Wednesday, July 23, 2025

Dalkan wuxuu hore u socon karaa haddii siyaasiyiintu aqbalaan isku-tanasul [Qormo Xasaasi ah]

-

Waxaan la wada moogeyn khilaafka weyn ee dhex-yaalla madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland. Waxaa kale oo la wada og-yahay is-fahan-darrada dhex-taalla madaxda dowladda federaalka iyo in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka, gaar ahaan inta ka qayb-qaadatay caleema saarka Axmed Madoobe ee 12-kii bishan ka dhacday Kismaayo.

Markii aad dhageysato doodda mas’uuliyiinta xukuumadda ama taageerayaashooda iyo inta ay siyaasadda isku hayaan, ha joogaan, Muqdisho, Puntland ama Kismaayo, waxaa si weyn u muuqanaya, kala aragti-duwanaan baahsan, kala aamin-bax qoto-dheer iyo kala shaki weyn.

Tanoo kale ma arag

Is-collaysiga dhex taalla siyaasiyiinta Soomaaliyeed shacabkiina ku faaftay, waxa ay marar badan iila ekaataa, cadaawadda siyaasadeed ee dhex taalla, siyaasiyiinta Maraykanka gaar ahaan Donald Trump iyo siyaasiyiinta Xisbiga dimuqraadiga sida Ilhaan Cumar ama Trump iyo saxaafadda xorta ah, sida CNN ama Washington Post ama New York Times.

Anigu siyaasadda Soomaaliya ku dhawaad labaatan sano ayaan marna ku jirey marna ka ag-dhawaa, tanoo kalana ma arag. Dhinacyada is hayana, mid kasta si weyn ayay gar iskula leeyihiin, ayna u dareemayaan in koox dulmi wadda, gar-maqaatayaal-na ah ay is-hayaan, oo lagu saladay.

Dhanka kale, waxaa labadaan garab oo siyaasadda isku-haya ku maqan ama colaad kala hor-jeeda, Al Shabaab iyo Daacish oo midna dalka toban sano ka badan ku xidideysatey, midna ay hadda doonayso in ay barroosinka aasato.

Dhanka kale, adduunka qudhiisu soddon sano ku dhawaad ayuu Soomaalida ku labnaa ama ku larnaa, iyaga oo amni-sugidda iyo dowlad dhisidda ama amni khalkhal-gelinta iyo dowlad duminta qayb-weyn ka ahaa (sida qaar ka mid ah dalalka Afrikaan-ka iyo kuwa Carabta), dhanka kalana, in badan quwadaha dibadda (sida reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobey) ay ahaayeen naakhuudayaal Soomaalida la saamayn ah, haddaysan-ba ka saamayn badnayn.

Taas oo maxsuulkii ka soo baxay uu yahay, in soddon sano kaddib weli Soomaaliya ay nugushahay, qaybsan tahay, dowladda u dhisanna ay ku tiirsan tahay ku dhawaad 30 kun oo ciidamo ajnabi ah.

Soomaaliya waxay maraysaa meel siyaasiyiintii shalay ahaa ul-iyo diir, ay maanta aad isku cadaaweysanayaan, shacabkiina uu aad u kala ir-dhaysan yahay, lana kala safan yahay siyaasiyiintaas sida weyn isku qoonsatay. Dhaqankaas is-colaysiga ah, dan uguma jirto dalka, siyaasiyiinta is-haya iyo shacabka toona, sii socoshada cadaawada siyaasadeed-na, waxa kaliya ee la hubo in uu keenayo waa, dib-u-dhac guud oo dalka, isku riiqan iyo isku-ceeboow laga baaqsan karey, maslaxana aan dhalayn.

Xalka waa wada-oggol

Sidaas darteed, aniga oo ka faa’iideysanaya khibradda xog-ogaalnimada aan u leeyahay siyaasadda Soomaaliya oo ilaa shirkii Carta aan caloosha u dhex-fadhiyey, waxaan ku talin lahaa: in qof kasta – ama madax sare oo siyaasi ah ha noqdo ama shacab ha noqdo ama saamayn kale ha lahaado, sida bulshada rayadka ah ama saxaafadda – in lagu dadaalo, in la fahmo in wada-oggol iyo isku-tanaasul ay ka wanaagsan yihiin is-collaysi iyo is-muquunin.

