Sunday, February 1, 2026

BANDHIGGA MUWAADINIINTA: Boqolaalka reer X/weyne ma waxaa loo qabtay in la sawirto mise in ammaanka la sugo?

-

Ciidamada Amaanka iyo Booliska AMISOM ayaa howgal balaaran saaka ka fuliyay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir iyadoo guri guri loo galay degmadaasi lana soo ururiyay dad gaaraya ilaa 500 ruux ah kuwasoo la geeyay saldhiga degmadaasi si loogu kala sooco.

Bandhigga-muwaadiniinta

[ad name=”HTML-2″]

Howlgallada noocan ah ee dadka faraha badan lagu qabto iyadoon loo meel dayin (mass arrests)  waxay ahaayeen xaalad dadweynuhu karaahsadeen oo Muqdisho ay soo maray xilliyo aan dheereyn, waxaana lagu xusuustaa inaysan waxba ku soo kordhin ammaanka caaasimadda marka laga reebo in dad fara badan oo aan denbi lahayn lagu tadaciyo.

Howlgalka saaka ee degmada Xamarweyne wuxuu ka danbeeyay kadib markii degmada deriska la ah ee Xamarjajab shalay lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka. Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xadgudub aan la qaadan karin ku ah in saf mar  loo soo ururiyo kadibna qoraxda lasoo tubo oo saxafiyiin loogu yeero si ay sawiro uga qaataan. Falka noocaasi ah kuma haboona shacabka muwaadiniinta ah iyo xuquuqdooda bani’aadamnimo. Guddoomiyeyaasha degmooyinka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumadda cusub waa inaysan aqbalin in la dhibaateeyo shacabka oo sidaas loogu tunto xuquuqdooda.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer X/weyne iyo Muqdisho waa u samri karaan shaki la’aan ammaanka Qaranka  dartiis haddii howlgalku yahay mid madi ah oo arrin loo qaateen ah lagu daba jiro; waana uga tanaasuli karaan mararka qaarkood xuquuqdooda iyagoo danta guud hor marinaya…. laakin lama aqbali karo in shaqo laga dhigto boqolaal shacab ah oo nooc kasta leh  in la iska urursado iyadoo bar tilmaadeed cayiman jirin. kadibna sida xoolaha barxad laga buuxiyo dushoodana sawiro laga qaato askar iyo saxafiyiinba. Arrimaha noocan oo kale ahi waxay sii kala fogeynayaan shacabka iyo dowladda.

GOOBJOOGE.COM

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you