Friday, July 18, 2025

Dagaalka Argagixisada maahee, ma taqaan caddow kale oo Muqdisho leedahay, dagaalna lagula jiro..?

-

Tallaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso Beesha Caalamka waxaa looga hortagi karaa Musuqmaasuqa, iyadoo ay horey u jireen dhibaatooyin kale tani waxay noqoneysaa tallaabo cusub oo wax looga qabanayo dadka awoodda dowladda u isticmaalayo sida aan sharci aheyn gaar ahaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Askari ka tirsan Ciidamadda dowladda oo hubinayo aqoonsiga mid kamid ah Darawalada Baabuurta Muqdisho

Sanado badan way hirgeli weysay in wax laga qabto dhaqanka Musuqmaasuqa ku saleysan ee ka dhex jiro Saraakiisha Ciidamada dowladda tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladda Dhexe ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 markaas oo uu dalka Soomaaliya galay dagaalo sokeeyo oo socday muddo 20 sano ah.

Musuqmaasuqa iyo Laaluushka wuxuu Soomaaliya ka noqday wax caadi ah gaar ahaan qeybta saraakiisha Amniga qaabilsan, taas waxay sababtay inay Bulshada aqbalaan Musuq maasuqa joogtada ah ee dusha ka saaran waxaana sabab u ah Sharci darada wadanka ka jirto iyo inuusan jirin nidaam sax ah oo lagula dagaalamo Musuq maasuqa.

Dowladda hadda ka jirto Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siisay sidii looga hortagi lahaa Masuqmaasuqaas iyadoo aan la iska indha tireyn dagaalka lagula jiro Ururka Xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya culeys ku hayo isla markaasna mar kasta ka mashaquulinayo in si dhab ah looga hortago Musuq- maasuqa.

Ilaa hadda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa bilooyin badan ku celcelinayey in wax laga qabto Musuq Maasuqa ka jiro  gudaha Saraakiishada iyo Ciidamada Dowladda kuwaas oo laaluush ka qaato Koontaroolada ay ka joogaan Magaalada Muqdisho midaas oo saameyn ku yeelaneyso Amniga Muqdisho.

” Askari kasta oo lasoo qabto isagoo Laaluush ku qaadanayo Kantaroolada Magaalada wuxuu wajihi doonaa Sharci adag iyo in lasoo saaro Maxkamad Militari” Digniintaan ayuu Thaabit ka jeediyey shirkii looga hadlayey Amniga Caasimadda ee dhacay Asbuucii hore.

Duqa Muqdisho Thabit Abdi

Mar kasta oo ay Saraakiisha dowladda iyo madaxda dalka ay ka shiraan Amniga Caasimadda Muqdisho waxay Saraakiisha soo jeediyaan in wax laga qabto masuq maasuqa ka dhex jiro heerarka kala duwan ee Ciidamada midaas oo caqabad weyn ku ah wax ka qabashada xaaladaha Amni ee ka jiro Caasimadda Muqdisho.

Kasloonidii ay Shacabka Muqdisho ku qabaneyn dowladda waxaa dhaawac weyn u geystay qaraxiii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Caasimadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu Qaraxaas dhacay waxaa si weyn loo xoojiyey amniga Magaalada iyadoo Kontaroolada lasoo dhigay Ciidamo cusub si baaritaan guud loogu sameeyo gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha taasoo ah isku day lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xasiloonidii Magaalada Muqdisho.

Waxaa Muuqato in qaabkaan cusub ee loo sugayo Amniga Muqdisho laga gaaray guulo waaweyn inkastoo ay weli wax kasta biliow yihiin.

Waxaa Qaraxii Soobe laga joogaa Asbuucyo iyadoo aysan Magaalada ka dhicin wax Qarax ah inkastoo weerar lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 , waana sababta uu Duqa Muqdisho u dhahayo wax badan ayaa laga qabtay Amniga Muqdisho.

Sidoo kale qaabka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa ka dhex jiro Hey’adaha Amniga iyo dabagalka lagu hayo saraakiisha Laaluushka qaato wuxuu u muuqdaa nidaam hadda bilow ah .

Laakiin dagaalka cusub ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ee nidaamka amniga iyo saraakiisha laaluushka qaato ayaa u muuqda in si habboon loo diyaariyay. Qorshayaasha lagu doonayo in lagu ugaarsado ayaa ah in lala socdo dhaq dhaqaaqooda iyadoo qalab lagu xirayo taleefannada gacanta si ay u ururiyaan caddayn ku saabsan ku lug lahaanshahooda kiisaska laaluushka.

“Ahmiyadeena koowaad waa la dagaalanka Musuq maasuq, waxaana hadda diyaarsan qorsho dhameystiran oo looga hortagayo” ayuu yiri Thabit Cabdi.

Tallaabada koowaad oo dowladda qaadeyso ayaa ah in lasoo qabqabto Ciidamada taagan Jidadka Muqdisho ee laaluushka ka qaato Bajaajyada Magaalada ka shaqeysto midaas oo ah habka ugu fudud ee wax looga qaban karo.

Dadka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa si weyn usoo dhaweyn doono nidaamkaan cusub ee lagula dagaalamayo Musuq Maasuqa maadaama inta badan ay dhibaato kala kulmaan  askarta lacagaha Laaluushka uga qaato Waddooyinka Magaalada, inkastoo ay shaki ka muujinayaan inay dowladda ka hortagi karto Musuq Maasuqaaan maadaama ay iyada dhibaatada wado, waxayna dalbanayaan in la helo hey’ado madax banaan oo arrintaan wax ka qabto.

“Qorshahaan cusub wax badan ayaa nagu caawin doonaa, balse waxaa muhiim ah in weyn looga taxadaro arrintaan, iyadoo laga fogaanayo in sarkaal aan dambi laheyn dusha laga saaro maadaama uu jiro xilfaatan gudaha ah oo ka dhaxeeyo Saraakiisha Ciidamada” ayuu yiri Mohamud Abdullahi oo ah korneyl howlgab ah oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Nidaamka cusub ee musuq maasuqa looga hortgayo wuxuu dowladda iyo Beesha Caalamka ka caawinayaa in laga hortago Musuq maasuqa soo jireynka ahaa kaasoo dhibaato badan ku hayey dalka si loo dhameeyo dhaqanka ah in Saraakiisha ku takri falaan awoodda dowladeed.

“Kalsoonida dadwaynuhu waa furaha, tani waxay noqon doontaa talaabo muhiim ah oo lagu doonayo in lagu soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta” ayuu yiri Mr. Thabit Abdi  oo ka hadlayey nidaamka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa.

Isha: alleastafrica.com

Waxaa turjumay: Cabaas Cali Xasan (Cabaas Xaliye)

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you