Monday, July 14, 2025

Aqoonteeydii Xaaji Cali Mahdi (Maalmihii ugu dabeeyay Noloshiisa W/Q: Yaxye Camir)

-

Inkasta oo Maalmihii ka horeyay aan wada xiriirnay, hadana Usbuuci ugu dambeeyay Noloshiisa, ayuu Maalin i soo wacay isaga oo igu yiri: Nairobi ayaan Baaritaan caafimaad u aadaa, xoogaa Kaadida ayaa i dhibee, ii hubi in dhakhtarkeygii Dr. Silverstein oo Mareykan ah, in uu Nairobi joogo iyo in kale, usbuuc kadib ayaana Xamar ku soo noqonayaa.

Dhakhtarkii ayaan wacay, Waxa uu ii sheegay in uu joogo Nairobi, waxaana u balamiyay Maalin kadib.

Waa baxayay dhakhtarkiina waxa uu ugu tagay Nairobi Hospital, Dhakhtarka ayaan 3 Cisho geeridiisa ka hor weydiiyay xanuunkiisa waxa uuna igu yiri: weli iima muuqato Astaamihii Cudurka Covid 19, waanse arkaa Cudurka Namuniya oo Neefta ku xirayo.

Laba Maalin Geeridiisa ka hor ayaa dhakhtarkii igu yiri: Xaajigu waa roon yahay laakin Xaaska ayaa Kooma ku jirto. Xaajiga Namuniyada waxaa u culeeynayo Covid /Mamuniya, Cabirkiisu waa: Tiro ayuu ii sheegay ,waxaane waa 90% taaina 75, taa 80, laakin Annigu ma fahmin tirada dhakhaatiirta.

Maalin ka hor Geeridiisii ayuu igu yiri: Xaaska ayaa roon, Laakin isagaa daran in kasta oo Tartiiib tartiib uu u soo roonaanayo. Maqribkii markaan dukaday wax yar kadib ayuu i soo wacay Dhakhtarkii waxa uuna iguna yiri: “I have Bad news yahya”, 5 daqiiqo ka hor ayuu Saaxiibkaa geeriyooday, weli Dadka qolka banaankiisa joogo uma sheegin khabarka Geerida.
(Sabab kasta oo uu Dhakhtarku sheego ciddu waxa ey xaq u leeyihiin, in Baaritaan dheeri ah la sameeyo si loo ogolaado sababata dhabta ah, ottobsia legaale).

2. Muddadii aan is naqiin.

Xaaji Cali Mahdi, Waxaan aqiin wixii ka dambeeyay 1986dii. sodonkaa Sanno 1990- 2000 Mogadishu. Waxa uu ahaa shakhsi dulqaad badan, weliba Dad shaqo aahaan ey aad isagu dhawaayeen oo aad u dhibayay. in badan ayaan isku khilaafnay sida dabacsan ee uu ula dhaqmayo.Xatta arrigtiyo kale ayaan si aad ah isagu khilaafnay, hadana weligii igama caroon, kumana kala tagin.

Wax badan oo been ahaa ayaa la iiga sheegay Xaajiga, mar wax wanaag ahaa ee uuna sameeyn ayaa laga badbaadiyay ilaa la gaarsiiyay Xadka beenta, Marna Been toosa ayaa aad looga sheegay, wax badan oo aan goob joog u ahaa ayaa si khaldan xatta Anigii ogaa Arrinta la isku dayay in la iiga been sheego, Badanaa waxa ey ahaayeen Dacaayada Siyaasiyiintu ey dhaxdooda isku isticmaalaan, Dad aan isagana aqoon oo aan weligood arag ayaa Dacaayadda lagu Marin habaabiyay.

Waxyaabahaa qaar haddii ey run ahaan lahaayeen Aniguba Salaanta kama qaadeen, waanse ogaa in ey aheyd Dacaayadaha Siyaasiyiinta ee loogu tala galay Magac dilka.
waxa uu ahaa Nin Sadaqo Badan, inta aan ogahay, Waxa uu Xamar ku lahaa 3 Guri oo kaliya, Mid isagaa deganaa, Midna Dad kale ayuu ka kireystay, Midna Dad ayuu Shirko kula ahaa. Dagaaladii kadib Gurigiisii uu deganaa waxa uu Sadaqo ahaan u siiyay Nin Macallin dugsi ahaa oo ey Deris ahaayeen, isaguna waxa uu ku soo guursy Gurigiisii Kirada loogu jiray.

Fiiri khudabadihiisii waqtiyadii Dagaalada waxa ey u badnaayeen, Meel somali ka sokeeyso ima anfaco, qolo kaligeed qaran ma noqon karto. Difaaco Naftaada iyo sharftaada ha noqon doqon, laakin Dad kale ha dulmin.

Markii loo doortay Madaxweynaha iyada oo weli Dagaalkii uu ku socdo oo aan la is dhax mari karin ayuu Odayaal Nabad doon ahaa u diray Gobalada Dalka.
Waxa uu ahaa Xubin ka mid ahaa Dariiqadda Suufiyada aadna ugu xirnaa Culimadooda Suufiiyada.

