Saturday, August 16, 2025

C/raxmaan Ceynte oo Farriin kulul u diray Farmaajo & Kheyre [Waa inaan qooq siyaasadeed laga qaadin is-casilaadda Jawaari]

-

Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo mar soo noqday xoghayihii madaxweyne Farmaajo ayaa farriin culus u diray Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay is-casilaadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayuu uga digay madaxda sare inaysan wax uu ugu yeeray qooq siyaasadeed ka qaadin is-casilaadda Jawaari, wuxuuna soo jeediyay sadex qodob oo muhiim ah.

HOOS KA AKHRISO FARRIIN C/RAMMAAN CEYNTE

Waxaan codkeyga ku biirinayaa jamaahiirtii u mahad celisay Guddoomiye Jawaari, sida xilkasnimada iyo waayeelnimada leh ee uu isku casilay, isagoo u turay guud ahaan dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan midnimada Golaha Shacabka. Siduu khudbaddiisa ku sheegay, waalidka ayaa ubadkiisa uga laxaw badan kuwa aan dhalin, balse sheegta. Guul-darradiisii siyaasadeed ayuu u rogay libin qarannimo.

Haddaba, maxaa haatan la gudboon hoggaanka dalka?

1. Inaan qooq siyaasadeed laga qaadin is-casilaadda Jawaari, balse loo arko fursad dahabi ah oo lagu asteyn karo xasillooni siyaasadeed, taas oo ku saleysan wadar-oggol. Wadiiqadda kali-telis waa middii noo horseedday dagaalkii sokeeye, kamana hirgali karto gayiga Soomaaliya.

2. In xoogga iyo xoolaha qaranka lagu bixiyo sidii cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab loo wiiqi lahaa, shisheeyaha dalkeenna kusoo qamaamayna la isaga caabbin lahaa.

3. In la ilaaliyo sarreynta sharciga, oo ay ugu horreyso kala madax-bannaanida laamaha dastuuriga ah ee dalka, sida: Fulinta, sharci dajinta iyo garsoorka. Isku milankoodu wuxuu naafeeyaa hannaanka dimoqraadiyadda, wuxuuna horseedaa burbur.

Haddiise is-casilaadda Jawaari lagu badsado dhibco siyaasadeed, waxaa halis loogu jiraa fitno aan laga soo waaqsan muddo dheer.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you