Barraha Bulshada ee dadka carabta ayaa maanta waxaa qabsaday muuqaalka Madaxweynaha dalka Lubnaan Micheal Cown oo ku dhacay goob ay madaxda Carbeed sawirro isaga qaadayeen.
Jugta dhicitaanka madaxweynaha Lubnaan ayaa la maqlay xilli uu doonayay inuu goobtaasi ka tallaabo, waxaana u gurmaday madax iyo shaqaalaha goobta, laakiin xaaladda ayaa ahayd mid aan wanaagsaneyn.