Sunday, July 13, 2025

Banaanbaxyadii Laascaanood oo isu bedelay Kacdoon Dadweyne iyo Calanka Soaaliya…

Waxaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool bannaanbaxyo rabashado wata oo ay dhigayana dadweynaha magaaladaasi oo ka cabanaya dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada.

Maanta waxa mar kale magaalada Laascaanood ka socda bannanabaxyo waweyn oo dadka ku goojeen wadooyinka, waxaana xiran ganacsiyadii iyo isku socodka, iyadoo xaaladda maanta ay isu bedeshay kacdon dadweyne oo looga horjeedo maamulka Somaliland.

Dadweynaha banaanbaxyada wada ayaa sita calanka Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqayaan ereyo ay ku taageerayaan Somaliweyn iyo maamulka Khaatumo, halka magaalada ay maamusho Somaliland.

Labadii maalmood ee hore waxaa magaalada ka dhacay bannaanbaxyo ay. kudhinteen ilaa 3 qof, kadib markii ciidamada somailand ay rasaas ku fureen dadweynihii isu soo baxay oo dhagxaan u adeegsaday ciidamada iyo xarumo ganacsi.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana xaaladdan cusub qarxiyey dilkii magaalada loogu geystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) oo kamid ahaa waxgaradka Gobolka Sool, kaasoo ugu danbeeyay Haldoor badan oo lagu dilay magaalada.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay