Thursday, July 17, 2025

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Amni & Sanadkii koowaad ee Madaxweyne Farmaajo [Taliya ka tirsanaa NISA]

-

Waxa dhacay 33 werar drone duqeyn cirka oo inta badan lagu laayey shacab Somaliyed inkasta oo aan qiyaaseyno in hadafku aha Alshabab in lagu dilo. Waxa Al-shabab qabsadeen 9-12 xarumo Ciidan oo ay ku dileen 450 Askari Kuna qaateen Saanad iyo sir ciidan, Amisom iyo SNA labadaba.

May, 2017, waxa la xareyey 1500 Askari oo loogu magac daray xasilinta G Banadir. Waxna ma xasilin.

Waxa shirkii London UK, lagu soo balan qaaday waxyaabo badan in dowladu wax ka qabato, Sida diyaarinta 18 Kun ciidamo cusub oo military ah, 32 kun ciidamo Police ah, 4 kun ciidamo commandos ah iyo qorshihii horumarinta barnaamijkii la magac baxay Unkida Hanaan amni Qaran. (National Security architecture), intubana ma suuragalin.

June, 2017, wuxuu Farmajo balan qaaday in uu 3 bilood Hay’addaha amniga wax uga qabanayo. iyana Ma dhicin.

August 2017, waxaa dhacay Xasuuqii shacabka iyo beeralayda reer Bariire, kaas oo lagu diley 10 qofood oo wiil yari ku jiray. Dowladu waxa ay balan qaaday in ay gudi soo baara dhacdadaas u saarto, Mag dhowna ka bixiso dadkii la xasuqay. Mana dhicin.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo C/kariin Sh Muuse Qalbidhagax ayaa loo dhiibay Itoobiya, iyadoona Baarlamaanka Soomaaliya uu dhiibista Muwaadinkaasi ku macneeyay Qiyaamo Qaran, balse ma jirto cid loo maxkamadeeyay ama ku waysay Masuuliyaddii ay haysay.

Sept 2017, Waxaa dagaal Siyaasadeed ay abaabushay lagu qaaday Maamul Goboleedyadda Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Taas oo aad hoos igu dhigtay awoodii federal ka.

October 2017, qarixii Zoobe oo ay ku dhimatay 600, in ka badan 1000 Kalena dhawacmeen, sidoo kalana dad badan lagu waayay Nolol iyo Geeri ayaa dhacay, mana jirto cid lagala xisaabtamay.

28 kii isla Bishaas waxaa dhacay werarkii Hotel naasa hablood. Waxana lagu laayey dad badan oo ay ku jireen masuuliyiin waa weyn. Waxana xilkii ku wayey 2 labadii Taliye nisa iyo police ka oo ilaa iyo hada banaan.

Werarkii Hay’adda NISA, ku qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir, oo lagu dilay 5 waardiyihii Gurigaas Laguna dhaawacay dhowr qofood uu ka mid ahaa Siyaasiga weyn Abdirahman Abdishakur oo xabsiga loo taxaabay.

Werarkii ay Ciidamada NISA ku qaadeen Guriga Senetor Abdi Hassan Awaale.

Shacabka la diley sanadkii uu talada hayey Madaxweyne Farmajo waxa ay gaarayaan in badan 5000, sida ku cad Warbixinta UN-ka.

W.Qoray: C/salaan Yuusuf Guuleed -Taliye Xigeenkii Hore ee NISA

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you