Monday, July 14, 2025

Cali C/llaahi Cosoble oo Talo u diray Beesha Xawaadle. “Sow ceeb ma aha aha inaad diidaan Cali Guudlaawe” (Qormo)

-

Talo ku socota tolkey Xawaadle

Runtii maanan jecleyn inaan Facebook idinkala soo hadlo, balse sida keliya ee aan hadalkeyga idinku soo gaarsiin karo dal iyo dibad ayaa sidan ah. Walaalayaal, waxaad muujiseen ineydaan ku qanacsaneyn qaab dhismeedka asalka ah ee Hirshabeelle, cabashadiinana cid walba wey gaartay, Soomaalina wexey maanta marqaati ka tahay inaan Baladweyne laga sameyn karin wax eydaan oggoleyn. Balse waxa iga hadalsiinaya ayaa ah ineydaan ceeboobin.

Inta aanan hoos ugu daadegin ujeeddada qoraalkeyga waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo qiso dhab ah oo dhacday oo uu Hawiye ku ceeboobay sannadkii 1991, markii la riday dowladdii Kacaanka, Jabhaddii USC-na ay la wareegtay gacan ku heynta Muqdisho.

Allaha u naxariistee adeerkey Xuseen Kulmiye Afrax ayaa mar uu M S Barre maalmo ka sii maqan yahay Muqdisho soo raadiyay odayaashii hoggaanka u hayay jabhadda oo ku shiri jiray Hotel Towfiiq. Markuu soo galay halkii ay ku shirayeen ayey osayaashii istaageen oo marxabbeeyeen odey Kulmiye ayagoo weliba si muxubbo leh u gacan qaadaya. Kursi ayaa markiiba lagu soo dhaweeyay, balse asagoo weli taagan ayuu odayaashii ku yiri “ ma i taqaanaan”, dabcan wuu ogaa iney yaqaanaan balse ujeedduu ka lahaa. Wexey ugu jawaabwen “haa, waxaad tahay Xuseen Kulmiye, madaxweyne ku xigeenkii dalka. Wuxuu ku yiri adinka USC ah muxuu ahaa muraadkiina? Wexey ku jawaabeen inaan regime kii Barre xukunka ka ridno, dowlad dimuqradi ahna dhisanno. Markaa ayuu ku yiri ma waxaad moog tihiin inaan M S Barre iyo aniga afgembiga wada saneynay 21 Octobar 1969kii? Mase waxaad moog tihiin inaan 21kii sano wada soconnay oo aan madaxweyne ku xigeen ka ahaa dalka? Markaasey ku jawaabeen “waa runtaa”. Wuxuu ugu dambeyntii ku yiri “ inuu Maxamed Siyaad Xamar ka tago, aniga oo saaxiibkii ahaa, ku xigeenkiisii ahaa, 21kii sanana la socday aanan Xamar ka bixin oo aan weliba aniga idiin imaado dowladnimo kuma dhalineysaan. M Siyaad hadduu idinka baxsaday anigaa joogay, wexey aheyd inaad i soo xirtaan, subaxaa ayuuna halgankiina macne sameyn lahaa, laakin dad dowladnimo ka shaqeynaya ma eydaan noqon ee waxaad noqoteen qabiil careysan. Sheekadaa mid la mid ah ayaa maanta ka socota Beledweyne iyo Xawaadle, waana ceebta aan idiin diidanahay.Beledweyne waxaa jooga madaxdii Hirshabeelle intoodii badneyd. Waxaa Baladweyne ku sugan madaxweyne ku xigeenkii Hirshabeelle, guddoomiyihii baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee baarlamaanka Hirshabe, taliyihii booliska Hirshabeelle iyo xildhibaanno. Inta Jowhar ku hartayna wey idiin soo socdaan, marka laga reebo Madaxweyne Cali Guudlaawe. Haddaad Hirshabeelle diidan tihiin, qof huwan shaar Hirshabeelle inuu idiin yimaado ma aheyn.

Sidey wax u dhacayaan sow uma eka siduu sheegay Xuseen Kulmiye (AUN) 1991kii?Sow idiinma muuqato inuu qaladan yahay xeerka idiin dhigan ee u oggol Dabageed, Luqman, Siraji, Xasan Dhicisow, Xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle iney yimaadaan Baladweyne balse aan oggoleyn Cali Guudlaawe inuu yimaado? Xagee lagu arkay ilmo la rabo oo aabahoodna la diidaa? Ma wexeydaan ogeyn hadduu Cali Guudlaawe diidi lahaa inuu Hirshabeelle madaxweyne ka noqdo, qolada buurta saaran iney la imaan lahaayeen nin kale oo asaga ku heyb ah oo kursiga raba.

Midda kale, Xawaadlow sow ceeb ma aha aha inaad tiraahdaan nooma imaan karo Cali Guudlaawe ayadoo ay Soomaali oo idil marqaati ka tahay inuu ku xigeen u ahaa laba madaxweyne oo Xawaadle ah? Intaad diidi laheydeen nin dhallinyaro ah oo walaalkiin ah oo aan abidkiis wax idiin dhimin, sow kama sharaf iyo qurux badna inaad u yeerataan oo aad weliba adinka casuntaan, oo aad si miyir leh ula shirtaan, oo aad fahamsiisaan caqabadaha iyo waxa qaldan ee u baahan in la saxo.

Sow sidaa ma aheyn dhaqanka lagu yaqaan qabaa’ilka waaweyn ee isku kalsoon? Tolow yeynaan u dhaqmin sida reer yar oo aan wada xaajood geli karin. Yeynaan ka diidin Cali Guudlaawe, aan soo dhaweysanno oo waan yeelan karnaaye aan yeelanno, lana ballanno.Codsi walaal waxa ugu horreeya ee madaxaaga ku soo dhaca ha soo qorin laakin adoo wax ka eegaya dhanka wanaagga, anaaba huba fikirka ma qaldanee adigana caqligaaga wanaagsan nagu soo kaab.

W/Q: Cali C/llaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you