Dagaalkii sukeeye isaga laftiisa ayaa waxaa ka soo gaaray Khasaare Badan, dhinaca khasaaraha Hantiyeed waxaan ka xasuustaa: ( Isaga laftiisa ayaaba la bililiqeystay, wax yar dagaalkii ka hor waxa u soo degay Markab siday qalabka Dayac tirka Gaadiidka oo qiimahiisa uu iigu sheegay Hal million Dollar oo waqtigaa joogaty 1990kii. waxa eyna yiileen Bakhaar ku yiil isgooyska Ceelgaabta. Hotelkii Maka Al mukarama oo Kiro uu kula jiray, wixii u yiilna waa la bililiqeystay).

Waxa aan ogaa in uu aad u jeclaa akhriska Qur’aanka oo Habeen kasta saacadaha dambe uu akhrin jiray, Sidaa daraadeed ayaan Safarkeeygii iigu dambeeysay ee Tukiga Feb. 2021 ayaan Hadiyad ahaan ugu keenay Kitaabka Qur’aanka oo aan ka soo iibiyay Istanbul.

Wixii ka dambeeyay 2010 kii dhowr jeer ayey Shirkado shidaal ku casuumeen Dalka Mareykanka, si uu ugala hadlo Madaxda Somalida, wuuna ka gaabsaday, waxa aan ku iri: Maxaad ku diiday? waxa uu igu yiri: Sida ey wax u rabaan Shirkadaha qaar ma ahan wax Dalkaan dani ugu jirto, mana rabo in aan Madaxda hadda joogto ku qalqaaliyo wax aanan Aniguba ogolaadeen. hore ayaa wasakheynta badda oo aanan shaqo ku leheyn la iigu eedeeyay oo ey noqotay Been fakatay Runi ma gaarto, haddana ma rabo in Shidaal aanan shaqo ku leheyn la igu eedeeyo, la iigana Been sheego.

Waxaan isku raacnay Dhowr wadan sida: Kenya, Ethiopia, Sudan, Sucuudiga iyo Ruwanda, Runtii Marna kama mid aheyn wafdigiisa Rasmiga ah. Dalka Ruwanda waxaa u raacay markuu ahaa Gudoomiyahii Gudiga nabadeynta isaga iyo ku xigeenkiisii Md. Maxamud Jirde Xussein, Anniguna waxaa u raacay “technical assistant” ahaan UN ayaana igu dartay, si aan wax uga soo ogaano , Casharana uga soo qaadano Habkii ey u heshiiyeen Reer Ruwanda Dagaaladii sokeeye kadib.

Masjid ayuu ka dhisay Xaafadda yaaqshiid meel u dhaw Hotel Toowfiiq ( F.S: 4 & 5aad) Masjidka ayuu badanaa aadi jiray Maalinta Jimcaha isaga ayaan inta badan Gacantiisa ku nadiifin jiray, Meel u dhow Masjidka oo dhinaciisa ah ayuu dhul banaan ka reebtay, Waxa uuna ka calaameeyay qeyb waxa uuna yiri: Labadaan meelood mid ha la igu aaso Anigu haddan Geeriyoodo, meeshaan kale ee dhinaceeda ahna, ha lagu aaso xaaskaaga haddii ey iyaduna geeriyooto.

3. Taaeiikhdiisii oo kooban.
waxa uu ku dhashay Tuulada Cadow Uul oo dhinaca Barri uga beegan Magaalada Jowhar, Sannadkii 1938 ama 1939, kadibna waxa uu bilaabay Wax barashaii dugsiga Hoose 1958 waxaa tababar loogu qaaday Dalka Masar waxa uuna ka shaqeynayay laanta Duumada, Dalka ayuu dib ugu soo noqday, waxa uuna shaqada dowlada ku dhinac waday Ganacsi, Sannaskii 1969 waxa uu noqday Xildhibaankii ugu da’da yaraa Baarlamaanka, kacaankii ayaa ku daray Siyaasiyiintii la xiray, kadibna waxa uu u soo noqday shaqadiisii iyo Ganacsigii.

Sannadkii 1990 waxa uu ka mid ahaa odayaashii saxiixay Bayaankii Manafesto. kadib Dalka ayuu ka baxsaday markii uu dareemay khatar dhinaca amaankiisa ah, dib ayuuna ugu soo laabtay isla sannadkaa. Markii uu dhacay Kacaankii 1991 Shirkii Jabuuti 1 iyo 2 waxaa loo doortay Madaxweynihii Dalka. Sannadkii 2000 waxa uu wareejiyay Xilkii Madaxweyna nimada , kadibna waxa uu u wareegay Beertiisii ku tiil meel u dhaxeeyso Afgoi iyo Balcad ,Waxa uuna sii waday Gancsigiisii.

Dowladii Cabdulaahi Yusuf ayaa u magacaawday Gudoomiyihii Guddigii Dib u heshiisiinta Somalida. mudadaa wixii ka dambeeyay waxa uu sii waday in uu sii ahaado Oday Somaliyeed iyo Ganacsade aan ogoleeyn in uu Cidna dulmiyo ama isagana la dulmiyo.

Damiin Dacaayadeeyo iyo Dad u duceeyo la weyn maayo. Somalida ayaa ku maahmaahdaa (Dad yoowna ku wada Caaynin, ku wada Amaani maayee). Inta Amaanee Xaji Cali Mahdi ayaa badan.
Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Alla ha u naxariisto.

Qore: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you