Weliba, maaddaama ay Soomaaliya tahay dal ka soo kabanaya bur-bur, iska daa in siyaasiyiinta iyo shacabku ay kala ir-dhoobaane, waa waajib in la ogaado in dalku u baahan yahay in la isku diyaariyo sidii Al Shabaab iyo Daacish wada-hadal loola furi lahaa, maxaa yeelay kooxahaas oo hadda dadka dilaya, isna qarxinaya ayaan dagaal iyo muquunin looga adkaan karin, laguna khasbanaan doonaa in lala fariisto, tanasulna loo sameeyo.

Sidaa darteed, waxaa is-weydiin leh, sidee ku dhici kartaa in aqoon-yahanno shalay saaxiibbo ahaa, kana yimid ama arkay adduun wada-oggol iyo is-wadasho ku socda, in ay colaad isugu fara-baxsadaan? Sideese ku dhici kartaa shacab soddon sano oo dowlad la’aan iyo colaad ay ragaadiyeen, ay kooxaysi iyo is-collaysi dhex-boodaan, runna moodaan.

Halagu mintido in heshiis laga gaaro hannaan doorasho

Hadda iyo dan, kol haddii xiligan ay dowladdii iyo mucaarad aruursan ay jiraan, isna hor-fadhiyaan, waxaa habboon in la is-weydiiyo, sidee horay loogu dhaqaaqi karaa? Sidee khilaafka cirka isku-shareeray, fursad horusocod looga dhex abuuri karaa ama looga dhex-baar-baari karaa?

Aniga waxaa ii muuqata, in hadda xoogga la saaro in hal arrin laga wada-tashado, lagana gaaro go’aan ah wada-ogol ah iyo isku-tanasul.

Qodobkaasina waa in laga heshiiyo, kaddibna laga wada hawl-galo, sidii doorashada loo muddaysan yahay in ay dhacdo 2020/21 heshiis guud looga gaari lahaa.

Waxaan arkaa, haddii laga heshiiyo qodobkaas oo hadda taagan, in waxa xigaya ay yihiin in la ansixiyo xeerka doorashooyinka, in ol-ole doorasho loo dareero iyo in la gaaro in muwaadinka Soomaaliyeed uu taliyo, oo uu doorto, cidda talada dalka qabanaysa.

In hannaan doorasho lagu heshiiyo ma aha arrin adag, Machadka Heritage oo aan ka tirsanahay, afar hannaan oo mid kasta la qaadan karo ayuu soo bandhigay.

Weliba aniga fikir ahaan, waxaan arkaa in lagu heshiin karo, hannaan boqolkiiba sideetan (80%) waafaqsan sida dowladda iyo guddiga doorashooyinku ay wax u rabaan (aniga malahayga), kaas oo ah hannaanka loo yaqaan Matalaadda Isku-dheelli-tiran ee Liiska Xiran, (Proportional Representation, Closed List system,).

Si ay maamul goboleedyadu u aqbalaan hannaankan, waxaan aan soo jeedinayaa – maaddaama dalku faderaal yahay – in meeshii dalka oo dhan laga dhigi lahaa hal deegaan doorasho [sida dowladda iyo gudiga doorashadu ay u eg tahay in ay u xaglinayaan] in la sameeyo shan deegaan doorasho oo ah shanta maamul-goboleed, iyaga oo dadka Muqdisho ku nool-na ay u codayn karaan kuraasta u astaysan Soomaaliland (oo qiyaas ahaan ah, ku dhawaad 40 kursi, Aqal Hoose iyo Aqal Sare).

Hannaankan doorasho, waxa uu noqon karaa mid wada-ogol ah iyo xal la isla qaadan karo, waayo, waa hannaan doorasho oo sidiisana u wanaagsan dalalka nugul, aqbalsanna federaalaynta, mar haddii maamul-goboleed kasta kuraastiisa si gaar ah xisbiyadu ay ugu tartamaan.

Lix deegaan-doorasho ayaa ka hobboon hal deegaan-doorasho

Haddii la qaadan lahaa habka xukuumaddu riixayso – ee ah in dalka oo dhan loo aqoon-sado hal-deegaan doorasho-isla markaana xisbiyadu ay liis xiran ku soo gudbiyaan 275 tartame-xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 54 tarmate ee aqalka sare ah, markaas waxa ay noqonaysaa, akhristow haddii aad adigu xisbi madax ka tahay in xisbigaagu soo qoro 275 siyaasi oo Soomaali oo dhan ah oo u taxan min kow ilaa 275.

