Ciidamada Midowga Afrika ee ka hawlgalaya Soomaaliya ayaa maanta baneeyay dhismihii jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Gahayr, halkaas oo saldhig milatari u ahayd tobankii sano ee la soo dhaafay.
Munaasabad lagu qabtay gudaha dhismaha Jaamacadda ayaa si rasmiya waxa loogu wareejiyay dawladda Soomaaliya, iyadoo maamulka Jaamacadda Ummadda uu balanqaaday in dib loo dhisi doono, islamarkaana ay waxbarashadu dib uga bilaaban doonto.
Jaamacadda ayaa ku burburtay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay iyadoo lahayd ilaa todobo xarumood oo kan maanta la wareejiyay uu ugu weynaa. Waxaa jamaaacadda dib loo furay bishii August ee 2014.
Weriyaha BBCda Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo maanta booqday dhismaha ayaa sheegay inuu arkay dhismayaal burbursan oo daaqadahooda la galiyay jawaano ciid ah si dhufeys looga dhigto, dhul keyna oo aad moodo inaan sanado badan la marin iyo difaacyo qoryo ku rakibanyihiin
Dhisamaha ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisa lagu sheegay 913,500 oo mitir isku wareeg ah kaasoo muddo ku siman toban sano saldhig milatari u ahaa ciidamada Midowga Afrika ee dalka Burundi.
DAAWO SAWIRRO