Monday, July 14, 2025

Beledweyne: Xiisadda ka dhalatay mu’aamarada ay Allifeen Farmajo, Fahad iyo Jeneral Biixi (Qormo)

-

W/Qoray:
Dr. Maxamud M. Culusow

Hirshabelle (Beledweyne): Xiisadda ka dhalatay mu’aamarada ay Allifeen Farmajo, Fahad, iyo Jeneral Biixi oo Jeneral Xuud u bogay. Riwaayaddii mu’aamarada aheyd ee ay allifeen Farmajo, Fahad, iyo Jeneral Biixi oo Jeneral Xuud u bogay waxay abuurtay xiisad halis ku ah nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya oo dhan.

Ficilka Farmajo, Fahad, iyo Biixi wuxuu ka soo horjeeda hadafka laga leeyahay doorashada oo ah dhismaha dowlad u hoggansan dastuurka, sharciga, iyo nidaamka dimoqradiga ah. Ilaa maanta waxaa la garan la’ yahay sababta Farmajo iyo Fahad u joojin la’yihiin tallaaboyinka sharcidarrada ah madaama Xukuumadda Xilgaarsiinta iyo Maamullada Dowlad Goboleedyada ay u xilsaaran yihiin maamulka guud ee dalka muddada lagu jiro doorashada Barlamaanka Federaalka.

Waa lagama maarmaan ah in muddo ka yar toddabaad la caddeeyo in dastuurka kmg shaqeynayo ama uusan shaqeyneyn. Gaar ahaan, waxaa laga maarmaan ah in Golaha Ammaanka ee QM oo Soomaaliya geliyay Cutubka VII ee Axdiga Qarammada Midoobay caddeeyo inuu taagersan yahay ku dhaqanka iyo sarreynta dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama taagersan yahay xukun maroorsiga iyo keligi talisnimada Farmajo iyo Milkiilihiisa Fahad ay 5 sano wadaan iyo in Ciidammada Qalabka Sida hoos yimaadaan Laanta Fulinta ee Xukuumadda Federaalka ama hoos yimaadaan Madaxweynaha JFS.

Waxaa la maraya in muwaadin kasta sharciga gacantiisa ku qaato, isla markaana galo xaalad is difaac iyo badbaadada naftiisa, karaamadiisa, qpyskiisa, maalkiisa, iyo eheladiisa. Waxyaabaha dhacay, kaddib maalintii Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS Jeneral Biixi tagay Beledweyne, kana soo kaxeeyay Jeneral Xuud si uu kula kulmo Farmajo taaso aheyd xadgudub weyn ee awoodda Xukuumadda, waxaa ka mid ah:

1. Farmajo, Fahad, iyo Biixi waxay Beledweyne geeyeen Ciidammo Hamarcad iyo Gorgor ee ayaga ka amar qaata, sida horey uga dhacday Garbahaarey, Jowhar, Dhusamareb iyo Guricel, deggannadaaso ay ku xasuqeen shacab ka soo horjeeday boobka iyo musuqmaasuqa dowladda federaalka, kuna burburiyeen hanti badan. Ciidammada la geeyay deegammada kor xusan waxaa jooga Ciidammo kale, weligoodna marna lama dagaalamin Al Shabab.

2. Waxaa la xiray suuqa Bakaaraha Muqdisho kaddib markii Ururrada Argagixisada Al Shabab iyo DAACISH, Dowladda Federaalka, iyo Burcad kale ku qasbeen Ganacsatada inay bixiyaan canshuur iyo baado xad-dhaaf ah oo ay muddo dheer ka cabanayeen, hase yeeshe aan waxba laga qaban.

3. Beesha Xawaadle -shacab iyo madaxba – marka laga reebo Madaxweyne ku Xigeen Yusuf Dabageed iyo taagerayaashiisa waa ka soo horjeesatay Ciidammada la geeyay Beledweyne. Beesha Xawaadle iyo taagerayaasheeda waxay u diyaar garoobeen bannanbaxyo iyo dagaal hubeysan.

