Sunday, August 24, 2025

CASILAADA HOGAAMIYAASHA AMNIGA MAXEY KA BEDELI-KARTAA XAALADA..?

-

Sabti 14 iyo Sabti 28 Oktoobar waxaa dhacay Qaraxyadii ugu Khasaaraha iyo Saameynta badnaa Dalka, Culeyskii ugu weynaa ee Siyaasadeed na saaray Dawlada iyo Shacabka, ilaa laga shakiyey Sabti iyo Qarax in ay fara Yuhuudeed ku jiraa! Sidoo kale Shirkii Kismaayo ee lagu dhisay G5 Oktoobar 11, Qaraabkii Abu dhabi ee keenay Khilaafka 1 – 7 Oktoobar, Casilaadii Wasiirkii iyo Taliyihii Gaashaandhiga 12 Oktoobar, Casilaadii Taliyaashii NISA iyo Booliska 29 Oktoobar, Shirka Madaxda Dawlada Fedaraalka iyo Hogaamiyaasha Gobalada 28 Oktoobar ilaa goormee? Maxaase ka soo bixi kara? “Oktoobarey adaa lahaa”.

Xukuumada Fedaraalka markii la dhisay kadib Barnaamijkii iyo Qorshihii ugu horeeyey April wuxuu ahaa Xasilinta Caasimada iyo Bedelaadii Taliyaasha Ciidamada, siyaabo kala duwan ayaa loo fasiray Guulihii iyo Fashilkii Qorshihii Xasilinta! Lkn waxaa muuqata in Xukuumadu ku qanacday 6 bill kadib in miraha Qorshahaas aysan guuleysan kadib markii ay wada Casishay 3 Taliye iyo Wasiirkoodii Gaashaandhiga!.

Hadaba talaabadan Xukuumada waxaa laga Akhri karaa qodobadan:.

1. In laga Jawaabay qaar ka mid ah; Su’aalihii iyo Niyad-jabkii Shacabka ee dhanka Amniga iyo Mas”uuliyada wixii dhacay!.

2. Inay bilaabatay isla Xisaabtankii ay balan-qaaday Xukuumadu, ayna sii socon-doonto!.

3. In uu bilaaban-doono Qorshe cusub ee Amniga Dalka iyo Xasilinta Caasimada iyo Taliyaan iyo Wasiiro Cusub oo lagula Xisaabtami-doono Mas’uuliyada waxa dhici-doona, kana faa’iidaysta fashalka kuwii ka horeeyey!.

4. Fariin loo diray Madaxda Maamul-gobaleedyada iyo Mucaaradka Xukuumada ee Golayaasha Fedaraalka sida ay uga go’antahay Xukuumadu in ay qaado talaab kasta oo Ammaan lagu heli karo iyo in ay bedesho cid kasta oo aan la jaan-qaadi karin Nabad & Nolol!.

5. In shirka u bilawday Fedaraalka iyo Gobalada aan laga sugeynin wax ka yar in ay siiyaan Shacabka ay matalaan Dammaanad ah in uusan Qarax iyo Qax danbe soo laaban doonin ama ay is wada Casili-doonaan si Damiirkooda iyo kan Shacabka ay u raaligeliyaan!.

6. Odayaasha iyo Xildhibaanada sheegtay magaca Hawiye ee Shalay shiray in laga sugayey in ay taageeraan Qorshaha iyo talaabooyinka cusub ee Amniga ee ay bilawday Xukuumadu! Lkn lagama filayn in Oktoobar 2017 ay dib ugu celiyaan Waqtigii 1991, ” Hawiyow ka kaceey” “Cali gar-leh – Caydiidna gar-leh” 4 Xildhibaan + Siyaasi + 4 Oday + 4 Taliye hore + Qaraabkii Abuu dhabi = Hawiyow waa warey!. Xildhibaanada iyo Odayaasha shalay Shiray oo Qoraalkooda ku xusay in ay Gobalka Benadir u hiilinayaan Xaqiisana raadinayaan, hadana taageeray G5 oo diidan Gobalka Benadir kuna wada sugan Gobalka! Maxey ugala hadli waayeen Xuquuqda Gobalka M. Gaas iyo M. Sharif Xasan mise “aabe ninka yar iga celi waaye”.

7. Hadii lala xisaabtamay Hogaanadii Amniga Soomaalida! Yaa la xisaabtamaya Dawladaha korkeyna iyo Dalkeyna isku haysta oo dhibaatada qeyb ka ah? Yaa la xisaabtamaya Ciidamada korkeyna iyo Dalkeyna dhaqaalaha ku qaata 10 sano kadibna eynan haynin natiijo Cad? Yaa la xisaabtamaha kuwa dhaqaalaha, tababarada iyo Talisyada kala duwan ku kala dhantaalay awoodii iyo Guushii Ciidamadeyna ay gaari lahaayeen?. Yaa la xisaabtamaya Siyaasiyiinteynii hore iyo kuwa noo jooga ee Barri iyo Galbeed u kala qaraab tegaya? Yaa la xisaabtamaya Ganacsatada iyo Shirkadaha Amniga ee Canshuurta siiya Dawlada iyo Cadawga? Yaa la xisaabtamaya kuwa guranaya kheyraadkeyna Habeen iyo Maalinba

 

W/Q: Dr. Mohamed Nur Gacal

 

Wasiiru dowlihii hore ee arimaha dibada Somalia

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you