DAAWO SAWIRRO: Amiirka Qatar oo si la yaab leh soo dhoweeyay Magaalada Doha

0

Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad Althani ayaa si la yaab leh loogu soo dhoweeyay caasimadda dalkiisa ee Doha, kadib markii uu kasoo laabtay shirkii Golaha Guud ee Q/Midoobay.

Dadweynaha Qatar iyo dadka degan dalkaasi ayaa buuxiyay Garoonka iyo Qasriga madaxtooyada iyadoo Amiirka oo ka degay Gaari lagu waday uu gacan qaaday dadweynaha.

Arrintan ayaa ahayd mid aan hore loo soo abaabulin oo si caadi ah u dhacday, waxaana la arkayay kumanaan dadweyne ah oo u safan inay arkaan Amiirka, waxaana lagu tilmaamay inay muujineyso taageerada gudaha ee uu heysto amiirka dalka yar ee qaniga ah oo ay go’doomiyeen dalal ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Wuxuu ahaa socdaalkii ugu horeeyay ee uu dalkiisa uga baxo Amiirka Qatar tan iyo intii ay qaraxday xiisada dalkaasi kala dhaxeysa dalalka Khaliijka.

DAAWO SAWIRRO