo + Dawlado-shisheeye = Sumad-laawe, Madashii Hogaan Qaran oo noqotay xujjada la hordhigay Golayaasha Fedaraalka, Ciidan kala qoqoban oo weli la kala leeyahay, mid Shisheeye oo uusan weli cadeyn waajibkooda iyo cida ay ka amar qaadanayaan, Safiiro Shisheeye oo is mooda in ay Dalka ka yihiin Madax, Dawlado shisheeye oo fursad toos ah u helay faragelintii ilaa ay cadeysteen qaarna in ay Xasan soo celinayaan, qaarna ay ridayaan.

2017 – 2020, waxaa rajo laga qabay Aqalka sare in uu noqdo Gole Qaran oo noqda Qoorta u dhaxeysa Federaalka iyo Maamulada (La mood noqose waa) kadib markii uu u dhaqmay qaab Shaqaale ay adeegsadaan Maamuladu. Tusaale; M. Xaaf markii uu ku xad-gudbay Dastuurkii, hay’badii Qaranka, kuna Caasiyey Fedaraalkii Biilayey, Senataro iyo Xildhibaano ayaa u Xadreeyey una Gurbaan-tumay, Aqalka sare kama hadlin gefka Dastuurka loo geestay! M. Sharrif Xasan markii uu ka soo laabtay Qaraabkii iyo Shirkii faragelinta ee Emaaraatka, horayna u soo qaadey kistii Shirka Kismaayo oo ka baaqsatay Shirkii Abu-dhabai, waxaa Mashxarad ku soo dhaweeyey Baydhabo iyo Kismaayo, Boorsadana u sii qaaday Xildhibaano iyo Senataro Fedaraal ah! M.A.Madoobe wuxuu Casuumay Xildhibaano iyo Senataro u Camira Shirka, una Baarakeeya, Aqalka sare weli kama hadlin Gefka laga gelayo Dastuurka iyo Dawlada dhexe!!!

Dawlada dhexe waxey leeday waajibaad, waxaana lagu leeyahay Xuuquuq, waxaana horeeya waajibka; hadii Maamulada aan laga qaadi karin Waajibka sidee loogu raadi karaa Xuuquuq???
Hadii Maamuladii diideen; Canshuur, Ciidan Qaran, Xiriirka dibadda, Khayraadkii dalka in loo qeybiyo, Awood-siinta Golayaasha Fedaraalka, uga danbeynta amarka Ciidamada Shisheeye iyo Kaalmada dibadda Fedaraalka! Sidee loogu qasbi karaa Dawlada Fedaraalku in ay bixiso Xuquuuq, sow uma eka (Keyga anaa leh, kaagana kula lihi) ama (Gardaro Garab og)!!

Hadaba Aqalka sare waxaa la gudboon;
1. In ay noqdaan Gole Qaran oo ka sareeya Shaqaale ah Guul-wade-yaal.
2. In ay difaacaan Dastuurka iyo Fedaraalka ay Mas’uuliyada ku hayaan.
3. In Maamuda ay Matalaan ka qaadaan Waajibka lagu leeyahay kadibna u qaadaan Xuquuqda ay leeyihiin.
4. In ay kala soocaan Deegaanka laga soo magacaabay iyo Mas’uuliyada uu Qaranku ka sugayo.

Hadii ay kaalintooda ciyaari-waayaan! Waxaa dhaceysa in kaalintooda ay galaan; Imaaraat, IGAD iyo M. Keetin! Iyaga ayaana noqonaya Aarbiiter ama Qoorta u dhaxeysa Fedaraalka iyo Maamulada!!!

W/Q: Maxamed Gacal

Wasiiru- dowlihii hore ee Arrimaha dibadda Somalia

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you