Thursday, April 18, 2024

Dabeysha Siyaasadeed ma waxey u jiheysatay isbedel..? (Mustaqbalka Xasan Sheikh iyo Cumar C/rashiid?)

-

- Advertisement -

Dhowaan waxaa la doortay afhayeenka 1aad ee baarlamanka oo uu ku soo baxay Prof. Jawaari, cidna gaar umalaheen guushaasi maxaayeelay xoogag kala siyaasad duwan ayaa ka wada qeeb qaatay, iyadoo beelaha qaar iskaga fogeynayeen  awood qeybsiga dowladnimo in ay u helaan guddoonka baarlamaanka.

 Hase ahaatee, kursiga 2aad loolanka waxuu u dhexeeyay Xildh. Faarax Cabdulqaadir oo matalayay xukumada waqtigeedi dhamaaday iyo musharaxiin siyasadoodu u janjeerto isbedel xagga hogaanka sare ah. Natiijada kasoo baxday waxey afti u tahay in dabeesha siysadeed   ay si xowli ah ugu jihaysantahay  isbedel ku yimaada hogaanka sare ee ay doorashadiisu nagu soo fool leedahay dabayaqada bishaan.
 
Dadka siyaasada falanqeeya inta badan waxey isku raaceen Faarax oo soo baxo in ay rajo gelin lahayd Madexweyne Xasan Sheikh, islamarkaana soo bixid la’aantiisana ay  ka dhigantahay afti lagu diidanyahay in uu markale  Madexweyne Xasan Sheikh xukunka dib ugu soo laabto.
 
Codeyntii Guddoonka Baarlamaanka ee xildhibaanada waxey kaloo ka tarjumeysaa dareenka shacabka oo la il-darnaa 4-tii sanno ee la soo dhaafay dhibaatooyin fara badan oo xaga nolosha iyo amniga ah, shaqo la’aan baahsan iyo canshuur aan ku dhisneen isla xisaabtan.
 
Intaa waxaa dheer, loolan adag oo kaga  imanaaya musharaxiin cul-culus  oo hogaaminaayo isbedel doonka sida Xildh. Cabdulqaadir Cosoble iyo kuwo hore oo raba iney soo noqdaan sida Madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed, iyo weliba Raisul wasaarihiisii Maxamed Cabdullahi Farmaajo.  Sidoo kale waxaa loolanka ku jira Raysul-wasaare Cumar Cabdirashiid oo weliba madax ka ahaay xukumadda la rabo in la bedelo.
 
Wadamada hab-dhaqanka siyasadoodu ay ku saleysantahay nidaamka isdoorashada markii ay afti noocaani oo kale ah timaado mas’uulka hogaanka haya waa uu iska casilaa kursiga iskaba daa in uu dib isku soo sharxo. Natijadaan kadib hadii uu Madaxweyne Xasan iyo raysulwasaarihiisa Cumar ay sii wadaan musharaxnimadooda iyo haddii kaleba waxey koley u mooqataa in ay codeyntii shalay ay tilmaameyso in la rabo in hogaanka sare isbedel lagu sameeyo. 
 
W/Q: Xasan Maxamuud Shiino   
- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Ciidamada Amniga Dowladda Somaliya oo xiray Weriye caan ka ah Baraha Bulshada

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Weriye ka mida kuwa baraha bulshada oo si weyn uga hadla xaaladda ciidamada dowladda iyo dhibaatooyinka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir ugu yeeray Siciid Deni iyo madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada, kadib casuumaad qoraal ah oo uu u kala diray.Madaxweynaha ayaa casuumaadda kulanka...

Askari laba Qof ku dilay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin laga helay Sababta

Nin hubeysan oo la sheegay inuu ka mid yahay askarta dowladda, isla markaana ku lebisnaa Dareyska ciidamada ayaa maanta xaalad ka tirsan degmada Dayniile...

Dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Amxaarada iyo kuwa Tigreega ee dalka Itoobiya

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in inuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada kala taabacsan maamullada Amxaaradda iyo Tigreega.Dagaalka maleeshiyooyinka Amxaarada iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Askarigii lagu arko inuu Balwad leeyahay waa iska tegayaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud, isgoo la dardaarmay ciidamo dagaalka...

Xeer ilaalinta oo Baaris ku bilowday Akoono lagu furtay Magaca ururka Saxafiyiinta SJS

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa shegeya inuu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey maanta warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta oo ku sabasn...

Taliye Boolis oo Weerar ku qaaday Isbitaal ku yaalla Muqdisho & Qalab laga qaatay

Maamulka Isbitaalka Muqdisho General Hosptial ayaa sheegay inay xalay xilli danbe soo weerarreen Askar lebisan oo ka mida ciidamada, markii ay isku dhaceen ilaaladii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...

XOG: Khilaaf ka dhashay Nuqulka ugu danbeeya ee la ansixinayo 4-ta cutub Dastuurka Cusub

Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee la filayay in maanta lagu ansixiyo 4 cusub oo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa dib...

Tegista Farmajo ee Garowe iyo Isbaheysiga cusub ee Mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka bedelak Dastuurka ayaa waxaa soo baxaya dadaaladii ugu danbeeyay ee dhinacyada iska horjeeda.Madaxweynihii hore Maxamed...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you