Thursday, June 26, 2025

Dib iyo Dheef sanad kadib Dowlada Madaxweyne Farmajo! [Maqaal xasaasi ah]

-

Waxaa sanadkii tagey ee horaantii bishii February 8, 2017 Soomaaliya ka dhacay isbadal, isbadalkaas waxaa hormuud ka ahaa xildhibaanada Dowlada aFederalka ah ee Soomaaliya, tartan adag oo ay galeen musharaxiin kor udhaafaya 20 ayey kasoo xusheen Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo oo si aqlabiyadleh uga guuleystey X. Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo heleyna 184 cod.

Xaflad aad loo soo agaasimey oo kadhacydey Villa Somalia ayaa waxaa xilka kula wareegey Madaxweyne Farmajo taariikhdu markey ahayd 16 Feb 2017, waxaa xafladaas kasoo qeyb galay dowlado farabadan oo ay ugu horeeyaan wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida ayaa aad usoo dhoweeyey doorashada Madax weyne Farmajo, waxaa dal iyo dibadba isqabsadey isu soo baxyo iyo xaflado lagusoo dhoweynayo madaxweynaha cusub, waxaa dal iyo dibadba caan ka noqotey oraahdii “AR FARMAJO II GEEYA” oo Cabdulahi Maxamud Cismaan uu alifey taasoo baraha bulshada la isla dhexmarey muddo badan aakhirkiina ajaanib ay isticmaaleen sida link hoose ka kamuuqda.

Madaxweyne Farmajo wuxuu Ra’iisul wasare usoo xushey Mudane Xassan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 23 Feb 2017 oo isaguna wuxuu soo dhisey xukuumad aad loo soo wada dhoweeyey taarikhd 21 March 2017 taasoo kor usii qaadey rajadii ummada Soomaaliyeed.

Muddada yar ee ay jirtey Dowlada Ra’iisul wasare Kheyre ayaa waxaa dhacdey 3 May 2017 in afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya lagu diley Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN marxuum Cabbaas Shiikh Cabdulahi Siraaji oo ahaa wiil dhalinyar, firfircoon aqoontiisuna aad usareyso, wakhtigaas Madaxweyne Farmajo wuxuu booqasho ku joogey dalka Itoobiya walow madaxweynuhu uu soo gaabiyey safarkiisii.

Madaxweyne Farmajo ayaa digreeto Madaxweyne wuxuu ku magacaabay Agaasimaha Madaxtoyada Soomaaliya taariikhdu markey ahayd  31 May 2017, waxana loo magacaabey Fahad Yaasiin oo ah aqoon yahan doorweyn kulaha guushii Madaxweyne Farmajo .

