Sunday, September 7, 2025

DHACDO NAADIR AH: “Wasiirka Caafimaadka oo jilbaha qabsatay Oday si wiilkiisa loo badbaadiyo..” [Akhriso]

-

DHACDO KA MID AH GURMAD QARAN: ‘Markii qaraxu dhacay Ra’iisal wasaaraha Sooomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowr dowladood la hadlay, una sheegay in gurmad ay u baahan yihiin dadkii ku waxyeeloobay, gaar ahaan mid caafimaad.

Maalintii ku xigtay dowladda Turkiga ayaa soo jawaabtay, gelinkii dambe ee maalintaas ayaan ogaannay in Turkigu ay maalinta xigta dhaawacyada daran u qaadayaan dalkooda si loo soo daweeyo.

Dhaawacyadu dhowr Isbitaal ayay ku jireen, Laakin dowladaha dhaawacyada u qaadaya dibadda waxa ay sheegeen in bukaan kasta la soo raaciyo warbixintiisa caafimaad oo ay qorayaan Isbitaal Madiina ama Odogan (Digfeer). Waxaan ku qasbanayn in aan dhaawacyada ugu tagno isbitaallada kale, soo qaadno oo aan keenno Madiina ama Ordogan, marka warbixintiisa la diyaariyo si loo soo qaado.

Waxaa nala socday, oo isbitaal kasta nala tagayay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornayl Koofi iyo howl-wadeennadiisa oo bukaan kasta isla markiiba u sammaynayay Dokoment safar (Travel Document) deg deg ah.

Dhacdadii iigu yaabka badnayd waxa ay dhacday markii aan Isbitaalka Daaru-Shifa ugu tagnay wiil labada daan ka burburay, dhaawacyo kalena madaxa ka qaba oo uu aabihiis la joogo, wiilkaasi waxa uu ka yaraa 15 sano. Waxa aan u soo bandhignay aabihii in la qaadayo wiilkiisa oo adeeg caafimaad Turkey loogu fidinayo, isaguna uu raacayo.

Odaygii waa uu diiday arrintaas!, waxa uu noo sheegay in wiilkiisa uu Qur’aan saaranayo, daawada isbitaalka uu joogana ay ku filan tahay. Waa habeenkii 3pm kaddib, aad ayaan u barinnay annaga oo dhowr wasiir iyo xubnaha guddiga gurmadkaba isugu jirna, waa uu naga diiday.

Bannaanka ayaan uga baxnay qolkii bukaanku jiifay, waxa aan ku tashannay in aan xoog ku wadno wiilka bukaanka ah iyo aabbihii ba, maxaa yeelay wiilku gargaar degdeg ah ayuu u baahnaa.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa naga codsatay in ay mar kale odayga ku laabato oo fursad la siiyo, kaligeed ayaa qolkii ku noqotay, Jilbaha ayay dhulka dhigatay, waxa ay garka iyo jilbahaba qabsatay Odaygii, ayada oo ilmaynaysa ayay ka bariday in wiilkiisa oo la badbaadin karo loogu qaado caafimaad, waliba uu raaco. Waxa ay u sheegtay in qofka ugu horreeya ee dhibka wiilkani uu damqinayo uu isaga yahay, sidoo kalena haddii la daaweeyo uu wiilkiisii yahay, waa uu aqbalay odaygii baryadaas, wiilki iyo isagaba waxaa loo sammeeyay dokominti safar, waana la qaaday’ sidaa waxaan ka soo wariyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Daa’uud.

W/Q: Yuusuf Sh. Ciise

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you