4. Farmajo iyo Fahad waxay abuureen cabashada Beesha Xawaadle tirsaneyso, kana dhalatay dhibaato wada saameysay dhammaan dadka ku nool Hirshabelle. Dhibaatada Hirshabelle mid la mid ah ayey Farmajo iyo Fahad ka abuureen Galmudug, haseyeeshe beesha Sacad oo qabtay cabashada ayaa gaabsatay ama sabartay.

Beesha Xawaadle kuma guuleysan in qof u dhashay uusan tartamin xilka Madaxweyne ku Xigeenka oo ay diidan yihiin sida Beesha Abgaal aysan ugu guuleysan in qof ka dhashay uga celiyaan inuu u tartamo xilka Madaxweynaha DG Hirshabelle si looga hortago dhibaatada munaafaqa abuuray.

Nasiib darro, Farmajo iyo Fahad waxay taagero ka heleen waba wejiilayaal, daneystayaal u dhashay Xawaadle oo cabashada Xawaadle ka dhigay dhibaato dhextaal Xawaadle iyo Abgaal ama Beledweyne iyo Jowhar, halka dhibaatada ay ka timid siyaasadda “kala qaybi oo xukun,” ee Farmajo iyo Fahad aabbaha iyo hooyada u yihiin.

Xalka dhibaatada waxay ku jirtay, welina ku jirtaa in waxgaradka Abgaal iyo Xawaadle ka wada hadlaaan duruufaha laga dhex abuuray iyo sida wax looga qaban karo ayadoo la tixgelinayo in dalka ay maamulaan koox burcad oo ka shaqeyneysa isku dirka iyo kala qaybinta bulshada deegaanka.

5. Madaxweynaha DG Hirshabelle Cali Cabdullahi Xussein “Cali Guudlaawe,” ilaa hadda kama hadlin xiisadda ka aloosan Beledweyne, walow la sheegayo inuu la socdo qorshaha doorasho boobka ee Farmajo, Fahad, iyo Jeneral Biixi doonayaan inay hirgeliyaan.

6. Golaha Wasiirrada wuxuu amray in si deg deg ah Ciidammada Haramcad iyo GorGor ee la geeyay Beledweyne laga soo celiyo. Haddii aan degdeg loogu hoggansamin go’aanka Golaha Wasiirrada, waxaa caddanaya in Ciidammada Xoogga iyo Booliska ka amar qaataan Farmajo iyo Fahad taaso ka baxsan nidaamka dowladda federaalka. Waxaa laga maarmaan ah in Golaha Wasiirrada ka joojiyo shaqada Taliyayaasha Xoogga iyo Booliska lana amro Wasaaradda Gaashandhigga iyo Wasaaradda Amniga soo diyaariyaan kiis la xiriira amar diidada labada Taliye.

7. Golaha Wasiirrada wuxuu magacaabay guddi ka soo talabixiya xiisadda ka aloosan Beledweyne iyo habka hirgelinta doorashada kuraasta Golaha Shacbiga ee taala Gobolka HIiraan. Waxaa muhiim ah in Waxgaradka Beesha Xawaadle iyo beelaha deggan Hiiraan gaaraan, soo bandhigan heshiis lagu hirgelinayo doorashada kuraasta Beledweyne loo asteeyay, isla markaana Cabashada Beesha Xawaadlena jid u falaya.

Doorashadii Madaxweynaha Hirshabelle ee dhacday 2020 waxay abuurtay qalalaase siyaasadeed oo Farmajo iyo Fahad ku talagaleen inaysan xallin oo ay ahaato qalalaase sanooyin socda.

8. Jeneral Odawaa, Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliya wuxuu siiyay waraysi Idaacadda VOA, wuxuuna sheegay sababta Ciidammada Haramcad iyo GorGor loo geeyay Beledweyne ay tahay la dagaalanka Al Shabab, wuxuuna caddeeyay inuusan kala tashan ama ku wargelin Wasaaradda Gaashandhigga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga, iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Taliye Odawaa ma sheegin cidda ka sarreysa oo uu arrintaas kala tashaday iyo waxa ku dhacay Ciidammada qaybta 27aad iyo Ciidammada Jabuuti ee ka mid ah Ciidammada AMISOM oo ku sugan Beledweyne, kuwaaso la dagaalamayay Al Shabab. Muddo dheer ma jirin khatar Al Shabab ee laga soo sheegay deegaanka Beledweyne oo ka daran midda Muqdisho, Galmudug, Hirshabelle, iyo Koofur Galbeed ka taagan.

