Saturday, August 16, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo soo jeediyay tallooyin looga hortegi karo Weerarkii Bariire oo kale [Akhriso]

-

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta, horena u soo noqday wasiir ayaa si qoto dheer uga hadlo weerarkii dadka lagu laayay ee ka dhacay Degaanka Bariire.

Wuxuu ka hadlay qaabka loo yareyn karo qasaaraha ka dhasha dagaalada looga horjeedo argagixisada, wuxuuna soo jeediyay tallooyin ku saaban qaabka looga baaqsan karo qasaare la mid kii ka dhacay Bariire.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR

C/raxmaan C/shakuur Warsame
C/raxmaan C/shakuur Warsame

Waxaan tacsi u dirayaan dadkii rayadka ahaa ee shalay lagu dilay deegaan ka tirsan Bariire. Waxaa ku jiray qaar aan aqaano, kuna aqaanay wanaag iyo samo ka talin. Allaha u naxariisto sabar iyo Iimaana Allaha ka siiyo eheladii iyo qoysaskii ay ka baxeen.

La dagalaanka argagexisadda la mid ma ahan dagaalkii la aqoon jiray (conventional war). Waa dagaal aan la aqoon xuduudda cadawga, tirada ciidankiisa, nooca hubkiisa, taagtikada dagaalkiisa iyo taakulaynta saadkiisa. Waxaasoo dhan waxaa ka sii daran waa dagaal dadwaynaha lagu dhex dirarayo. Hadaba guusha dagaalka kuma xirna oo keli ah awooda ciidanka, tirada hubka iyo taaktikada dagaalka ee waxay ku xiran tahay kalsoonida iyo taageeraada laga helayo dadwaynaha.

Waa in uu jiraa hanaan ay dawladu ku qaadayso masuuliyada kuna muujinayso sida ay uga go’an tahay ilaalinta dadkeeda. Waxaana lagama maarmaan in la sameeyo habraaca hawlgal oo looga taxadarayo khasaaraha dadka rayadka ah. Waana in la helo qaab daryeel, daawayn iyo magdhaw ku heli karaan dadka rayadka ah ee hawlgalada ciidanka wax ka soo gaaran.

Waa in ay jirto istaraatiijiyad tan hataan jirta ka duwan ee dhinaca warbaahinta iyo xiriirka dadwaynaha ah ee ku aadan hawlgalka ciidanka xooga dalka iyo kuwa ajnabiga ah ee Alshabaab ka dhanka ah.

Si hadaba loo yareeyo khasaaraha dadka rayadka ah loona kasbado kalsoonida shacabka waxaa laga maarmaan ah in la helo waax Ciidanka Xooga Dalka (CXD) u qaabilsan xakamaynta khasaaraha dadka Rayadka. Waaxdaas waa in ay heer qaran iyo gobol yeelato hoos tagtana Xafiiska Madaxweynaha, maadaama uu yahay Taliyaha Gud ee CXD.

Waaxda waa in ay awood u yeelataa in ay dabagal ku samayso khasaaraha soo gaara dadka rayadka ah, maarayso shillalka, baaritaan ku samayso eedaha hawlgalada ka yimaada, taageerana siiso dadka ay khasaaraha soo gaareen. Waana in ay raadiso xog dhab oo tafatiran ka hor inta aanan hawlgalka la samayn. Arrinkani wuxuu gacan siinayaa qorshaha hawlgal ee Ciidanka Xooga Dalka ee Aragagexisada ka dhan ka ah.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you