Waxaa jira kiis ku saabsan in Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu xiriir la lahaa Alsahbaab, arrintaasi oo ay hore faafiyeen kooxda Monitoring Group ee qaabilsaneyd ilaalinta cunaqabateyna hubka ee oOomaaliya iyo Ereteriya.
Kiiskan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee ay wajaheen kooxdan, iyagoo faafiyay warbixinta Hassan Kheyre, isla markaana warbaahin caalami ah adeegsaday, laakiin dacwad dheer iyo qareeno caalami ah oo uu qabsaday Hassan Kheire ayaa keenay in beentaas la caddeeyo isla markaana lagu qasbo inay ka noqdaan.
Qareenka uu qabsaday Hassan Kheyre Jeremy Schulman ayaa video hore ku faahfaahinaya sida dacwadda ay u galeen iyo xaqiiqada Kooxda Montoring Group, wuxuuna soo bandhigayaa xaqiiqada dacwadda iyo wixii ay ku heysteen Xasan iyo dadka la midka ah ee Soomaaliyeed.
AKHRISO EEDIHII LAGA FAAFIYAY
Goobjooge.com