Sunday, July 20, 2025

Canshuur kordhin aan Adeeg kordhin lahayn! (Wasiir Bayle iyo Dadka Reer Muqdisho)

-

Cabdiraxmaan Bayle wasiirka maaliyadda ee Dowladda Somalia wuxuu wali wadaa inuu kordhiyo canshuurta laga qaaddo dadka ku nool hal-magaalo (Muqdisho), horta imisa magaallo ayuu wasiir u yahay?.

Dadka caasimadda ku nool in cashuur lagu kordhiyo ma diidana laakiin midii hore looga qaadi jiray wax ma loogu qabtaa?, lacagta Muqdisho kasoo xaroota 15% ayaa laggu celiyaa magaaladda inta kale yaa qaata ?.

Hadda Hotel-adda Muqdisho waxaa loo qeybiyay wargelin sheegeysa in qofkii ay 1$ koob shaah uga iibiyaan iney ku dalacaan $0.05 oo canshuur ah, 2 jeer intii Farmajo madaxweynaha ahaa waxaa la kordhiyay lacagaha lagga qaado dadka alaabta uga soo dagto Dekadda Muqdisho, sidoo kale haweenka ka ganacsadda Dahabka Jajabka ah ee reer Muqdisho canshuur xad dhaaf ah ayaa la saaray 3 bilood ka hor, ma xumma in Dowladdu ay canshuur qaaddo iyo iney kordhiso laakiin madaama go’aankan uu hal magaalo saameynaayo maxey ka faa’iidayaan dadka magaaladaas ku nool ?.

Hadii waddo 200m ah laga dhisaayo Muqdisho waxey Dowladdu kaalmo ka rabtaa caalamka, hadii qashin jid laga qaadayo caalamkey garab ka rabtaa, amniga beesha caalamka lacag ku bixisa, caafimaad lacag la’aan ah ma jiro, waxbarasho, koranto iyo biyo nadiif ah midna lagama hayo Dowladda, hadanna wasiir Beyle labo bilood kadiba lacag cusub ayuu ku dalacaa dadka reer Muqdisho.

Horta wasiir maxaa u hor taagan tahay in Muqdisho wixii kasoo xarooda laga siiyo 25% meesha ay hadda ka qaadato 15%, oo hadii ay taasi kugu adag tahay ma kari weysay inaadan lacag dambe ku kordhin dadkeedda, bal hadda midaan cusub ee aad soo kordhisay maxaa adeeg ah oo ay caasimaddu ka heli doontaa? , waa lacag kordhin aan la sheegi karin waxa ay ka faa’iidi doonaan dadka laggu kordhiyay.

Muqdisho waa magaalo dilan, waxaa illa quman madaama hal magaallo wax laggu kordhinaayo mar walba in Dowladdu ay ku dadaasho in dadku ay magaaladda ka dareemaan lacagta lagga qaaddo in wax looggu qabtay.

Wasiir Bayle wuxuu dhowaan sheegay in dakhliga Dowladda uu 80% kasoo xarooddo Muqdisho, waxa ay dad badani aaminsan yihiin in hadii magaaladda Muqdisho laggu celiyo 50% waxa kasoo xaroodda iney wax badan iska badali doonna heerka ay maanta joogto.

No automatic alt text available.Image may contain: textNo automatic alt text available.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you