Saturday, February 7, 2026

Dood xiiso leh kuna saabsan Kulankii Xildhibaannada taageersan Jawaari ee Villa Hargeysa oo qabsatay Baraha Bulshada

-

Soomaalida baraha bulshada adeegsada ayaa soo bandhigay dood  ku saabsan Xildhibaannada xalay ku shiray Villa Hargeysa ee ku dhawaaqay inuu jabay mooshinkii Jawaari, kuwaasoo la baxay Guddiga bad-baadinta Baarlamaanka.

Arrimaga ugu badan ee Baraha Bulshada Soomaalidu uga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa tirada la sheegay inay ahaayeen xildhibaannada shiray, Guddiga ay ku dhawaaqeen iyo halka uu ku dambeeyey mooshinka?
1.   Tirada Xildhibaannada shiray
Muuqaallada iyo sawirrada laga qaaday shirkii Villa Hargeysa waxa ay noqdeen kuwo ay si weyn ugu jees jeesaan dad badan oo adeegsada baraha bulshada, iyagoo sheegayey in tirada ka muuqata muuqallada iyo sawirrada aysan ka badnayn 40 Xildhibaan.
“Miis dheer oo kuraas dhinacyada laga soo dhigay xildhibaanno ku shiray baa 120 ah idin kama yeelin, bal dhab u fiiriya sawirkan oo tiriya dadka goobta ku sugan, xitaa markii lagu daro wariyaasha wax duubaya dhammaantooda 50 qof ma gaaraan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan.
Sidoo kale, dadka qaar ayaa ku doodaya haddii tirada ay tahay sida la sheegay 120 qof maxay u saxiixi waayeen war murtiyeedka la soo saaray ama ay uga qeyb gali waayeen markii la akhrinayey si ay u muujiyaan cududdooda iyo inta ay gaarsiisantahay awood ay leeyihiin Xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.
Dadka qaarkood ayaa tiriyey xubnaha kasoo muuqday fadhiga iyagoo tirooyin u sameeyay waxayna gaarsiiyeen tirada ugu badnaan 50 xildhibaan.
2.   Guddiga Badbaadada Baarlamaanka
Guddigan oo xalay lagaga dhawaaqay Villa Hargeysa ayaa dadka intooda badan waxa ay shaki galinayaan ujeedka loo asaasay iyo shakhsiyaadka gaarka ah ee ka dhex muuqda  muranka siyaasadeed ee ka jira Baarlmaanka.
 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you