Tuesday, September 21, 2021

Cudurkan Magacii, Mase la Kulantay?! Waxaana hal mar kala dhuunta wixii nacamleeye ahaa.. (Qormo)

-

- Advertisement -

Markii si deg deg lagaga qaado xil aad Soomaaliya ka haysey, waxaad durba la kulantaa jaha wareer iyo dareen hoose oo xasillooni darro ah.

Waxaa hal mar qarsooma, jawigii is-buurashada ahaa ee agtaada kajirey. Shanqar la’aan ayaa dhinac walba kaa hareysa, waxaana hal mar kala dhuunta wixii nacamleeye iyo guulwade subax walba kugu soo asbixi jirey, kuna tasbiixsan jirey amaantaada.

Dhowrkii taleefoon ee waawaynaa oo sida loo soo garaacayo badiyaa batarigu ka dhici jirey adingoon ka jawaabin ayaa aamus ku idlaada, iyadoo shaki kaa galo mararka qaarkood iney wali shaqeynayaan iyo in kale.

Haddii aad shaqsi ahaan isku daydo bal inaad wacdo lambarada qaar kamid ah dadkii maalmo ka hor aad wada maadeyn jirteen, qosolkana isla jiibin jirteen, shaqo wadaagana aheydeen, midkoodna kuma jawaabayo, «waa yaab, war yaan wacaa taloow» ayaad hoos u tiraabtaa marar badan.

- Advertisement -

Laakiin waxaa suurogal ah in taleefan wiifto ah mar mar kaaga yimaado saaxiib hore oo intii aad jagada haysey aad wiciidiisa dhibsan jirtey, laakiin kalkan waxaad u qabatey hal haleel. Isagu wuxuu kuu soo wacey bal inuu kuu muujiyo niyad wanaag muraalkana kuu dhiso, waayo waa ruux dun fiican oo aan kaaga aar goosaneynin wixii uu dhaqan xumo, been, ballan la’aan iyo isla waynen kaala kulmey intii aad xilka ku sarqaansaneyd!!.

Mararka qaarkood ayaad xasuusata, mid abwaana oo xoogaa erayo iyo til toolmoon ah xafladaha kaaga marin jirey, ama fannan hees kaban macaan leh qaacis kugu maaweelin jirey. Inkastoo oo aad u yeerto oo aad xoogaa shaxaad yara siiso oo ay xoogaa kugu maaweeliyaan erayo ka farxiyana ay dhagahaaga maqashiiyaan, haddana maqalkaagu uma waddana sidii hore oo walaac ayaa kolba hoos kaa gujinaya oo riyo maalmeed inaad ku jirta kuu xasuusinaya!!.

Xilli dheer haddii aad bulshada ka go’neyd ayaa waxaad ku dhiirraneysa marka dambe inaad soo abbaarto hoteeladdii lagu caweyn jirey.. meel walba dad baa dhooban, laakiin ma jirto cid kugu soo xoomeysa sidii caadadu aheyd, xitaa salaan ma jirto, waa yaab. Si kasta oo aad dholatus iyo gacan haatis badan u sameyso dadku kuma arkaan, ama ugu yaraan ma doonayaan iney ku arkaan!!.

Waxaas oo dhan waxaa ka darran dhowr ruux oo xisaabo idinka dhexeeyeen oo aad qandaraasyo ku naas nuujin jirtey ayaa ambadey, mana doonayaan iney xisaabtii aad ka sugeysey ku siiyaan, kuwo kale oo aad u dhibatey lacago caddaan ah,qaar kale oo hanti ma guurta ah kuu gadey oo kuu hayey iyo kuwo kale oo aad ku raad gadan jirtey, isla markaasna aad lacagaha marsiisan jirtey ayaa iyagiina hal mar ku wada inkirey!!.

Waxaa si wis leh oo gabaabsi sii ah xoolihi dad wayne ee horey u boobtey, waxaana gujis iyo gunuunac kugu bilaabey xaasaskii badnaa ee aad kala barkan jirtey barisamaadii oo iyagu saluug ka qaadey jeeb xumidaada kaana waayey falax falaxsanaantii iyo dhaga nugeylkii dalabkoodii aan mayada lahaan jirin.

W/Q: Abdi Yusuf Farah

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Cudurka Covid-19 oo markii saddexaad kusoo laabtay Soomaaliya (Bandow taliyey in lagu soo rogo..)

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay in cudurka Covid-19 uu mar saddexaad sare u kacay, dibna ugu soo laabtay dalka, waxya na bixisay tallooyin...

Wakiilada Beesha Caalamka oo la shiray Cali Guudlaawe iyo Cadaadis lagu saaray Kuraasta harsan inay…

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ee ZOOM-ka ah la yeeshay qaar ka mida wakiilada Beesha Caalamka oo ay hoggaaminayaan Wakiilka Q/Midoobay James...

Xilliga la shaacinayo Go’aanka Maxkamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ iyo Rajada Soomaaliya

Waxaa la shaaciyey xilliga la filayo in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay ku dhawaaqdo go'aanka xukunka Dacadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya . Maxkamadda...

XOG: RW Rooble oo ka badbaaday Laba Qodob oo halis geliyay hoggaankiisa Doorashada

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dagaal xoog leh u galay inuu iska difaaco laba Qodob oo halis ku ahaa kaalintiisa hoggaanka...

Maxay ku heshiiyeen Rooble iyo Qoorqoor: Mar kale miyuu isbedelay Madaxweynaha Galmudug..?

Kulan ay soo qabanqaabiyeen xubno ay isku dhow yihiin Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay dhex maray Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Axmed Cabdi Kaariye...

Aqoonyahan taageera Farmaajo oo 10 Maalmood kadib lasii daayey, markii lagu qafaashay Nairobi

Nin lagu magacaaabo Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa caawa lasii daayey, kadib muddo ka badan 10 maalmood oo la weysnaa, markii laga qafaashay magaalada...

RW Rooble oo ka daba tegay Habraacii ay soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, kuna daray..

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka daba tegay Habraac ay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra'iial wasaare...

XOGAHA QARSOON

XOG: RW Rooble oo ka badbaaday Laba Qodob oo halis geliyay hoggaankiisa Doorashada

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dagaal xoog leh u galay inuu iska difaaco laba Qodob oo halis ku ahaa kaalintiisa hoggaanka...

Maxay ku heshiiyeen Rooble iyo Qoorqoor: Mar kale miyuu isbedelay Madaxweynaha Galmudug..?

Kulan ay soo qabanqaabiyeen xubno ay isku dhow yihiin Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay dhex maray Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Axmed Cabdi Kaariye...

Xog ku saabsan Musharaxa uu wato Yusuf Dabageed iyo Fowdadii ay dhaliyeen xildhibaanada taageersan

Taageerayaasha madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa xalay fowdo iyo qalalaase ku joojiyay doorshada kursi ka tirsan Aqalka Sare ee laga...

XOG: Kursiga Aqalka Sare ee Ganacsadaha looga haray, ayna ka cararreen Musharixiintii la tartami lahaa!

Kursi ka mida kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa looga haray Ganacsade ka mid ahaa mushariixinta, waxaana khilaafka ka dhashay uu gaaray heer...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!