Monday, July 7, 2025

Diiday Damaca Cusub ee Ilmo Gareen iyo Aabahood. (Qormo Culus)

-

Qoowsaaradu yeeyna kuu qarin Middida laguugu qali doono

Nuxurka Mushkiladu ma aheyn Muddo kororsi, intii aan lagu dhawaaqin Muddo kororsiga ka hor ayeey arrintu murugeysneed, Dhibaatada ugu weyn ee Dalka ka jirtay waxa ey aheyd ilimo gareen iyo Aabahood oo joogo dalku dagimaayo.

Somalidu waxa ey tiraa “Saxaro Qoray dheer ayaa la isaga tiraa”. yaan lagu marmarsiyoon muddo kororsi waa laga noqday, iyo 17 Sept 2020 ayaa xal ah. Xalka kaliyihi waa in ilma gareen iyo Aabahood Dalka laga qabto si Awoowayaashood Abi iyo Afwarge Dalku uga Badbaado. yaan Somalida loo dhiibin “Umbo Abeeso ku jirto” oo ey wadaan, Qoor qoor iyo Guud laawe, Rooble iyo Raxan kalena ey luuqa ka fiirsanayaan.

Dambiilayaal qaran iyo kii soo diray yeena ku dagin. Kadib markii ey Quus ka gaartay fidnadii ey ka wadeen Dalka , Markii ey la kufeen Masuuliyadii ey u hayeen Dadkii ey wakiilka u ahaayeen, Markii ey ogaadeen in ey dhumiyaan Xilkii ey u hayeen Dadkii labada maamul gobaleed, ayeey Xeelad cusub isticmaaleen Madaxweynayaashii Hore ee Galmudug iyo Hirshabeele . Qoor qoor iyo Guud laawe si ey u sii noolaadaan, iyaga oo weli ah khaadumiin aan Door ku leheeyn siyaasadda Dalka.

Eixii lagu xaliyay Dagaalkii 1aad ee Aduunka Laguma xalin karin Dagaalkii 2aad ee Aduunka. Heshiiskii 17 Sept 2020 arrintu waa soo dhaaftay, wakhti ayuu ahaa Xal, laakin Hadda waxa uu noqonayaa mushkilad cusub haddii la yiraa 17 Sept 2020 ,Xal ha laga dhax raadiyo.

Hadda waxaa jiro Rag cusub oo Go’aanka wax ku leh, Xaaladii hore waa isbedeshay, Hadda Dalka kama jirto Dowlad Buuxdo, Madaxweyne Xil hayo, Barlamaan, Daawa dhacday yaan Dalka lagu Durin.

Dadka yaan lagu khiyaamin, waan ka noqonay Muddo kororsigii oo Been ah, waxa la isku heysatay ee muhimka ahi ma ahan 2 sanno, Hadda waxa ey joogtaa, Guud ahaan ilma Gareen iyo Aabahood ha na dhaafeen.

Wixii taa ka duwan waa Kuwo aad ogtahay in eyna qowl leheeyn,iyo kuwa Masuuliyadoodii Damac yar ka doortay oo aan Sharaf rabin, muddo yar kadibna is bedeli doono sida caadadoodu aheyd.

Gunaanad

Somalidu waxa ey ku maah maahdaa ( Nin Aniga yiri, Dad iska sooc). Go’aanka Beenta ah ee Ilma gareen loo soo dhiibay si loo badbaadiyo Qorshihii hore ee Abii iyo Afwarge, Dadkana lagu maaweelinayo in laga noqday Laba sanno oo Markii horeba aan jirin.

( Go’aankaa Been ku baxsadka ah, Annigu waan ka soo hor jeedaa).
Go’aanka Beenta ee ah iyo Xeeladda cusub ee lagu kala furfurayo Dadweynaha Dulmiga diidan, kaa oo ah Qoraalka loo soo dhiibay ee la yiri Qasab ku akhriyay Qoor qoor iyo Guudlawe, Rooblena lagu yiri: waryaa adiguna ku raac, si aan uga dhigano fursad aan Mar kale ku shirqoolno shacabka.

Qore: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you