Casiisoow caddalad aan kaa barinay
Gobolka banadir waa mid ka mid ah gobolada dalka ee 18 gobol, waxaa ku dhex taal caasimada soomaliya ee mugdishu, waa hooyadii abaabisadii soomalida badankeedaa,waa hooygii ilbaxnimada, waa xaruntii dowlada dhexe waa hooygii aan kala sooca laheeyn, in wiilashaadii ku yiraahdaan mudnaan ma lihid dastuurkuna xaqaagii ku qoran yahay oo aad ka mid tahay 18ka gobol ee dalka waa ihaano waana ku ceeb soomaliya oo dhan kii ku dhshey kii ku dhaqmey iyo kan ku noolba ineey weydo mudnaan.
Tani waxeey muujineeysaa in aay adag tahay in caddalad la helo soomaaliya, maxaa yeelay waxaa marin hababay majarihii dalkoo idil, wax walbaa waxaa aay ku salayesan yihiin qabiil 4.5 hadii xitaa aad xaq leedahay laguuma ogala bal fiiri banadir xuquuq coded iyo matalad ma laha ,waliba waa gobolka ugu badani aay dad sooamli ah ku nool yihiin,oo maxaa loo diidey waxaa loo diiey hadii banadir aay matalad yeelato afarta qabiil ee kale ayaa maseeraya oo sabab waa mida jawaabteeda la raadinayo laakiin dad qaarkood waxaa aay sheegeen in aay salka ku heeyso diidmada qaar ka md ah madaxda maamul goboleedyada .
Waxaa dadka qaar sheegeen in caro ka dhalatey gal mudug oo laba gobol loo aqoonsadey in aay keentey in xuquuda banadir la waayo,caradii Galmudug ayaa lagula dul dhacey, dadka banaadir ma ku qancayaan nin siyaasi ah oo reer punland ah ayaa ugu yiri ninkii wax booba waa la boobaa marka waa xiligii boobka banadire ee ha la adkeeysto.
Awey soomalininadii aawey xuquudii magaladii hooyada u aheeyd somaliya ee banadir ee soo korisay soomalida manta ma waxeey noqotey magaalo loogu abaal gudo matalaad la,aan,hadii dadkii qaar ciseeyn waayeen aawey kuwii ku noolaa, ma waxaa la sugayaa xaqu inuu dhulka ka soo dhasho Oo sida geed intuu u baxo idin yarahdo waa kan xaqiinii ee qaata ,taasi ma dhaceyso ficilkii xaqiina aad ku baadi dooni laheeydeena ma heeysaan waxaan hubaa waa taariiq weeyna qormeeysaa ,banadir sidaa ma mudneeyn bandireey xaal qaado.
Waxaa Qoray: Cawil Daahir Salaad