Thursday, July 31, 2025

Belaayada Sh/hoose, intii Barriire ku baxday way ka baaxad weyn tahay [Qormada Macalimuu]

-

Ugu horreyn waxa aan Eebe uga baryayaa  naxariistii janno inuu siiyo dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ku geeriyooday howlgalkii ay ciidamadi ka sameeyeen Bariire ,runtii waa dhacdo aad u xanuun badan ,balse aqristoow ila eeg qoraalka hoose si aad u ogaato in dhibaatada ka jirta Sh/hoose in ay ka baaxad weyn tahay qasaarihii rayidka ka soo gaaray Barriire.

Gobolka Sh/hoose waa gobolka ugu kheyraadka badan dhamaan gobollada Soomaaliya dhanka wax soo saarka waxana uu taariikh weyn ku leeyahay khudradda noocyadeeda kala duwn oo uu muusku ugu horeeyo. Gobolkii sidaa ahaa maanta waa ka loogu baahi badan dadkiisuna ay ugu liitaan guud ahaan qeybaha Soomaaliya ,waxana ugu wacan colaad dabadheeraatay oo horreysay inta badan deegaanada gobolka.

Magaalada Merka waa xarunta gobolka ,maanta wax nolol ah oo ka jiraa ma jiraan. Magaalada yar ee intaa la’eg oo labada dhan ay ka kala xigaan bad iyo buur weyn oo bacaad ah dadka intii awooday waa ay ka haajireen. Magaalada gudahooda waxaa hub ku heysta afar xoog oo kala duwan. Labo waa maleeshiyaadka labada beel ee ay colaaddu u dhaxeyso ,mid waa AMISOM midna waa Shabaab .Hadaba qiyaas magaalo baaxadeedu intaa la’eg tahay oo ay ku kulansan yihiin xooggagaa hubeysan ee kala duwan marna is dilaya.

Somalia’s forgotten institutions (By Mohamed Moalimuu)
By Mohamed Moalimuu

Ciidamada midowga Africa ee AMISOM ma jirto goob kaga daran Merka meelaha lagu eedeeyo in ay tacaddi ka geysteen ,waxaa horey ay u dileen dad rayid ah oo  iskuwada qoys ah kadib qaraxyo loo geystay.

Ma jirto ilaa hadda cid si niyad ah isugu deyday in ay xaliso colaadda Sh/hoose .Dowladii hore kama ay qaban wax micno leh marka laga reebo in madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo saaxiibadii kula jiray dowladdii hore in ay maalin tageen degmada Merka oo ay ku soo dabaashaan xeebteeda.

Dowladda hadda jirta ee ay  hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre waxa aad moodaa in ay is halmaansiinayaan oo wax ahmiyad aaney u laheyn wax ka qabashada colaadda gaamurtay ee Sh/hoose. Aamusnaantoodu waxa loo fasiran karaa in ay raali ka sii socoshada dhibaatada halkaa ka taagan . Dowlad goboleedka Koofur Galbeed si weyn ayay ugu ceebeysan tahay wax ka qabasho la’aanta dhiillada ka taagan Sh/hoose ,xitaa ficil iska daa hadal saameyn leh oo wax dajinaya lagama hayo weli.

Marka aad la sheekeysto dadka ka yimaada magaalada Merka iyo deegaanada u dhow ayaad ogaaneysaa baaxadda  dhibaatada ka jirta halkaasi iyo cabsida joogtada ah ee shacabku ku nool yihiin . Dilalka ,kufsiga waaba joogto.

Sarkaal caafimaad oo ka shaqeeya magaalada Merka ayaa waxa ay ilmihiisu u deggan yihiin Shalanbood , Merka iyo Shalanbood waa ay isu muuqdaan hadana sarkaalkaasi marka uu rabo inuu aado reerkiisa waa in uu Muqdisho yimaado oo gaari wareeg maraya uu raaca oo in ka badan 130 KM u maro si uu halkaasi u gaaro. Wadaddii weyneyd ee Afgooye ka baxeysay ee No 50 mareysay ,Ceel wareegow ilaa Shalanbood sanado wax shacab ah ma isticmaalin hadii ay isku dayaanna gawaarida ay la socdaan waa la gubayaa.

Shacabka Muqdisho ka baxaya ee aada Merka waxa ay hadda maraan wadada xeebta ee Jaziira marta ,Dhanaane ilaa iyo Jilib Merka waxaana halkaas ay bar koontrool u taallaa Shabaab oo baaritaan iyo hubin ku sameeya dadka socotada ah.

Siyaasiyiinta ,masuuliyiinta ku jira dowladda ,xildhibaanada iyo waxgaradka beelaha Habar Gidir iyo Biyo Maal waxa ay ku guul dareysteen sidii xal waara loogu heli lahaa xaalka murugsan ee Sh/hoose ,qolo walibana waxa ay la dhacsan yihiin aragtida reerkooda.

Xalku muxuu yahay?  Si nabad iyo deganaan loogu abuuro Sh/hoose ,Dowladda Federaalka ah waa in ay la timaadaa qorshe kal iyo laab ah oo lagu abuurayo wadahadal laguna dhexdhexaadinayo colaadda taagan. Halkudhigga dowladda waa NOLOL iyo NABAD hadii taasi  ay dhab ka tahay maanta meesha NABAD iyo NOLOL ugu baahi badan waa Sh/hoose.

Dowlad goboleedka Koofur Galbeed waa in ay qaataan masuuliyadda kaga aadan nabad ku soo daabbaalidda gobolka ay mustaqbalka doonayaan in maamulkoodu uu ku tiirsanaado.

Hey’adaha Caalamiga iyo Saaxiibada Soomaaliya waa in ay dhaqaale ku bixiyaan sidii jawi is faham loogu dhex abuuri lahaa shacabka Sh/hoose oo la abuuraa guddi khibrad u leh dajinta xasaradaha noocan oo kale ah (Crisis Management Experts ) haddii kale inta colaadaasi taagan tahay wax kala soconayaa ma jiraan.

In shacabka loo furo waddooyinka lana damanad qaado amnigooda. Warbaahintu waa in ay diiradda saartaa soo gudbinta xogta dahsoon ee ka jirta deegaanada Sh/hoose.

Qalinkii:  Maxamed Ibraahim Macalimuu

[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you