Sunday, August 24, 2025

Cudurkan Magacii, Mase la Kulantay?! Waxaana hal mar kala dhuunta wixii nacamleeye ahaa.. (Qormo)

-

Markii si deg deg lagaga qaado xil aad Soomaaliya ka haysey, waxaad durba la kulantaa jaha wareer iyo dareen hoose oo xasillooni darro ah.

Waxaa hal mar qarsooma, jawigii is-buurashada ahaa ee agtaada kajirey. Shanqar la’aan ayaa dhinac walba kaa hareysa, waxaana hal mar kala dhuunta wixii nacamleeye iyo guulwade subax walba kugu soo asbixi jirey, kuna tasbiixsan jirey amaantaada.

Dhowrkii taleefoon ee waawaynaa oo sida loo soo garaacayo badiyaa batarigu ka dhici jirey adingoon ka jawaabin ayaa aamus ku idlaada, iyadoo shaki kaa galo mararka qaarkood iney wali shaqeynayaan iyo in kale.

Haddii aad shaqsi ahaan isku daydo bal inaad wacdo lambarada qaar kamid ah dadkii maalmo ka hor aad wada maadeyn jirteen, qosolkana isla jiibin jirteen, shaqo wadaagana aheydeen, midkoodna kuma jawaabayo, «waa yaab, war yaan wacaa taloow» ayaad hoos u tiraabtaa marar badan.

Laakiin waxaa suurogal ah in taleefan wiifto ah mar mar kaaga yimaado saaxiib hore oo intii aad jagada haysey aad wiciidiisa dhibsan jirtey, laakiin kalkan waxaad u qabatey hal haleel. Isagu wuxuu kuu soo wacey bal inuu kuu muujiyo niyad wanaag muraalkana kuu dhiso, waayo waa ruux dun fiican oo aan kaaga aar goosaneynin wixii uu dhaqan xumo, been, ballan la’aan iyo isla waynen kaala kulmey intii aad xilka ku sarqaansaneyd!!.

Mararka qaarkood ayaad xasuusata, mid abwaana oo xoogaa erayo iyo til toolmoon ah xafladaha kaaga marin jirey, ama fannan hees kaban macaan leh qaacis kugu maaweelin jirey. Inkastoo oo aad u yeerto oo aad xoogaa shaxaad yara siiso oo ay xoogaa kugu maaweeliyaan erayo ka farxiyana ay dhagahaaga maqashiiyaan, haddana maqalkaagu uma waddana sidii hore oo walaac ayaa kolba hoos kaa gujinaya oo riyo maalmeed inaad ku jirta kuu xasuusinaya!!.

Xilli dheer haddii aad bulshada ka go’neyd ayaa waxaad ku dhiirraneysa marka dambe inaad soo abbaarto hoteeladdii lagu caweyn jirey.. meel walba dad baa dhooban, laakiin ma jirto cid kugu soo xoomeysa sidii caadadu aheyd, xitaa salaan ma jirto, waa yaab. Si kasta oo aad dholatus iyo gacan haatis badan u sameyso dadku kuma arkaan, ama ugu yaraan ma doonayaan iney ku arkaan!!.

Waxaas oo dhan waxaa ka darran dhowr ruux oo xisaabo idinka dhexeeyeen oo aad qandaraasyo ku naas nuujin jirtey ayaa ambadey, mana doonayaan iney xisaabtii aad ka sugeysey ku siiyaan, kuwo kale oo aad u dhibatey lacago caddaan ah,qaar kale oo hanti ma guurta ah kuu gadey oo kuu hayey iyo kuwo kale oo aad ku raad gadan jirtey, isla markaasna aad lacagaha marsiisan jirtey ayaa iyagiina hal mar ku wada inkirey!!.

Waxaa si wis leh oo gabaabsi sii ah xoolihi dad wayne ee horey u boobtey, waxaana gujis iyo gunuunac kugu bilaabey xaasaskii badnaa ee aad kala barkan jirtey barisamaadii oo iyagu saluug ka qaadey jeeb xumidaada kaana waayey falax falaxsanaantii iyo dhaga nugeylkii dalabkoodii aan mayada lahaan jirin.

W/Q: Abdi Yusuf Farah

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you