Tuesday, February 10, 2026

DHAAR QOOTA QOOTA AH MIYAA..? [W/Q: Yahya Amir]

-

30 xildhibaan hal mar….(( Waxan ku dhaaranayaa Magaca Ilaahay, in aan xilkeyga u gudanayo, si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhowrana Dastuurka Qaranka, iyo shuruucda kale ee dalka “u yaal”)). Waxaan ku dhaaraneeynaa waa jamac: dhaarta wakill ma la isaga noqon karaa?.

Imaam ayaa yiri: weligeey run iyo been midna kuma dhaaran, been ku dhaaro waa dambi, run ku dhaawo waxaan isaga dhaafay,magaca Alle ee la iguu dhaarinayo ayaa ka weeyn aduunyada iyo waxa dhaxyaal ee aan ku dhaaranayo. Mala weeysa qabay?

Haddii la isku dhaarin lahaa,in aadan laaluush ku soo galin ku dhaaro.kuli waa dhaaran lahaayeen,kii laaluush bixiyay iyo kii kaleba.illeyn macnaha dhaartu ma ahan tii aan naqiin.

wadaadkii saakay ku dhaariyay ayaa galabta kuugu imaanayo wixii uu kaa dhaariyay in aad sameeyso.Qabiilkana waa u dhaartay,qarankana waa u dhaartay,danahooduna waa iska soo horjeedaan.mid walibana sabata uu kuu dhaarinayo waa in uuna ku kalsooneeyn balantaada illaa dhaar lagu kabo. Ogow sayidina Abuubakar,sayid Cumar iyo Asxaabtii kale lama dhaarin.

Qofba si u dhaaray,mid Hal,laba ,sadax ama shanta farood wada saaray,mid gacantiisa kor uga ceshaday,mid dhinac dhigayba.
Waxaan heeysanaa xildhibaano CUCUB ah,shacabkuna waa isaga godlaa cucubka,sida duunyada xoolaad ee aan dhaqano haddii dhashoodu dhimato maqaar cucub ah loogu maalo.

Madaxda dalka ee aan ayagu xildhibaanada aheeyn,wakiilka UN Micheal Keating iyo wakiiladii beesha caalamka iyo safiiradii ahaa kulundiyada shirarka nuucaan ah, ayaan midkoodna imaan dhaarta! Maxaa u qarsan oo ay damacsanyihiin?

Xildhibaanada oo aan isku aragti aheeyn. Xildhibaan la weeydiiyay,yaad isku dan tihiin ayaa yiri: weli ma hayo,badankooda isku qabiil ma nihin,kuwa aan isku qabiilka nahayna isku jilib ma nihin,laba xildhibaan oo kaliya ayaan saaxiib la ahay iyagana waxaa naga dhexeeya isku number ayaan kabaha ka qaadanaa oo kaliya.

Waxaa laga faa’iiday maanta:

a) shirka kadib oo wadooyinka si ku meelgaar ah naloogu furay.

b) dhidid badan oo naga baxay,aniguna Maanta 7.5 Km ayaan lugeeyay.

c) dhaartii nalagu guulguulayay oo mar na dhaaftay.

d) qooyaskii oo maanta wada joogay, abayaashii iyo caruurtii oo helay fursad ay ku wada joogaan.

e) ciidamadii AMISOM oo amaanka lagu aamini waayay iyo kuwii soomalida oo Amisom baaraya.

f) beesha caalamka oo in kasta oo ay baaqatay haddana hambalyo soo dirtay..

g) Aay bintoow oo fahatay Tirina: Baarlamaan camaleeti maas u dhaaranooyaa. Onorobale Dibtaati maas ka wadaa.xildhibaanka, Aloobeey cimrigaa raago.

وَيَحْلِفُونَ عَلَى الْكَذِبِ وَهُمْ يَعْلَمُونَ.
Wixii khayr noo ah ALLA hana waafajiyo.

Qore: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you