Tuesday, January 27, 2026

Axmed Madoobe iyo Khilaafkii Arrinta Khaliijka ee Soomaaliya ee soo labo kacleeyay [Warbixin]

-

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan khilaafka Khaliijka.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay ka weecatay mowqfikii ay horay u qaadatay ee dhexdhexaadnimada. “Arrinta khaliijka dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmayso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu hadalkan jeediyay markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo isagoo dhowaan safar ku soo maray itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bartamihii sanadkii hore go’aan ku gaartay in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka noqoto , waxayna ku baaqday in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo.

Balse Axmed madoobe ayaa ku eedeeyay dowladdu inay arrintaasi ka weecatay oo ay hadda la safatay Qadar.

“Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysatay in mowqifkeedii dhexdhexaadnimada uusan waxba iska beddelin.

Bartamihii Abriil, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

16-kii Agoosto, 2017 war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu xiriirka u jaray Qadar, islamarkaasna uu la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Sababta ugu weyn ee loo cuskaday go’aankaas ayaa lagu sheegay in xiriir dhaqaale iyo mid iskaashi oo qotodheer uu ka dhaxeeyo Puntland iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

18-kii bishan Sabtembar, 2017-ka ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa waxaa isna lagu sheegay in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay mowqifka Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Qadar.

Galmudug ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Maamul goboleedyada aanan weli wax go’aan ah ka qaadan, islamarkaasna aanan wax hadal ah ka soo saarin ayaa ah Jubbaland iyo Hirshabeelle oo iyadu maalmo uun kahor loo doortay madaxweyne cusub.

10-kii Bishii Juunyo ee 2017-ka, Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay la safan tahay Sucuudiga iyo Imaaraadka, isla markaasna ay xiriirka u jartay Qadar.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri “Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha, iyo xasiloonida gobolka, kana soo horjeedda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo degenaanshaha, isla markaasna ka soo horjeedda xagjirnimada iyo cid kasta oo taageerta, ayaa waxay taageertay mowqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadka khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Qadar”.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you