Friday, September 5, 2025

Dilka Aamina Maxamed: Arrin ugub ku ah siyaasadda Somaliya haddii ay.. (Qormo)

-

Dhiigga Amina Ma Sahlana! Waxa shacabka Soomaaliyeed ay aad uga nexeen oo qof walba taabatay weerarka lagu dilay Amina Maxamed Cabdi ee ka dhacay xeradda Lama Galaay. Sida la wada og yahay Lama Galaay waxaa ka dhisan teeendhadda lagu qabanayo doorashadda dadban.

Goobta waxaa ku hareersan wabigga Shabeelle hal irid oo amaankeedu adag yahay ayaa laga galaa, waxaana jooga ciidamadda Jabuuti iyo ciidamo deegaanka. Qof walba qadartu waa u imaaneysaa wuxuu sababsadoba amaan iyo amaan la’aanba.

Ilaahayna samir iyo imaan ha ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxday Amina Maxamed. Intaa marka laga gudbo, su’aashu waxay tahay maxaa Amino loo beegsaday oo dadka kale loo beegsan waayey ee Lama Galaay ku sugnaa? Sax waaye in waqtigeedi intaa ku ekaa, laakiin waxaa loo baahan yahay in su’aashaa laga jawaabo.

Maxaa ku gaar ah gabadhan? SIda ay sheegeen dad si wanaagsan u yaqaanay qoyska Amina, gabadhan waxay aheyd muslimad aqoonyahan ah oo siiba diinta aqoon fiican u leh. Waxay soo noqotay macalimad, waxayna aheyd qof dhalinyaro ah oo firfircood oo shaqa badan oo bulshadda ka dhex muuqata mustaqbal wanaagsana leh iyo magac wanaagsana leh.

Soomaalida dhaqan uma leh in la dilo dadka bari magersadda ah oo ay ka mid yihiim dumarka, caruurta, waayeelka iyo culumadda. Dhaqan ahaan Amina ma aheyn dadka loo quuro in wax la yeelo. Cid moog ma jirto, in diin ahaana ay reeban tahay in macalimad iyo qof dumar ah la dilo oo dhiigeeda la daadiyo… faafaahinteedana culumadaa kala hadla… Marka, maxaa haray oo Amina loogu dowgalay oo dhibka intaas la eg oo dhaqan iyo diin khilaafsan loogu geystay? Su’aashaa jawaabteedu waxay taabaneysaa meelo badan oo xasaasi ah, waxaase kuu sheegi karaa in haba yaraatee dilka Amina in aan cudurdaar loo heli karin.

Cidii soo maleegtayna waxaa u taalo howl aad iyo aad u culus. Waxaa xusid mudan in Amina ay tirsadeyd baarlanaankii 10-aad, waxayna shacabka Soomaaliyeed ku barteen arrinta aan wali xalka loo helin oo ay ku maqan tahay Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd ciidamadda nabad sugidda. Ka hor, ma aheyn qof si weyn loo yaqaanay… in ay ka hadasho keyska ikraan waxay ka mid aheyd waajibkeedii shaqo, maadaama ay aheyd xildhibaan yaqaana reer Tahliil, kula xisaabtanto cid walba oo eed laga tirsanayo.

Soomaalidu waxay tiraah, “Haddii dhib dhaco dhabaqo meel beeshay “ . Dhiigga Amina ma aha mid sahlan. shacabka Soomaaliyeed marqaati buu ka yahay waxa ku dhacay geesiyadaa. Hadda iyo dan, waxaa loo baahan yahay in si dhaqso ah looga gun gaaro arrinta la xiriirta dilka Amina Maxamed, inta aysan horseedin fidno weyn.

Soomaalidu waxay tiraahdaa, fidnio madax la qabtay leedahay ee mijo la qabto ma leh.” Ugu danbeyn, muddo dheer baa laga digayay in laga baaqsado kutumashadda qaanuunka, dastuurka iyo heshiisyadda lagu dhisay dowladnimadd` nugul ee Soomaaliya.

Hadda doorashadan dadban gabogabo ayeey ku mareysaa, Wax kasta oo dhacbayba waa la dooran hogaanka xigga ee dalka, laakiin dilka Amina Maxamed waa arrin ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya haddii ay cadaado in dilkeedu uu yahay mid siyaasad lug ku leh. Waxaa cad oo marag ma doonto ah in ciddii ka danbeysay dilkaa guran uu aad iyo aad u talo xumeysatay, lagula xisaabtamayo goor ay noqotaba aakhiro iyo adduunba.

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Weriye, Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you