Monday, July 21, 2025

Askarta Amniga noo qaabilsan maxaan kala soconaa xaalka ay ku sugan yihiin [Qormo Xaqiiqo ah]

-

Marka shaqaalaha rayidku u qaataan Mushaar ahaan $400—$700, Askarigu wuxuu qaataa $100—$150.

Marka Shaqaalaha rayidka udalacaan sifudud askariga wuxuu sugtaa xiliga doorashada in xildhibaankiisa kursi ugu raadsado anigaa keenay dalacaada ee karti iyo daacad nimadiisa kuma dalaco.

Marka Shaqaalaha rayidku haystaan ammaan shaqo (Job Security), Askariga Soomaaliyeed ma haysto oo sifudud ayaa liiska ciidanka looga saaraa.

Marka Shaqaalaha rayidka ay galaan fasax iyo damaashaad sida maalmaha Ciida Askarigu mahelo fasax si uu caruurtiisa iyo qoyskiisa ula ciido.

Marka Shaqaalaha rayidka Iyo Mas’uuliyiinta u hoydaan guryahooda kuna seexdaan sariiro iyo joodariyaal raaxa badan Askariga Soomaaliyeed wuxuu kujiiftaa salli (dirin) wadada dhinaceeda.

Marka Shaqaalaha Rayidku Shaqeeyaan 8 saacadood maalinti, Askarigu wuxuu shaqeeyaa 24 saacadood.

Marka Shaqaalaha rayidku meel haboon (Qabow ah) ku shaqeeyaan, Askarigu wuxuu taagan yahay waddo iyo meel banaan oo aan har laheyn qoraxduna aad u kulushahay siigana (boor) na udheertahay.

Marka Shaqaalaha rayidku lajoogaan reerahooda askariga Waxaa lageeyaa furun howd ah uusan horay ugaraneyn cuduro, bahallo iyo cadowna udheeryahay si uu dalka Iyo dadka udifaaco.

Marka Shaqaalaha Rayidku ku waxyeeloobo weerar ka dhan ah (Qarax) Dowladdu wey u gurmataa, Askariga difaacaaga ku dhaawacmana reer kiisa ayuu maciinsadaa

Marka Shaqaalaha rayidku qurux badan yihiin (Labis ahaan), Askariga Soomaaliyeed wuxuu wataa labis markii horaba Ka weynaa, haddana dhamaad ah oo aan badal laheyn

Marka Masuulka Soomaaliyeed (Wasiir, Xildhibaan, Taliye Ciidan iwm) Sida ugu sareysa u labisan yahay, askarta waardiyeyneesa waxay u labisan yihiin si Alle xaalkeeda ogyahay.

Marka askarigu qof kuu ilaalinayay galo maqaayad qaali ah isagana uu banaanka kuharo oo in biyo qaboow banaanka loogu keeno iska daaye aanan xitaa hadhoow qado doono ladhihin baahina kugula joogo.

Marka Shacabka Iyo mas’uuliyiinta la wax yeeleeyo ama la weeraro askarta Soomaaliyeed dhaqsi ayey ugu gurmadaan difaacooda hadii ay meeshaas wax yeelo kasoo gaarto askarigana Dowlada iska daaye xitaa shacabki uu difaacayay madaba kacaan umana mahadceliyaan.

Askariga Soomaaliyeed, marka aad ku kulantaan goobaha ay shaqada ammaan Ka hayaan, waxaad fahmeysaa inuusan maskixiyan fiyoobeyn oo buuuq k ufuran yahay ama isku filneyn (Qaan-Gaar ahayn).

Waaa su’aaale Askariga xaalkaas kusugan Amniga dal argagixiso ku habsatay ma sugi karaaa hadaan asiga laga fakarin xaalka uu ku sugan yahay Marka hore?

NB: waxaan qoraalada qaar kasoo xigtay Counsellor Karim De Karshe halka Kuwa kalana aan aniga kudaray.

W/Q: Abdirahman Adan Osman

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you