Tuesday, June 24, 2025

Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay magaalada Muqdisho & Ciidamada oo gacanta ku dhigay…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay degmada C/casiis, gaar ahaan bar ay ciidamada ku leeyihiin agagaarka xeebta Liido lagu dilay darawal Mooto Bajaaj.

Dilka Darawalka Bajaajlaha ayaa waxaa dhaliyey sida la sheegay is-rasaaseyn dhex martay ciidamada dowladda , waxaana lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed, isagoo u dhintay rasaasta dhex martay ciidamada oo ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa, taasoo uu isla goobta ugu geeriyooday.

Qaar ka mida Askartii falkaasi ku lug lahayd ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay oo ciidamada kale ee goobta gaaray ay xireen, waxaana meydka darawalka la geeyay xarunta dembi baarista ee CID-da.

Dilalka askarta dowladda kula kacaan wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa joogto ka ah magaalada Muqdisho, inkastoo muddooyinkii danbe ay yaraadeen.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay