Friday, July 4, 2025

Badbaadi Zeylac, Adiga ayeeyna Hiilo kaa sugee (Zeylac ma ku jirtaa 4-ta Dekadood ee Ethiopia la siiyay?)

-

Qore: Yahye Amir

Ethiopia waxa ey codsatay Marin Berriga ah oo isku xiro Ethiopia – Zeylac iyo Xeeb dhararkeedu yahay 25Km iyo Dekedda Zeylac, laga soo bilaabo 1897 illaa 1943.

1. Jan. 2022 Siyaasi Mareykan ah ayaa yiri: Ma ogolaaneyno in Ethiopia Xoog ku qabsato Zeylac. (waxa uu ka shakiyay in Ethiopia ey Zeylac ka sameysato Saldhig Ciidan, kadibna ey keento Tababarayaal Ruush ama Shiino ah, laakin in arrintu ka weynato Tababar, Laguna hoos qariyo Saldhig Ruush ama Shiino).

2. Waxaa jiro Shaki ah in Zeylac ey ku jirto 4 Dekadood oo aan Ethiopia siinay.

3. Wafdi Somali land ah oo Jan. 2022 tagay Adis, siyaaba kala duwan ayaana dadku wax u sheegayaan, mise hubo.4. Dowlada Xil gaarsiinta ayaa deg deg ula xiriirtay Masar.Damacii hore ee Ethiopia.Tixraac Taariikhdii hore ee isku daygii Ethiopia ey ku dooneysay Seylac.

F. Annex 1, kala bedelesho Dhul Mustacmaradii Ingriiska ee Somali Land iyo Ethiopia. Page 2.Tixraac Heshiiskii Anglo – Ethiopia ee 1897dii kaa oo aan lagu qancin kuna saabsanaa, dhulka daaqsinka ah ee ku yaal Xadka Ethiopia iyo Somali land. Ingriiska ayaa kor kala soconayo illaa Xuduuda la calaamadeeynayo 1933-1934.

Page 2 . Qodobka 2aad. Ingriiska iyo Ethiopa ayaa ka wada hadlay in Dhulka Houd lagu wareejiyo Ingriiska loogana Bedesho in Ethiopia lagu wareejiyo Dekada Zeylac iyo Marinkii loo mari lahaa.

Qodobka 3aad. Sanadkii 1943 waxaa la furay Heshiiskii Ethiopia iyo Ingriiska kaa oo Ethiopia soo jeedisay in Houd iyo Zaylac la isku bedesho. laakin soo jeedinta Ethiopia Horuumar weyn lagama gaarin markii Ethiopia codsatay in la siiyo dhul ka weeyn intii la filayay in lagu heshiiyo, Ingriiskuna uu ogolaado Ethiopia in la siiyo Marin Cariiri ah oo tago Zeylac oo kaliya, taa oo keentay in Shirkii lagu kala tago.

Q4. Ethiopia waxa ey rabtay in halkaa waddo Tareen laga dhiso, taasi waxa ey ka hor imaaneysay Heshiis hore oo Saddax geesood ahaa oo Ingriska, Talyaaniga iyo Faransiisku wakhti hore ey gareen Sanadkii 1906dii oo ahaa in midkoodna uuna si gaar ah u ogolaan in Waddo Tareen laga dhiso Zeylac – Ethiopia, Heshiiskaa Ethiopia waa diiday.

Page 3-Q5. Sanadkii 1950kii ayaa Safiirkii Ingriiska u joogay Ethiopia waxaa loo soo gudbiyay qorshe Heshiis ah in Dhulka Xadka ku yaal ee Daaqa ah lagu wareejiyo Ingriiska, taa badalkeedan Ingriisku uu Ethiopia ku wareejiyo Marin dhinaca Berriga ah oo tago Zeylac iyo Dhul la dherersan Xeebta, dhererkiisu yahay 25 Km, iyo in la siiyo Lacag dhan £ 500,000.

Page 3-Q6. Ethiopia oo markaa heysatay Erithria aad uma daneyneeyn Zeylac.( Hadda Eritrea, Gacanta Ethiopia waa ka baxday, meesha ugu dhaw Badna waa Xeebaha Somliya oo Xoog iyo Xeeladba ey ku raadinee, arrintaa Somalideena Maanta noolu ma ka aamusi karnaa?)

Q10. Sharad ayaa Ethiopia looga dhigay haddii dhulka la siinayo in eyna waddo Tareen ka dhisi karin Zeylac – Adis.

Q 8.Heshiiskiina dib ayaa loo dhigay ilaa Bisha November, si loo saxiixo Heshiis Cusub oo ah Anglo- Ethiopia , kaa oo lagu bedelayo Heshiiskii hore ee 1944 lagana bilaabo Heshiiska Kirada Dhul ee 30 Sano.

Page4. Q11.wakiilkii Mustacmaradaha Ingriiska ayaa weeydiiyay wakiilkii Ingriiska ee Somali land in la helo aragrida Qabiilada Somlida ee degan Zeylac iyo Dhulka Houd, dhulka la isku muransan yahay oo kaliya. Tirada Qabiilada deegaankaa kooban ee laga doodayo qeyb ka mid ah, waxaa lagu qiyaasay Qabiilka Ciisaha 30,000 Qof kuwaa 12,000 ayaa dhinaca Somali land degaan, halka 3,000 Qofna ey joogto Reserved Area. Xattaa Suldaanka Ciisuhu waxa uu wakhtigaa deganaa dhinaca Ethiopia. Dhinaca kale Qabiilka Gudabiirsuhu waa ka soo horjeedeen Ethiopia, waxaana lagu qiyaasay Gudabiirsaha 45,000 Qof, 30,000 Qof waxa ey degan yihiin dhinaca Somali land inta kalena Reserved Area, mana rabaan Ethiopia.

Q.12. Wakiilkii Ingriiska ayaa yiri: Guud ahaan Qabiilada Zeylac ma ogolaa doonaan in Ethiopia lagu daro. Ururada kale ee wadaniyiinta ah ee wakhtigaa Halganka Gobanimo doonka wadayna ma ogolaan doonaan, si adag ayeeyna u diidi doonaan.

Q14, 15 & 16. ayaa leh: sidaa darteed yaan lala tashan Somalida, si eyna Qabiiladu Ingriiska ula dagaalin, haddii ey maqlaan in Ethiopia lagu wareejinaa Zeylac.

Q.17. Houd iyo Reserved Area ha ku sii jireen Gacanta Ingriiska si ku meel gaar ah ilaa 1944 hana loo aqoonsado dhul Ethiopia.

Page 6. Q.19. talo jeedintu nooma wada fiicneeyn, laakin Ethiopia oo damac qaaday ayaaba diiday soo jeedinta hoose ee ,a,b, c iyo d.ee ku qoran page.6.

Q.13.Ingriiskuna Ma ogolaa doono in Zeylac lagu wareejiyo Ethiopia, Ingriiska oo tixraaceyno Heshiiskii Qarnigii hore ee 1897.markaa Ethiopia ayaa dhinaceeda ka soo eriday Xoola dhaqato Somali ah.

Qod. 9. waxaa Xasuusin muhima ah. ( in kasta oo laga dooday, la iskuna dayay in Zeylac lagu wareejiyo Ethiopia, Haddana marna ma dhicin Heshiis dhab ah oo Zeylac ku saaban oo wareejintiisa la saxiixay, Ingriiska ayaa yiri: Dhulka waxaa lagu wareejinayaa Dadka iska leh. Haddii Awoowayaal ey halkaa soo gaarsiiyeen oo aan lagu dul saxiixin, Hadda naga ilaaliya in nalagu dul saxiixo Dekedda Zeylac)

Zeylac iyo Xeebaha kale ee Somalida inta badan Madaxdu marka ey ka hadalyaan ma fiiriyaan Danta Qaranka ee wakhtiga fog iyo Kan dhaw, badanaa waxa ey u howl galaan hab Dalaalnimo oo Dowlado ama Shirkado ey ugu adeegayaan si ey dhaqaale u gaar ah uga helaan, sida in loo shaqeeyo: Khalijka, Mareykanka, Chinha, Ruushka, Ethiopia, Kenya iwm.

Hore waxaan Bogeyga idiinkugu soo qoray Dacwadii Ethiopia ey ku sheeganeysay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada la xiriiro, iyo 3dii Dal ee UN u xil saartay 1957. iyada oo aan dacwadii Go’aan laga gaarin ayaan Xuriyadii qaadanay. laakin Magaca “Baydhabo” iyo “Maidaba” oo ethiopia ku dacwooneysay galkiisii Dacwadana weli lama xirin. in kasta oo Talyaanigu Cadeeyay in Maidabada uu kula heshiiyay Ethiopia ey tahay Meel ku taal Gudaha Ethiopia oo eynan aheeyn Magaalada Beydhabo oo Ethiopia ey sheeganeysay 1957. ( Ogoow, Deeganadii ey sheeganeysay Ethiopia 1957, Hadda Ciidanadeeda ayaa joogo, Galkii Daceadana weli lama xirin)

Wasiir Sucuudi ah ayaa shir caalamiya ka soo jeeday in Somaliya lagu daro Ethiopia lana Baabiyo Somaliya

Baddeenii ayaa Kenya nagu sheegtay. Hawadiina hadda ayaa la rabaa in nalaga wareejiyo Marinka Dayaaradaha.

Ogoow, Hadda Arrintu waa ka weeyn tahay Dekadda Zeylac, waxaa ku yaal deegaanka Ceelasha shidaalka ee Heemaal 1, Heemaal 2 iyo Ceel kale oo shidaal oo ku yaal Xeebta Badda afkeeda ah oo Zeylac u dhaw.

Hadeey Baraka male Gaarto, intii Zeylac ey Gacanta Ethiopia Geli leheyd, Reer Zeylac 4 arrimood ayaa u furan:

a) in ey ka mid ahaadaan Somalidii 1960kii wax isku darsaday.

b) in Somali Land ey ka mid ahaadaan.

c) In ey ku biiraan Jamhuuriyadda Jabuuti.

d) in ey Noqdaan Dowlad Madax banaan oo la soo celiyo Dowladoodii hore ee Awdal ee ka tali jirtay Zeylac iyo Deegaanada la xiriiro.

Hadda, waxaan isku heeysanaa, wax yar oo gudaheena ah, waxaana la isku heysyaa jiritaankeena.

FG: Shacabka haloo sheego Xaqiiqda, Documets-ka soo jireenka, ahna hana la raadiyo, Wasaarada Arrimaha Dibaddu ha u diyaariso khubaro si gaar ah khatarahaa uga hor tagto.

W/Qoray: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you