Danta Itoobiya ee Heshiiska DP World ee Berbera! (Qorshihii Meles Zenawi)

Waxaa todobaadkan si rasmi ah ay u Saxiixdeen Dowlada Itoobiya, Somaliland iyo Shirkada DP World mashruuca balaarinta dekadda Berbera kaasi oo ahaa mid muddo dheer soo socday wadahadalkiisa.

Sidaan ku sheegay Maqaalkii aan qoray [12kii Janaayo 2016], xiligaasi oo uu Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo codsaday in dib loo furo wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa qodobada ugu waaweyn waxa kamid ahaa Mashruucan dekadda Berbera. si aad wax uga fahanto halka uu mashruucan salka ku hayo.

Maqaalkan waxaan ku eegaynaa qodobada kala ah:

1- Taariikh Kooban Mashruuca Berbera
2- Guusha Itoobiya ee mashruuca Dekadda Berbera
3- Codsiga DP world ee ahaa in Itoobiya heshiiska wax ka saxiixdo
4- Halista Somaliland kala kulmi karto sida loo qeybsaday mashruuca
5- Awooda Dowlada Federaalka Soomaaliya

Taariikhda Mashruuca 
Mashruuca loo yaqaan Berbera Corridor ayaa ah mid markii hore hindisihiisa ka yimid dowlada Federaalka ee Itoobiya isla markaana ay ka dhaadhicisay Somaliland inay ogolaato.

Qorshaha Mashruucan dowlada Itoobiya waxay soo bilowday 15 sano kahor, wuxuuna qeyb ka ahaa mashaariicdii Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi uu ku doonayey inuu ku kordhiyo illaha dhaqaalah ee Itoobiya iyo sidii loo heli lahaa dekaddo uu wadankaasi aan bada lahayn kala soo dego ganacsigooda, isla markaana ka dhoofiyo wax soo saarkooda.

Xukuumada Itoobiya ayaa sheegtay inay dooratay Dekadda Berbera maadaama sida ay sheegtay uu yahay dhul u dhaw dalka Itoobiya, waxayse arrintan ay dhinaca kale la xariirtay Itoobiya oo u aragtay in gorgortanka ay la gelayso Somaliland uu ka fudud yahay kuwa ay la geli kartay Kenya iyo Jabuuti oo ah dalal la aqoosan yahay.

World Bank & EU
Dowlada Itoobiya ayaa mashruucan markii hore codsatay in uu deyn ahaan ku maalgeliyo World Bank, waxayna ku qiimeysay 2 bilyan oo dollar. Waxaa mashruucaasi ku jiray balaarinta Berbera iyo isku xirka wadooyinka Berbera illaa Addis Ababa.

Qorshaha ayaa ahaa in Itoobiya ay mashruuca geliso in ka badan 200 milyan oo dollar, isla markaana inta kale dhaqaalaha Bangiga Adduunka bixiyo si deyn ah oo dib loo gudo. Wuxuu Bangiga Adduunka xiligaasi ku xiray Itoobiya laba sharuud oo kala ah;

A- In Itoobiya keento shirkad Caalami ah oo qeyb ka noqota dhismaha iyo maamulka dekadda.
B- In Dowlada Soomaaliya ee la aqoonsan yahay ay saxiixdo.

Dowlada Itoobiya waxay markii hore xiriiro la sameysay shirkado caalami ah oo daneenayey dekadda Berbera, waxay dhinaca kalena cadaadis ku saartay Somaliland inay furto wadahadalkii ay lalaheyd dowladii Federaalka, taasi oo keentay codsigii Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Baarlamaanka Somaliland oo ahaa in la furo wadahadalka Hargeysa iyo Muqdisho.

