Monday, September 22, 2025

C/kariin Xuseen Guuleed: “Dhacdada Qalbi Dhagax, Dhacdo lama filaan ah…” [Akhriso]

-

Maalmahii la soo dhaafay Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxay isku dareen ka noqdeen dhacdadii lagu dhiibay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Abdixakiin Qalbi Dhagax haddaba waxaa isweydiin mudan maxaa dadka dareenkooda ilaa heerkaan kiciyey oo Dowladdii iyo Hogaankii ay sidii la ogaa doorashadiisa u soo wada dhaweeyen una taageereen hal mar oga soo horjeenteen, anigu koley waxay ila tahay in arintaas ay salka ku heyso arimaha soo socda:

1. Dareenka ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka qabeen Hogaankooda Cusub inuu tusaale u yahay Wadaniyadda iyo ilaalinta Karaamadooda iyo Xuquuqdooda, taas oo dhacdadaani markii ay dhacday lama filaan iyo amakaak ku noqotay, keentayna inay niyadjab ku abuurto.

2. Dhacdadaan oo ugub ku ah inay ka dhacdo dowlad Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan inaan halkaan ku tilmaamo hal dhacdo oo dhacday waqtigii uu xukunka hayey Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh in ay dhacday inuu Horjooge ka mid ahaa Horjoogayaalka Kooxda Al-Shabaab isi soo dhiibay kaas oo watay labo Jinsiyadood tiisa asalka aheyd ee Soomaaliya iyo mid Mareykan ah, waxaa markii ay ka war heshay dowladda Mareykanka isi soo dhiibkiisa ay dowladda Soonaaliyeed ka soo dalbatay in maadaama uu ninkan mareykan yahay sida ay sheegeena danbiyo looga heysto dhankooda ayaga loo gacan galiyo laguna wareejiyo, laakiin dowladda soomaaliya xiligaas waa ay ka diiday ayadoo tiri Dastuurkeena iyo sharcigeena midna noo ogolaanmaayan inaan Muwaadin Soomaaliyeed dowlad kale u gacan galino, arinkaas oo in muddo ah mugdi iyo madmadow weyn galisay xiriirka labada dal iyo wadashqeyntoodii.

3. Dhacdadaan oo sidoo kale ugub ku ah Magaalada Muqdisho oo aheyd hoyga iyo gabaadka qofka Soomaaliga ah, Waxaana dhamaanteen wada xusuusana in dhacdadaan oo kale ay Salfatay Raggii Hogaamiye Kooxeedyada ahaa ee Muqdisho ka arimin jiray kadib karkii ay isku dayeen in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay Ajnabi u gacan galiyaan, taas oo ay Reer Muqdisho ka gilgishsheen kana dhiidhiyeen, kacdoon bulsho oo arinkaas ka dhashayna Hogaamiye Kooxeedyadii magaalada looga saaray.

4. Sidoo kale dhacdaan oo ku xun kana soo horjeedo Dhaqanka iyo Karaamada Soomaaliyeed waayo Soomaalidu labo midna ma aqbali jirin kuwaas oo ah:

  • In qof ayaga ka dhashay ay cid kale tiraahdo noo soo dhiiba waxayna oran jireen haddii aysan cidna naga harin arunkaas yeeli meyno waayo waxay taabaneysaa jiritaankooda iyo shraftooda.
  • In qof magan u ah loo gacan dhaafo oo la damco taas oo ay u arkayeen inay karaamo jab ku tahay.

Hadddaba Dowladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay geesinimo iska soo goyso oo jahawareerka jira dadka ay ka saarto ayadoo si mas,uuliyad ku jirto waxa dhabta ah ee jira dadweynaha ola wadaageyso, qiratana waxii khalad ah ee ay gashay, haddii wax qof gaar ah uu ku tagri falay ay tahayna qofkaas kiisku asaga Aabo yiraahdo, haddii go’aan guud uu ahaana Madaxda Sare ee uu Madaxweynuhu u horeeyo ay Bulshada cudurdaar rasmi ah u jeediyaal waayo arinkaan waa arin aan sidaan shibta ah ku dhamaaneynin waana arin si toos ah u taabanaysa Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

W/Q: C/kariim Xuseen Guuleed

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you