Wednesday, July 2, 2025

Dood xiiso leh kuna saabsan Kulankii Xildhibaannada taageersan Jawaari ee Villa Hargeysa oo qabsatay Baraha Bulshada

-

Soomaalida baraha bulshada adeegsada ayaa soo bandhigay dood  ku saabsan Xildhibaannada xalay ku shiray Villa Hargeysa ee ku dhawaaqay inuu jabay mooshinkii Jawaari, kuwaasoo la baxay Guddiga bad-baadinta Baarlamaanka.

Arrimaga ugu badan ee Baraha Bulshada Soomaalidu uga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa tirada la sheegay inay ahaayeen xildhibaannada shiray, Guddiga ay ku dhawaaqeen iyo halka uu ku dambeeyey mooshinka?
1.   Tirada Xildhibaannada shiray
Muuqaallada iyo sawirrada laga qaaday shirkii Villa Hargeysa waxa ay noqdeen kuwo ay si weyn ugu jees jeesaan dad badan oo adeegsada baraha bulshada, iyagoo sheegayey in tirada ka muuqata muuqallada iyo sawirrada aysan ka badnayn 40 Xildhibaan.
“Miis dheer oo kuraas dhinacyada laga soo dhigay xildhibaanno ku shiray baa 120 ah idin kama yeelin, bal dhab u fiiriya sawirkan oo tiriya dadka goobta ku sugan, xitaa markii lagu daro wariyaasha wax duubaya dhammaantooda 50 qof ma gaaraan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan.
Sidoo kale, dadka qaar ayaa ku doodaya haddii tirada ay tahay sida la sheegay 120 qof maxay u saxiixi waayeen war murtiyeedka la soo saaray ama ay uga qeyb gali waayeen markii la akhrinayey si ay u muujiyaan cududdooda iyo inta ay gaarsiisantahay awood ay leeyihiin Xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.
Dadka qaarkood ayaa tiriyey xubnaha kasoo muuqday fadhiga iyagoo tirooyin u sameeyay waxayna gaarsiiyeen tirada ugu badnaan 50 xildhibaan.
2.   Guddiga Badbaadada Baarlamaanka
Guddigan oo xalay lagaga dhawaaqay Villa Hargeysa ayaa dadka intooda badan waxa ay shaki galinayaan ujeedka loo asaasay iyo shakhsiyaadka gaarka ah ee ka dhex muuqda  muranka siyaasadeed ee ka jira Baarlmaanka.
 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you