DEGDEG: Madaxweynaha Jabuuti oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Dalka aanu walaallaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhoweyd soo gaaray Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka Adan Cadde, waxaana uu si rasmi ah uga qeyb galayaa caleemasaarka madaxwyenaha cusub ee Soomaaliya Maxamed  C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha kaliya ee ka qeyb geli doona caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay ka baaqsadeen madaxda kale ee Geeska Afrika oo hore loo filayay inay yimaadaan Muqdisho.

Goobjooge.com