Thursday, January 27, 2022

Dagaalkii dheeraa ee Farmaajo u galay inaysan Dalka Doorasho ka dhicin (Qormo xusuus ah)

-

- Advertisement -

June, 2020, ayuu Golaha Shacabka ansixiyey muddo kororsi dadban, laakiin la huwiyey magaca doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu gadaal ka riixayey Farmaajo, laakiin Aqalka Sare, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday.

July 2020, waxaa furmay shirkii Dhuusamareeb 1 Dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in la qabto doorasho taladeeda loo dhan yahay kuna dhacda muddo xileedka harsan.

July 19-22 – 20, waxaa dhacay Shirkii Dhuusamareeb 2. Waxaa lagu heshiiyey in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsanyahay.

Shirkaas waxaa Farmaajo u caddaatay in Raysalwasaarihiisa uusan la wadin muddo kororsiga. Maalmo ka dib, ayuu 25 July xilka ka tuuray.

- Advertisement -

17 September 2020, ayuu Farmaajo oggolaaday heshiiska doorasho dadban.Nov 2020, Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal, inta badan dowlad Goboleedyada iyo Somaliland ayaa soo la soo saaray, kuwaasoo u badnaa Nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal N&N.

06 Febraayo 2021, shirkii Dhuusamareeb 4, ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, iyadoo la isku mari waayey maamulka Gobolka Gedo oo uu Farmaajo ka fuqi waayey.

12 April 2021, ayuu halkii uu ku taamayey soo istaagay. Wuxuu samaystay muddo kordhin labo sano ah. 25 April 2021, Gadoodkii ciidanka ayaa dhacay, taasoo qasabtay in uu muddo kordhinta ka laabto.

01 May, 2021, ayuu ka laabtay muddo kororsigii. 27 May 2021, waxaa la gaaray heshiiskii Golaha Wadatshiga Qaran ee Doorashooyinka June 19 2021, Ayaa dib loo magacaabay guddiyadii doorashada.

Oktoobar 2021 waxaa bilaabtay doorasho boob ah, oo la isku hortaagan yahay. Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo.

Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda.

W/Q: C/raxman C/shakuur Warsame
Musharax Madaxweyne

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Saadaq Joon oo kusoo baxay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa kusoo baxay Doorasho ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Jeneraalka roo u tartamay...

Faahfaahin: Haweeney Agaasime ka ahayd xukuumadda Somaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa caawa magaalada Mudisho ku dishay Agaasimihii waaxda Maamulka Maaliyada Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Safiya Abuukar Karaani. Marxuumada ayaa...

Wasiirka Gudaha & Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle oo ka hor yimid ciidamada Farmaajo geeyay Beledweyne

Waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda xilgaarsiinta iyo siyaasiyiinta iyo Beesha Xawaadle oo si kulul uga hadlay ciidamada la...

Laba Sarkaal oo saacado gudahood lagu dilay magaalada Boosaaso iyo Qarax ka dhacay

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inuu Qarax Miino ka dhacay xaafadda Magaalo-Cad, kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyey. Hal qof ayaa...

Jen. Saadaq Doon oo u tagaan Kursi ka tirsan Barlamanka Somaliya iyo gacan uu ka helayo Madaxweynaha..

Taliyihii hore ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa Saadaq Cumar Xasan (Joon) ayaa maanta la guddoonsiiyey shahaadda musharaxnimo ee Kursiga HOP248 oo Berri Doorashadiid ka...

Midowga Musharixiinta oo War kasoo saaray xaalada Beledweyne iyo Dalab ay u direen RW Rooble

Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu canbaareeyay qalaalase ay sheegeen inuu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ka hurinaayo Gobolka Hiiraan. Goluhu ayaa qoraal...

Waare: Ciidamada Beledweyne la geeyay waa daandaansi iyo Dharbaaxo ku dhacday RW Rooble..”

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa digniin kasoo saaray ciidamada ay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo geeyay magaalada Baledweyne oo xiisad ka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Xaaladda Suuqa ugu weyn ee Bakaaraha iyo Ganacsigii oo loo xiray Amarka ka yimid Daacish..!

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ee ugu weyn magaalada Muqdisho iyo Geeska Afrika ayaa cakiran, kadib markii qeybo badan oo ka mida Suuqaasi loo xiray amni...

XOG: Kursiga qarxiyey dagaalka siyaasadeed ee Dirta Waqooyi (Farmajo, Rooble, Kheyre & Sh. Sharif)

Kursigan wuxuu dagaal culus ka dhex qarxiyey taageerayaasha Rooble, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre, waxaana udub dhexaad u ah Mahdi Guuleed Siyaasiyiinta iyo Odayaasha...

XOG: Loolanka loogu jiro Kursiga HOP064 oo galey weji cusub & Musharax looga yeeray Maxkamad

Dagaal siyaasadeed, mid beeleed iyo Dacwad ayaa hareeyay kursiga HOP#064 oo ah kursi ku asteysnaa qoonde haween, waxayna xaaladiisu gaartay inay soo dhex gasho...

Warbixin Cusub oo ka hadleysa Xasuuq ay Ciidamo Somali ah ka geysteen Gobolka Tigray (Akhriso)

Warbixin cuusb oo uu qoray wargeyska "The Globe and Mail" ee kasoo baxa dalka Canada ayaa soo shac bixisay xasuuq la sheegay ianu...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!