Muddo saddex maalmood ah waxaa dalka Israa’iil ee Yuhuudda heysato ka socda dab qabsaday magaalooyin dhowr ah oo guryo badan baabi’iyay.
Dabkan oo markii hore ka kacay magaalada Haifa ayaa u sii gudbay magaalooyinka Bari iyo Waqooyi, waxayna gaareen magaalada Nasira. Dabka oo loo arkayay mid fudud oo la xakameyn karo ayaa faraha ka baxay isagoo si xoog leh u fiday.
Diyaaraha dabka damiya ayaa loo diray Israa’iil si ay uga qeyb qaataan daminta dabka oo ay sii xoogeeyeen dabeylo ka dhacay Israa’iil.
Dalalka diyaaradaha u diray Israa’iil  waxaa ka mida: Russia, Turkiga, Italy, Giriiga, Croatia, waxaana la filayaa inay maanta gaaraan dalkaasi diyaaradaha waaweyn ee dalka Mareykanka.
In ka badna 700 guri ayuu baab’iyay dabka, waxaana isbitaalada la dhigay 150 qof oo laga daweeyay dhaawacyo kala duwan.
Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda ayaa ku eedeeyay kooxo argagixiso ah inay ka dambeeyeen dabkaasi.
DAAWO VIDEO
Goobjooge.com