Ciidammada Danab, HamarCad, iyo GorGor waa kuwo loo adeegsado ujeedo siyaasadeed, horeyna looga hadlay, haseyeeshe Taliye Odawaa diidan yahay inuu u hoggansamo. Waxaa wareysigiisa ka muuqata inuusan akhrin dastuurka, isla markaanaa faham fiican ka qabin habka dowladda federaalka ay tahay inay u shaqeyso, ma ahan sida asaga la tahay inay u shaqeyso.

Geynta Ciidammo cusub iyo joogitaanka Ciidammadaas aan hoos imaaneyn Taliska Qaybta 27aad waxaa howl u baahan qorshe, amar sare, iyo wargelin hay’ado badan madaama uu ku baxayo kharaj xoog leh ee Miisaaniyadda Xoogga Dalka oo Wasaaradda Gaashaandhigga mas’uulka ka tahay, isla markaana abuureyso xaalad maamul, dhimasho, dhaawac, burbur hanti dowladed, iyo wada shaqeyn hay’adaha dowladda. Wasaaradaha kale waxay sharci ahaan ku leeyihiin door howlagallada la xiriira nabadda Gudaha ee ciidammada dowladda.

9. Heshiis aan la xaqiijin oo ka kooban 5 qodob ayaa dhexmaray Jeneral Xuud iyo Farmajo. Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah:

(a) bixinta magdhow dadkii ku dhintay, ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Beledweyne;
(b) Bixinta deyn lagu leeyahay Jeneral Xuud iyo Jabhaddiisa inta ay ku jirtay gadoodka ay uga soo horjeeday DG Hirshabelle;
(c) Qarameynta, dallacsiinta ciidammada iyo Saraakisha Jabhaddad Xoreynta Beledweyne;
(d) Beddelka Taliyayaasha Qaybta 27 ee XDS Beledweyne oo aan u dhalay Xawaadle,, laguna beddelo Saraakiil Xawaadle u dhalatay,
(e) Jeneral Xuud iyo JXH oo oggolaaday in Madaxweyne Cali Guudlaawe tago, laguna soo dhaweeyo Beledweyne.

10. Heshiiska dhexmaray Farmajo iyo Jeneral Xuud waa baadil, waayo Farmajo awood uma lahan inuu heshiis la galo Jeneral Xuud iyo cid kale. Maamulka dalkaa waxaa ka mas’uul ah Xukuumadda federaalka mar kasta – muddada Xilgaarsiinta iyo muddada aan xilgaarsinta aheynba.

11. Dhaqanka Farmajo, Fahad, Jeneral Odawa, Jeneral Xijaar, Jeneral Biixi, iyo G/Sare Yasin Farey wuxuu daaha ka qaadaya in dalka ka jirin dastuur, lana marayo “ninkii xoog badan reerka ha u haro.” Waxaa muuqata in laga baxay ilaalinta xaqa muwaadinka, lana marayo “qof walba is badbaadi oo difaaco naftaada, maalkaada, karaamadada, iyo mustaqablkaada.” Waa xaq muwaadin kasta leeyahay.

12. Qarameynta Jabhadda Xuud iyo Beddelka Taliyayaasha Qaybta 27aad waxay saameyn ku leeyihiin Madaxweyne “Cali Guudaawe” oo saraakiisha qaarkood isku hayb yihiin.

13. Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Yusuf Dabageed wuxuu horey u sheegay in la boobayo kuraasta taal Beledweyne oo dhan 25 kursi. Sidaa darted, waxaa waajib dowladeed ah in Yusuf Dabageed lagu amro inuu degdeg uga soo tago Beledweyne, yimaado, joogo Jowhar inta ay ka dhammaaneyso doorashada Golaha Shacbiga.

W/Qoray:
Dr. Maxamud M. Culusow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you