Monday, July 14, 2025

Dadka yaa dila? [Mr. Gacan ka gardaran] W/Q: Yaxye Sh. Caamir

-

Mogadishu : Dilaaga caanka ah ee dadka dila waa la wada yaqaan ,weliba magaca dilaagaa caanka ah aniga,adiga iyo ayaguba waan wada naqaan, waa hal nin oo can ah, magaciisa ma kuu sheegaa ?, horaad u ogeed oo waryiyaasha iyo madaxda ayaa kuu sheegay ,horayna waad u taqiin,war la qabaahu xiisa male ,laakin aan ku xasuusiyo in kastoo aad horay u maqashay, Magaciisu waa : Mr. Gacan ka gardaran.

Ninkaas ayaa dadkii dhameeyay , dilalka uu geeysto hal faa’iido ayeey shacabka u leeyihiin , dadkii uu dilay kuli jannatul Fardoowsa ayeey jiraan sida madaxda iyo idaacaduhu noo sheegeen , waana wada shahiideen sida na loo sheegay.

Asaga laftiisu janatul fardoowsa ayuu jiraa sida idaacadaha qaar ay soo warinayaan waana shahiid kale, waa guul haddii soomali oo dhami janatul fardoowsa ku galee dilka Mr. Gacan ka gardaran kulina ay ku wada qoran yihiin liiska shahiidiinta.

Waxaa kale oo madaxdu noo sheegeen in asagana gacan bir ah lagu soo qaban doono qiyaamaha ka hor , sharcigana a la hor keeni doonaa, laakin weli xataa gacan caag ah laguma soo qaban,sharcina lama hor keenin. Beenta siyaasadeeysan hala dhaafo, qofkii aad aduunyo wax u qaban weeyday, Aakharo fardoosa ma u heli kartaa?

Guul 1-madaxda, 2-Guul Mr. Gacan ka gardaran, guul 3-idaacadaha, maxaa ka fiican in adigoo shahiid ah aad janatul fardoosa gasho???? ISKA HUBI SADDAXDAA RUN MAKU WADA TAQIIN!!!!!!. janno hadalkooda ma lagu gala?, bbbbbbbkkkk mmmm….. Jannatul fardoosa ALLA ha galiyo, jidkeeda saxda ahna ALLA hana waafajiyo.


Ma ila fahamtay Ujeedada? Waa feker qof qoray waana qaldami karaa… Aragtidaada xor ayaad u tahay, dhaliil, wax ku dar, beeni, ama taageer.

Qore: Yahya Amir.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you