Tusaale ahaan haddii xisbigaagu uu helo boqolkiiba konton (50%) codka dadweynaha codeeyey, markaas xisbigaagu, xildhibaanada baarlamaanka wuxuu ka helayaa 50% ama qiyaastii 137 xildhibaan, (waana taas midda loo yiri matalaadda isku dheeli tiran, oo tirada cadodka dadweyne oo xisbi kastaa uu helo ayaa kuraas loogu baddalayaa). Waxaase hubaal ah in siyaasi kasta oo damac dhab ah leh, in aanu aq-bali doonin in uu liiska xiran ee xisbigaaga uu ka noqdo numbarka 275, ama 200-aad ama 100-aad ama 70-aad, waayo, wuu og yahay ama ay og-tahay, in ay adagtay in xisbina uu helo cod dad-weyne oo dhali kara, 200 xildhibaan, ama 100 xildhibaan ama 80 xildhibaan ama xitaa 70 xildhibaan.

Xisbiyada iyo shacabkaba waxaa u fiican deegaan doorashooyin badan

Waa hubaal in siyaasigii doonaya in uu xisbi murashax ama tartame u noqdo, in uu dalbanayo in liiska meesha ugu horaysa looga qoro, oo uu ka mid noqdo 20-ka murashax ee ugu horreeya liiska xiran ee xisbigaas, dabcan, si uu u soo boxo.

Haddii xisbiyo doorashada lagu galo, maaddaama ay u badan tahay ugu yaraan in ay tartami doonaan 10 ilaa 20 xisbi, midkiina uu heli karo tira kooban oo kuraas ah (waayo tirada guud ayaaba ah 275 kursi oo Aqalka Hoose ah iyo 54 Aqalka Sare ah), waa ay caddahay in xisbi kasta ay suurta gal tahay in ay u soo baxaan 20ka murashax ee ugu horreeya liiskooda haddaysan qaarkood wax ka yar oo kuraas ah helin. Waana la qiyaasi karaa, dadka ku qoran nambarka 80-aad, ama 100-aad ama 275-naad in aanay lahayn rajo doorasho dhab ah.

Sidaas ayaana u arkaa in dalka aan hal deegaan doorasho laga dhigin ee la sameeyo lix deegaan doorasho (shanta maamul-goboleed iyo Muqdisho), oo markaas xisbi kasta oo liis xiran uu la tago gobol kasta, laguna tartamo tirada xildhibaanada hadda maamul-goboleedkaas ugu jira baarlamaanka.

Haddii akhristow, tusaale ahaan, xisbiga aad adigu madaxda ka tahay uu Koofur-galbeed ka tartamayo (iyo gobol kasta oo kale), waxaa uu reer Koofur-galbeed u geynayaa liis xiran oo ay ku qoran yihiin tirada hadda Koofur-galbeed baarlamaanka ugu jirta (oo ah 69 xildhibaan), xisbiyada kalana liiskooda oo 69 murashax ku qoran yihiin, ayay iyana u ol-olaynayaan, sidaas si la mid ah ayaana 37-ka kursi ee Puntland taalla, 37 Hirshabeelle, 39-ka Jubaland, iyo 36-da Galmudug ay xisbiyadu ugu tartamayaan.

Haddii gobol kasta kuraastiisa si toos ah loogu tartamo, siyaasiyiin badan ayaa aqbalaya (ama iimaan-sanaya) in liiska 39-ka ah (Jubaland) ama 37-da ah (Hirshabeelle) ay aqbalaan in ay nambarka 25-aad ama 30-aad loogu qoro, balse aan aqbaleen in ay liis 275 ah, ka noqdaan murashaxa 80-aad ama 60-aad.

Shacabka qudhooda, intii la oran lahaa, 275 xildhibaan oo aanay badankooda aqoon u codeeya, waxaa u wanaagsan in ay kala xushaan liis 40 ama 60 tartame ama murashax-xildhibaan, kuwaas oo noqon kara dad ay yaqaanaan ama aqoonsan karaan.

Haddii dowladda, maamul-goboleedyada iyo mucaaradku ay ku heshiiyaan hannaankan mid ka duwan anigu raali ayaan ka ahay, ha noqdo mid ka mid ah afarta hannaan oo Machadka Heritage uu sida faah-faahsan u sharxay ama ha noqdo, hannaan kale oo cusub. Waxaase lagama maarmaan ah in bisha Nofeember inta aysan dhammaan la helo hannaan doorasho oo wada-ogol ku yimid iyo in siyaasiyiintu ay fahmaan in dalkaani horay u socon karo oo kaliya haddii siyaasiyiintu ay aqbalaan in ay ku wada shaqeeyaan isku-tanasul.

W/Q: Cabdirashiid Khaliif Xaashi:
Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage, iyo Wasiir hore.
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you