Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqotay magaaladii ugu horeysay ee caalamka laga hirgeliyo Tagaasida duusha (self-flying taxi).
Hay’adda Wadooyinka iyo Gaadiidka magaalada Dubai ayaa howlgelisay Taksi duula oo ah diyaarad yar oo keligeed is wada, taasoo qaadi karta markiiba laba qof oo rakaab ah, waxaana lagu soo bandhigay taksiga duula xeebta Jumeirah Beach Park.
Diyaaradan is-wada ayaa qaadi karta markiiba laba qof, iyadoo aan u baahneyn duuliye ama dad haga, waxaana sameeyay shirkadda Volocopter ee Jamaralka oo sameysa baabuurta duusha.
Taksiga duula ee Dubai ayaa ku sahqeeya electrick, waxaana la sheegay inuu yahay mid ammaan ah, iyadoo ku duuleysa ilaa 18 baalal oo haddiiba qaarkood ay shaqeyn waayeen awood u leh inay kuwa kale ku duusho kuna degto si nabadgelyo ah.
Waa taksi duula oo u wanaagsan cimilada, dhawaaqeeduna uu hooseeyo, waxay duuli kartaa muddo 30 daqiiqo ah, saacadiina waxay jari kartaa masaafo dhan 50 KM, iyadoo xawaaraheeda ugu dheereeya uu yahay 100 KM Saacadii.
Xafladii lagu soo bandhigay waxaa ka qeyb galay Sheikh Hamdan bin Mohammed, amiirka Dubai, wuxuuna soo dhoweeyay horumarka magaalada Dubai ay gaartay, iyadoo dhowaan sidoo kale howl gelisay Boolis Robot ah.
DAAWO SAWIRRO