DAAWO: Weriyaha Aljazeera oo diyaarad Drone ah Filim uga duubay Xarunta tababarka Alshabaab

0

Weriye Xamza Maxamed oo ah weriye u shaqeeya Telefishanka Aljazeera oo dhowaan sawirro uu kasoo qaaday xero ay ku tababartaan kooxda Alshabab  baahiyay ayaa maanta soo bandhigay filim cusub.

Weriyahan oo ay xireen nabadsugidda Soomaaliya balse ay sii daayeen isaga iyo agabkii uu Alshabaab kasoo qaaday ayaa Video-gan wuxuu sheegay inuu weydiistay madaxa Alshabaab ee inuu diyaarad Drone ah filim uga qaado xerada ayuu sheegay in wax kasta oo uu duula oo aan ahayn Shimbiraha ay caddow u arkaan.

Filimka waxaa ka dhex muuqda Afhayeenka Alshabaab Sheekh  Cali Raage iyo madaxa wilaayada Galgaduud, waxaana muuqata in degaanka Moqokori laga soo qaaday. Farriinta uu gudbiyo ayaa ah cududda Alshabaab iyo dadweyne ammaanya xarakada.