Itoobiya & EU
Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale sanadkii 2003, ka codsatay Midowga Yurub inuu gacan kasiiyo mashruucaasi Dekadda Berbera, halkan ka akhriso Warbixintii EU-da ee sahmintii kowaad ee mashruuca Berbera-Addis Ababa, waxaana sahmintaasi ka qeyb qaatay hay’ada fadhigeedu yahay dalka France [LOUIS BERGER S.A.] iyo AFROCONSULT oo ay xarunteedu tahay Addis Ababa, Itoobiya. [Halkan ka akhriso Warbixintaasi 2003]

Kadib xiriiro socday muddo 10 sano ah ayaa lagu guuleysan waayey in Bangiga Adduunka iyo waliba Midowga Yurub (EU) ay maalgeliyaan mashruucan sababo aan weli la shaacin. Waxaase loo badinayaa in ay la xariirto Su’aalo ka yimid dhanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa joojiyey Shir lacag loogu aruurin lahaa mashruucan oo ay qaban lahaayeen November 2015, kadib markii ay dowlada Federaalka Soomaaliya ka codsatay.

Guusha Itoobiya iyo DP World
Kadib caqabadahaasi badan ee Itoobiya ka qabsaday maalgelinta ay ka sugeysay Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub, ayey waxay go’aansatay in mashruucan maalgelintiisa laga keeno shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Bollore vs DP World
Dowlada Itoobiya iyo Somaliland ayaa shirkadaha ugu waaweyn oo arrintan kala hadleen waxa kamid ahaa shirkada Bollore ee laga leeyahay wadanka France, oo qorsheenaysay in loo saxiixo in ay muddo 20 sano ah maamusho dekadda Berbera.

Balse shirkadaasi Bollore ayaa waxa hawada ka saaray ganacsato waaweyn oo xiriir laleh Somaliland, kuwaasi oo ka danbeeyey in shirkada DP World ay noqoto tan mashruucan lagu wareejiyo.

Canshuur Dhaaf
Sanadkii 2014 ayey dowlada Itoobiya la saxiixatay Somaliland heshiis is faham ah [A memorandum of understanding 2014] heshiiskaasi ayaa ah midka si gaar ah loogu xusay arrimaha canshuuraha customs iyo transits.

Heshiiskaasi ayaa waxaa kamid ahaa in Itoobiya Wax Canshuur ah laga qaadi karin, dhamaan waxa ay kala soo degto Berbera heshiiskaas oo loo yaqaan (Transit Trade Agreement), ayaan weli loo soo bandhigin Baarlamaanka Somaliland.

Itoobiya ayaa sheegtay inay ku bedalan doonto canshuur dhaafka loo sameeyey inay dhisto oo Ballaariso wadada Berbera iyo Wajaale oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland, taasi oo u fududeenaysa in maalgashi caalami ah lagu sameeyo dhulkaasi.

Waxaa halkaasi uga baaqatay Itoobiya dhaqaale badan oo ay horey u qorsheenaysay in mashruucan ku baxo oo ay markii hore u qorsheysay 2 Bilyan oo dollar. Waxaana taasi usii dheer canshuur dhaafka ay ku helayso (Transit Trade) oo wadankaasi u badbaadineysa balaayiin dollar sanadkii oo canshuur ah marka loo bar bar dhigo waxa ay kala soo degto dekadda Jabuuti.

Itoobiya iyo Awood Yarida Somaliland
Dowlada Itoobiya oo kamid ah dalalka Afrika ee kasoo horjeeda in Aqoonsi Caalami ah lasiiyo Somaliland, ayaa dhinaca kale doonaysa inay ka faa’iideysato awood yarida Somaliland iyo xiriirka xun ee u dhaxeeya Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa tusaale u ah in dowlada Itoobiya sanadkii 2016 ka codsatay Federaalka Soomaaliya inay ogolaato mashruuca DP world ee Dekadda Berbera, si ay u hesho mashruucaasi oo qiimo badan ugu fadhiya Itoobiya. Halka ay dhinaca kale Somaliland ku dhiirigelisay inay wadahadal lagasho dowlada Federaalka ee caalamka aqoonsan yahay.

Halista awood qeybsiga DP World iyo Itoobiya
Shirkada DP World ayaa iyadu sharuud horey ugu xirtay in dowlada Itoobiya heshiiskan wax ka saxiixdo isla markaana (Share) ku yeelato mashruuca, taasi oo ah sharuuda Imaarada Dubai ku xirtay xaqiijinta heshiiskan, maadaama Somaliland aan loo aqoonsaneyn dowlad madax banaan.