Guulihii Dowladu Gaartey 2017

  • 8 February 2017 waxaa Madaxweyne loo doortey Maxamed Cabdulahi Farmajo
  • 23 February 2017 waxaa R’iisul wasaare loo magacaabey Xasan Cali Kheyre
  • 21 March 2017 Waxaa ladhisey goloha wasiirada Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya taasoo aad loosoo wada dhoweeyey marka laga reebo shakhsiyaad iska dhexwaayay liiska.
  • 1 April 2017 Xildhibaanada aqalka hoose ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre
  • 10 May 2017 Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada London ee Caasimadda Britain kaasoo qodobo muhiim u ah dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo saarey.
  • 29 March Waxaa la furey duulimaadyadii sida toos ka ah isaga kala gooshi jirey Muqdisho – Nairobi
  • 7 June 2017 Waxay dowladu door dhexdhexaad ah ka qaadatey khilaafkii soo kala dhex galay dowlaada Khaliijka taasoo xurguf siyaasadeed ka dhex abuurtey gudaha Soomaaliya
  • 13 August 2017 Waxaa gacanta Dowlada soo galay  Afhayeenkii hore ee ururka Alshaab Sh. Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.
  • 20 Aug 2017 go’aan ka qaadashadii daminta xasaradihii ka aloosnaa Mamulka Hirshabelle taasoo aakhirkiina loo dhisey maamul goboleed fadhiya
  • 30 Sept 2017 waxaa ladaah furey Saldhiga Turkigu ka hirgaliyey magalada Muqdisho kaasoo lagu tababari doono ciidanka xooga dalka Soomaaliya
  • 12 Oct 2017 Waxaa Dowlada Federaalku ku guuleysatey daminta xiisadii siyaasadeed ee soo kala dhexgashey maamul goboleedyada iyo Dowlada federalka ah .
  • 5 Nov 2017 waxaa shir 10 cisho ka socdey villa Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho kaasoo qodobo muhiim ah looga hadley balse aan wax xal ah looga gaarin arintii Khaliijka.
  • 6 Dec 2017 Hirgalinta hishiiskii maamulka Galmudug iyo Ehlu Sunna ee gobolada dhexe
  • 7 ilaa 24 January 2017 Maxadweyne Farmajo wuxuu safar kukala bixiyey gobolada dalka gaar ahaan Puntland iyo Galmudug isagoo soo dhagax dhigey mashaariic farabadan, sidoo kalana kaqeyb galay wada hadaladii udhexeeyey Galmudug iyo Ehlu Sunna ee ka dhacay caasumadda Maamalka Galmudug ee Dhuusomareeb gobolka Galgaduud.
  • Dowladu waxay ku guuleysatay in ay si nadaamsan ay u bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada oo xuquuqdooda helay xiligii loogu tala galay.

Caqabadihii ka horyimid Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya 2017

  • 3 May 2017 waxaa xilli habeyn ah lagu diley afaafka hore ee madaxtoyada Soomaaliya wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN Marxuum Cabaas SH. Cabdulahi Siraaji waxaana diley askari ka tirsan ilaalada Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
  • 14 August 2017 waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zoobe kadhacay qaraxii lagu hobtey ee dadbadan oo rayid ah ku dhinteen.
  • 16 August 2017 Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood ayaa si adag uga horyimid go’aankii dowlada federalka ah ay ka qaadatey dhexdhexaadnimada xasaradihi ka aloosnaa wadamada Khaliijka Carabta.
  • 25 August 2017 Ciidamo Mareykan ah iyo Kuwa Soomaaliya ayaa weerar ka fuliyey deegaanka Bariire waxaana ku dhintey 10 qof, taasoo dhalisey xiisad dowladu kala kulantey siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaankaas.
  • 29 August 2017 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugacan galisey Dowlada Itoobiya Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax taasoo dowladu ku kasbatey dhaleeceyn badan oo uga timid Shacabka, Siyaasiyiinta dowlada Mucaarad ku ahiyo mu’ayidba iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.
  • 26 Sept 2017 Waxaa Dowlada lagu eedeeyey qalalaase siyaasadeed ee kadhex qarxey maamulka Galmudug
  • 11 Oct 2017 waxaa shir lagusoo gabagabeeyey magaalada Kismayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland lagu sheegey Isbahaysi ka dhan ah dowlada Federalka ah ee Soomaaliya kaasoo walaac weyn uu ka dhashey.
  • 12 October 217 Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Taliyihii Ciidanka Xooga dalka ayaa iscasiley habacsanaan xaga amniga ah awgeed, maalmo yar kadibna waxaaba dhacay musiibadii qaraxii isgoyska ZOOBE.
  • 29 October 2017 Wasiirada Xukuumada Federalka ah ee Soomaaliya ayaa xilalkii ka xayuubisey Agaasimihii Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali Sanbololshe iyo Taliyihii Booliska Soomaaliyeed  Cabdikariin Daahir Saacid
  • 15 November 2017 Waxaa xilkii wasiirnimo iska casishey Dr.Maryan Qaasin oo ahayd Wasiirada Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka
  • 14 December 2017 Qarax xoogan ayaa kadhaxay xerada tababarka ee jeneral Kaahiyo ciidanka oo saf kujira.
  • 17 December 2017 Waxaa goor habeyn ah laweerarey guriga siyaasi Cabdirixmaan Cabdishakuur taasoo dowladu kala kulantey dhaleeceyn iyo mucaaradad adag.
  • 30 December 2017 Ciidamo hubeysan ayaa gudaha ugalay guriga Senetor Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid falkaaso oo dowladu uga jawaabey xarig loogeystey ciidankii iyo taliyihii watey.

