Tuesday, March 2, 2021

Dad badan oo ka qeyb galay Xukun Karbaash ah oo Alshabaab ku fulisay Nin kufsaday Gabar 20 sano jir ah

Waxa magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ka dhacay xukun lagu fuliyey nin lagu helay inuu kufsaday Gabar degaankaasi ku nool, kaasoo ay maxkamadda Alshabaab ee degaankaasi xukuntay.

Maxkamadda Alsahbaab ee Galguduud amartay in ninka oo lagu magcaabo Mowliid Cali Warsame lagu fuliyo xukun ah in 100 Jeydal lagu dhufto (Karkbaash) isagoo aan hore guur usoo marin, kadib markii uu kufsaday gabar lagu magacaabo Khadro Farxaan C/llaahi, sida uu maxkamadda kaga soo dacweeyay gabadha aabaheed Farxaan C/llaahi.

Ad

Waxaana sidoo kale loo xukumay in la siiyo gabadha 22 Ari ah oo meherkeeda ah, iyadoo muddo sanad ah laga masaafurinayo degaanka uu falkaasi ka geystay, taasoo loogu bedelay xabsi hal sano ah.

Ninka kufsiga lagu soo eedeeyay ayaa qirtay inuuu galmooday gabadha, balse wuxuu ku dooday inuusan kufsan oo ay iyadu raali ka ahayd, waxaana gabadha ay martay dhaar ah inaysan raali ka ahayn, iyadoo markaas xukunka jeydalka 100-ka karbaash lagu ridam eedeysanaha

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobta uu ka dhacay fulinta xukunkaasi magaalada Ceelbuur, waxayna ka mid ahayd xukunnada ay maxkamadaha Alshabaab ka fuliyaan degaanada ay ka taliyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

155,304FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow
155,304FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!