Monday, August 4, 2025

DHAAR QOOTA QOOTA AH MIYAA..? [W/Q: Yahya Amir]

-

30 xildhibaan hal mar….(( Waxan ku dhaaranayaa Magaca Ilaahay, in aan xilkeyga u gudanayo, si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhowrana Dastuurka Qaranka, iyo shuruucda kale ee dalka “u yaal”)). Waxaan ku dhaaraneeynaa waa jamac: dhaarta wakill ma la isaga noqon karaa?.

Imaam ayaa yiri: weligeey run iyo been midna kuma dhaaran, been ku dhaaro waa dambi, run ku dhaawo waxaan isaga dhaafay,magaca Alle ee la iguu dhaarinayo ayaa ka weeyn aduunyada iyo waxa dhaxyaal ee aan ku dhaaranayo. Mala weeysa qabay?

Haddii la isku dhaarin lahaa,in aadan laaluush ku soo galin ku dhaaro.kuli waa dhaaran lahaayeen,kii laaluush bixiyay iyo kii kaleba.illeyn macnaha dhaartu ma ahan tii aan naqiin.

wadaadkii saakay ku dhaariyay ayaa galabta kuugu imaanayo wixii uu kaa dhaariyay in aad sameeyso.Qabiilkana waa u dhaartay,qarankana waa u dhaartay,danahooduna waa iska soo horjeedaan.mid walibana sabata uu kuu dhaarinayo waa in uuna ku kalsooneeyn balantaada illaa dhaar lagu kabo. Ogow sayidina Abuubakar,sayid Cumar iyo Asxaabtii kale lama dhaarin.

Qofba si u dhaaray,mid Hal,laba ,sadax ama shanta farood wada saaray,mid gacantiisa kor uga ceshaday,mid dhinac dhigayba.
Waxaan heeysanaa xildhibaano CUCUB ah,shacabkuna waa isaga godlaa cucubka,sida duunyada xoolaad ee aan dhaqano haddii dhashoodu dhimato maqaar cucub ah loogu maalo.

Madaxda dalka ee aan ayagu xildhibaanada aheeyn,wakiilka UN Micheal Keating iyo wakiiladii beesha caalamka iyo safiiradii ahaa kulundiyada shirarka nuucaan ah, ayaan midkoodna imaan dhaarta! Maxaa u qarsan oo ay damacsanyihiin?

Xildhibaanada oo aan isku aragti aheeyn. Xildhibaan la weeydiiyay,yaad isku dan tihiin ayaa yiri: weli ma hayo,badankooda isku qabiil ma nihin,kuwa aan isku qabiilka nahayna isku jilib ma nihin,laba xildhibaan oo kaliya ayaan saaxiib la ahay iyagana waxaa naga dhexeeya isku number ayaan kabaha ka qaadanaa oo kaliya.

Waxaa laga faa’iiday maanta:

a) shirka kadib oo wadooyinka si ku meelgaar ah naloogu furay.

b) dhidid badan oo naga baxay,aniguna Maanta 7.5 Km ayaan lugeeyay.

c) dhaartii nalagu guulguulayay oo mar na dhaaftay.

d) qooyaskii oo maanta wada joogay, abayaashii iyo caruurtii oo helay fursad ay ku wada joogaan.

e) ciidamadii AMISOM oo amaanka lagu aamini waayay iyo kuwii soomalida oo Amisom baaraya.

f) beesha caalamka oo in kasta oo ay baaqatay haddana hambalyo soo dirtay..

g) Aay bintoow oo fahatay Tirina: Baarlamaan camaleeti maas u dhaaranooyaa. Onorobale Dibtaati maas ka wadaa.xildhibaanka, Aloobeey cimrigaa raago.

وَيَحْلِفُونَ عَلَى الْكَذِبِ وَهُمْ يَعْلَمُونَ.
Wixii khayr noo ah ALLA hana waafajiyo.

Qore: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you