Tuesday, August 26, 2025

Damaashaadka Hilbaysiga & Feenashada Soomaaliya ee London [Maqaal xiiso leh]

-

Abukar Arman & Shirka London: Khudbadda Farmaajo “Mar I Dage Alle ha Dago. Laba Goor I Dage se Anaa is Dagay” yaysan ka Badan

Qoraal cinwaankiisu yahay “Damaashaadka Hilbaysiga iyo Feenashada Soomaaliya ee London” oo uu nala qaybsaday Siyaasi ahna qoraa sare Abukar Arman, ayuu shirka London ku sifeeyey mid Soomaalidu si nasteexo leh uga doodday meel kasta oo ay joogaan. Mar kale ayuu hadana Abuukar si xirfad leh u tilmaamay taariikhda madow ee gumaysiga Ingiriiska oo illaa iyo maanta dhaxalkeedu yahay in dhiiggu dareero Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Intaas Abuukar ugama harin ee wuxuu tilmaamay sida mucjisada leh ee siyaasadda Ingiriisku ay hal mar soobooddo u noqotay, uga soo dhex  muuqatay, una boobtay hankii sare ee siyaasadda dalka.

Qoraagu wuxuu tilmaan gaar ah ka bixiyey shirkadda Soma Oil & Gas, ahna yuu yiri shirkad siyaasadaysan oo cir-ka-soo-dhac ah, oo hadana maalmo gudahood markii la aasaasay laga diiwaangaliyey Karibiyaanka. Abuukar wuxuu qoray, “Soma Oil waa kambani aan khibrad shidaal iyo maal toona midkoodna lahayn. Waa shirkad qol mugdi ah lagu aasaasay, loona aasaasay in ay noqoto tan kaliya ee iska leh shidaalka saliida iyo kan gaaska ee Soomaaliya.”

Waxaa kale oo xiisa gaar ah xambaarsan buu yiri Abuukar in Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo xiriir aad u dhow la lahaa xukuumaddii tan ka horraysay ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu hadana ahaa Agaasimaha Guud ee shirkadda Soma Oil & Gas, markii xukuumadda cusub dhalatayna loo magacaabay booska sare ee dalka.

Danta Ingiriiska

Ingiriiska oo welwel aad u weyn iyo duufaan aan la saadaalin karin ay ka soo wajahday ‘Brexit” iyo ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa hadda isku diyaargarayna hadafka siyaasadeed ee “ku cunay ama ku ciideeyey.” Hadafkaan waxaa huggaan u ah Soma Oil & Gas.

Siyaasadda labaad ee Ingiriiska ayaa Abuukar qoray in ay tahay in “Ingiriisku khalkhal galiyo xiriirka Turkiga iyo damaceeda Soomaaliya, dhan ka beensheegid iyo dhan mijaxaabin siyaasadeedba.”

Siyaasadda Ingiriiska ee Geeska Afrika waxaa huggaan uga ah Imaaraadka ayuu ku daray Abuukar, waxayna mar hore la wareegeen badda Berbera, tan Bossaso, walina waxaa socda heshiisyo kale oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Puntland. Waxaas oo heshiis ahna midkoodna lalama socodsiin dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayuu ku daray Abuukar.

Hadal Qayaxan

Gabagabada qoraalka ayuu Abuukar ku xusay danta Ingiriisku waa danta Ingiriiska, marka waa muhiim in aysan dadka Soomaalidu la yaabin indhasarcaadiska Ingiriiska iyo argagixiso-la-dirir aan meelna jirin iyo cayrsiga gabar caddaan ah oo aan la arag, laakiin la maqlo in ay “rati ku fakatay” oo Soomaaliya u soo carartay. Waa indhasarcaadiskii aad maqli jidheen buu qoray Abuukar ee maaweelada “hadda arag, maya, hadda waxba uma jeedid!”

intaas oo macluumaad ah oo la wada ogyahay, Abuukar wuxuu ku daray, maanta Madaxweyne Farmaajo waxa u furan oo kaliya waa in uu boor iyo habaas inta kiciyo, uu danta dadkiisa iyo tan dalkiisa garto, uu madaxweynanimadiisa badbaadiyo, oo khudbad dheer iyo hadal-tiro toona looma baahna e, uu tabbeele weyn qaato oo ay ku qorantahay: “Mar I dage Alle ha dago. Laba goor I dage se anaa is Dagay.”

Qoraalka oo afka Ingiriisku ku qoran HALKAN RIIX.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you