Wiil yar oo uu dhalay Weriyaha u xiran maamulka Somaliland C/maalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa baaq u diray madaxweynaha Somaliland.
Wiilkan oo 8 sano jir ah laguna magacaabo Maxamed Aamiin ayaa maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa Fariin Qiiro leh u diray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Wiilka yar ee Maxamed Aamiin wuxuu madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu u sii daayo Aabihiis, una soo celiyo qoyskiisa.
“Waxaan si xushmad leh uga Codsanayaa Madaxweynaha Somaliland inuu noo soo daayo Aabeheen oo ahaa Qofka kaliya ee Gacanta nagu hayay, Aabaheen tan iyo markii la xiray waan murugoonay oo waxaan ku dhownahay in aan waalano” ayuu yiri Maxamed Aamiin yare.
Goobjooge.com