Safaradii uu dalka uga Baxay Madaxweyne Farmajo Sanadkii uu Xilka hayay.

TiroDalkuu UsafreyTaariikhda SafarkaTaariikhda Soo noqoshadaInta maalmood uu ku maqnaa
1Sucuudiga23 Feb 201726 Feb 20173 Maalmood
2Kenya22 March 201724 March 20172 Maalmood
3Urdun29 March 201731 March 20172 Maalmood
4Imaaraadka10 April 201713 April 20173 Maalmood
5Turkiga26 April 201729 April 20173 Maalmood
6Ethiopia3 May 20174 May 20172 Maalmood
7London Uk10 May 201711 May 20172 Maalmood
8Sucuudiga21 May 201722 May 20172 Maalmood
9Jabuuti23 May 201724 May 20172 Maalmood
10Qadar25 May 201726 May 20172 Maalmood
11Uganda21 June 201723 June 20172 Maalmood
12Masar20 Aug 201723 Aug 20173 Maalmood
13Sucuudiga26 Aug 201728 Aug 20172 Maalmood
14Sudan5 Oct 20177 Oct 20173 Maalmood
15Uganda22 Oct 201723 Oct 20172 Maalmood
16Ethiopia23 Oct 201724 Oct 20172 Maalmood
17Jabuti24 Oct 201725 Oct 20172 Maalmood
18Imaaraadka19 Nov 201721 Nov 20173 Maalmood
19Kenya28 Nov 201730 Nov 20172 Maalmood
20Senegal30 Nov 20172 Dec 20173 Maalmood
21Masar7 Dec 201710 Dec 20174 Maalmood
22Turki11 Dec 201712 Dec 20172 Maalmood
23Ethiopia27 Dec 201730 Dec 20174 Maalmood
ISUGEYN SAFARKII SANAD KADIB EE MADAXWEYNE FARMAJO  8 Feb 2017- 8- Feb 201858 Maalmood

Isugey waxan oran karnaa 2 bilood oo dhiman 2 maalin, ama bil iyo 28 cisho.

F.G. Safaradaas madaxweynuhu dalka uga baxay inteedo badan waxay ahaayeen kuwo aan laga fursan karin oo xaaladaha markaas jirey aan looga maarmi kareyn sida taageero uraadintii qaraxii Zoobe, mushkiladihii Khaliijka, Shirkii London, ka qeybgalkii caleemo saarkii madaxweynaha Kenya iyo Uganda IWM.

Gabagabo

Sidaan lawada socono taariikhda dalkeena iyo dowladnimadiisa intii ka dambeysey burburkii iyo qaran jabkii Soomaaliyeed waxay noqotey Dowlada loogu taageero badan yahay shacab ahaan dal/dibad iyo siyaasad ahaan, waxay kasbatey quluubtii shacabka iy dowladaha deeq bixiyayaasha ah, waxaa yaraadey isqabqabsigii udhexeeyey madaxda Dowlada, waxaa soo ifbaxay humaag iyo ifafaale taabogal lagu tilmaami karo lana aamini karo.

Afeef:- Waxaan ka cudurdaaranaa  wixii khalad ah ee iga dhacay oo ku talo gal aanan u qorin, wixii aan saxayna allah ayaa igaradsiiyey.

W/Q: Maxamed Siciid Qodobey

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you