Sida hada ku muuqata heshiiska kama danbeysta ah ee la saxiixay Itoobiya ayaa loo qeybsaday sidan; DP world (Imaaraatiga) 51%, Itoobiya 19% iyo Somaliland (30%). Taasi oo ka dhigeysa in mashruucan ay awooda ugu badan (Majority share holder) leeyihiin dalalka shisheeye ee Itoobiya iyo Imaaraatiga oo isku heysta (70%), halka Somaliland noqoneyso (Manority Share holder 30% oo kaliya).

Tani ma dhacdeen hadii ay Somaliland tahay dal la aqoonsan yahay, waana sababta Itoobiya uga soo horjeedo aqoonsiga Somaliland.

Tusaale: Dowlada Jabuuti iyo shirkada DP World ayaa xiligan khilaaf ka taagan yahay mashruuca dekadda Doraale, mashruucaasi oo ay dowlada Jabuuti ku lahayd in ka badan 70% ayey hadana shirkada DP world oo ku lahayd wax ka yar 30% ay sharuudo adag ku xirtay keentayna inuu heshiiskaasi burburo.

Waxaa kamid ahaa sharuudaha DP world ku xirtay Jabuuti in dalkeeda aan dekad kale laga dhisi karin iyadoo aan ogolaansho laga heysan Dp World. Qodobadkaasi oo ay dowlada Jabuuti ku sheegtay mid kahor imaanaya madax banaanidooda.

Waxaa xusid mudan in DP world ay heshiiska Puntland kula gashay dekadda Bosaso sidaas oo kale ku qoratay in aan dekadd laga dhisi karin xeebaha Puntland inta u jirta 150KM xeebta Boosaaso. heshiiskaasi oo isaguna dood badan ka taagan tahay ayaan weli lasoo bandhigin.

Hadaa usoo noqono heshiiska Berbera, waxaa usii dheer Itoobiya inay noqoneyso (Guarantor) ama awood illaalineysa hirgelinta Mashruucan, taasina kama marna hadii loo baahdo awood militari.

Sida uu ku sheegay Warsaxaafadeedkiisii 1dii Maarso, Madaxa DP World in saxiixa dowlada Itoobiya uu fure u ahaa hirgelinta heshiiskan.

Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa yiri “….Having the Government of Ethiopia as a partner will enable DP World to support the Government in achieving its impressive development plans…” [Halkan ka akhriso]

Itoobiya iyo Imaaraatiga ayaa faa’iido ka heli kara ganacsiga Berbera oo yoolkiisa yahay suuqa weyn 100ka milyan ee Itoobiyaanka ah ayaa waxaa halkaasi ku waayaya Canshuur Somaliland iyo Dowlada Soomaaliya labaduba.

Arragtida Hogaanka Somaliland
Somaliland ayaa u aragta in dhismaha dhulkeeda uu shaqo-abuuris u sameenayo shacabkeeda maadaama aysan heysan mashaariic kale oo waaweyn oo dhulkaasi laga hirgeliyey tan iyo burburkii dowladii hore ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa rajeenaysa in dhaqaale badan kasoo galaya wadooyinka loo dhisayo ee Berbera illaa bartamaha Hargeysa inta laga gaaro Wajaale. Sida ay sheegeen madaxda Somaliland mashruucan ayey rajeenayaa inuu sidoo kale dhiirigeliyo maalgashiga caalamiga ah ee deegaankaasi.

Awooda Dowlada Federaalka
Dowlada Soomaaliya ee Federaalka ayaa iyadu sharci ahaan awood ulleh inay horjoogsato mashruucan, iyadoo u mareysa dhanka Sharciga.

Waxaase shaki weyn uu ka jiraa in Itoobiya ay si hoose Dowlada Federaalka ugu cadaadineyso inay aqbasho heshiiskan, sida codsiyadii Addis Ababa u dirtay Villa Somaliya sanadkii 2016.

W/Q: Maxamed Cismaan
Horseed Media

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,745FansLike
532FollowersFollow
2,352FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,745FansLike
532FollowersFollow
18FollowersFollow
2,352FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!