Tuesday, July 1, 2025

Ciidamada Dowladda oo in ka badan 50 Alshabaab ah ku dilay Gobolka Hiiraan iyo..

War kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay degaano hoos taga degmada Buuloburte ay ku dilen in ka badan 50 ka mida maleeshiyada Alahbaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal cusub oo ay iska kaashanayaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya iyo dadka degaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ee hoostaga degmada Buula-burde in lagu dilay in ka badan 45 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkani uu weli socdo, isla markaana ay dawladdu war ka soo saari doonto marka uu soo dhamaado.

Sidoo kale milateriga ayaa toogtay 9 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab, kadib hawlgal kale oo ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo ay dawladdu sheegtay in raggaasi ay isku dayayeen inay halkaas ku dhuuntaan, si ay isaga abaabulaan.

Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda in ka badan 45 dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkaan oo wali socda ayay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doontaa marka uu soo dhammaado.

Dhanka kale Ciidamada Xoogga Dalka ayaa toogtay sagaal dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan.

Ciidamada Dowladda oo ay la socdan AMISOM iyo Diyaarado qabsaday

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay