Wednesday, June 25, 2025

Dooda ku saabsan 4 kursi ee Guddiga FEIT Amray in Doorashadooda lagu noqdo (Qormo)

-

Ma muuqdaan sababo madaxweyne Laftagareen ku kallifaya inuu dooda 3 kursi u adeegsado colaad qabiileed, neceyb reer KG, iyo ku xadgudubka RW Rooble. (W/Qoray: Dr. Mohamud M. Ulusow)

Khudbadda uu Madaxweyne Cabdiaziz Laftagareen u jeediyay Xildhibannada laga soo doortay DG Koofur Galbeed (DG-KG) kuna saabsaneyd 3 kursi ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Heerka Federal (GHDHF) amray in doorashadooda lagu celiyo waxay daaha ka qaaday heerka aad u hooseeya ee uu marayo dhaqanka dowladnimo ee Soomaaliya iyo rajoxumada hano qaadka dowlad tayo leh oo ilaalinteeda aysan aheyn maaweelo.

Khudbada waxay kicisay shucuur badan. Madaxweyne Laftagareen uma hiilin runta, cadaaladda, garaadka wanaagsan ee dowladnimo, iyo nabad ku wada noolanshaha bulshada Soomaaliyeed. Ma muuqdaan sababo madaxweyne Laftagareen ku kallifaya in dooda 3 kursi uu adeegsado colaad qabiileed, neceyb reer KG, iyo ku xadgudubka RW Roble.

Xaqiiqada waxay tahay in mar kasta doorashada kuraasta 3 Xildhibaan ay ku jiraan gacanta DG-KG, lagana sugayn wax ay soo kordhin karin 74 kursi. Beelo iyo shakhsiyad ku nool DG-KG ayaa muddo dheer ka cabanayaa cadaalad darro ay ka sheegaanayaan Maamulka DG-KG ee Madaxweyne Laftagareen, haseyeeshe aan marna ku dhaqaaqin inay tabashadooda ka dhigan colaad iyo neceyb qabileed ama ku xadgudbaan Madaxda DG-KG.

Madaxweyne Laftagareen ma qiran, ma xusin in aan DG-KG keli ah la beegsan oo hal kursi ee ka mid ah 4 kursi ee GHDHF hakiyay ka soo jeedo DG Hirshabelle (DG-HSH). Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Laftagareen labo wasiir ee ka mid ah Golaha Wasiirrada ku tilmaamo kuwa ka shaqeeya guriga RW Roble, taaso ah xadgudub ka baxsan dhaqanka dowladnimo. Sida hadda kor Madaxweyne Laftagareen uga hadlay, doorashada ka dhacday DG-KG waxay soo jiidatay indhaha, dareenka, iyo guuxa dadweynaha Soomaaliyeed.

Inkastoo mas’uuliinta xilka haysa ku dhirran yihiin inay Shacabka Soomaaliyeed u sheegaan been iyo marin habaabin badan, haddana shacabka shacabka waa ka dheregsan yihiin xulufeysiga, xadgudubyada, musuqmaasuqa, awood mororsiga dalka ka socda. 4 kursi oo GHDHF amray in doorashadooda dib loogu noqdo waxay kala yihiin:

1. HOP #154
2. HOP #103
3. HOP #204
4. HOP #086

Xaaladda 4 kursi isku mid ma ahan. Hal ku dhegga DG-KG oo ah “ Annaga GHDHF waxba nooma yeerin karo” ayaa Puntland, Jubbaland, iyo Galmudug ku dhiirrigeliyay inaysan ka amar qaadan GHDHF, kuna qasbay guddiyada doorashada, RW, iyo Beesha Caalamka inay culeyska saaran socodsiinta doorashada, dibna loo dhigo ka hadalka kuraasta laga cabanayo.

1. Xallinta Kursiga HOP #154 ee la yiri waxaa ku guuleystay Sareedo Maxamed Cabdalla waxay aheyd mid aad u sahlan waayo muranka kursigaas wuxuu la xiriiray arrin Farsamo ah, haseyeeshe ka falcelinta DG-KG wuxuu noqday “ annaga GHDHF wax nooma yeerin karo.” Saddexda Kursi kale ayaa guuxa iyo dareenka dadweynaha iyo kan Beesha Caalamka soo jiitay, waxayna halqabsi u noqdeen heerka xun ee musuqmaasuqa doorashada DG-yada ka dhacay gaaray:

1. HOP #103 waa kursi uu ku fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacbiga Maxamed Sheikh Cosman Jawaari, haddana la shaaciyay inuu ku guuleystay Maxamed Cali Xassan, oo Farmajo wato. Doodda ka taagan kursigaas waxay ku saleysan tahay saddex arrimood:

I. Dagaalka dalka dhan gilgilay oo Farmajo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacbiga uga qaaday Jawaari kaaso la rumeysan yahay inuu weli socda;

II. Cabashada Jawaari oo sheegay in loo diiday ka qaybgalka tartankta kursigaaas si daahfuran, madaxbannaan, hagardaamo aysan ku jirin, madaama Madaxweyne Laftagareen la safan yahay Farmajo. DG-KG dheg jalaq uma siin cabashada Jawaari oo ilaa maanta idaacadaha taagan;

III. Sumcadda iyo saameynta Professor Jawaari ku leeyahay dib u dhiska Qaranka Soomaaliya oo Soomali badan iyo Beesha Caalamka ku tixgelineyso, kuna taagerayaan.

GHDHF wuxuu amray joojinta kursigaas haseyeeshe kaddib markii la soo weeraray dantu ku kalliftay in laga aamuso inta doorashadu ka soo dhammaaneyso.

2. Kursiga HOP #086 waa kursiga uu ku fadhiyay Faarax Sheikh Cabdulqadir, haddana loo xiray Fahad Yaasin Axmed. Kursiga waxaa hareereysan arrimo badan oo u baahan in laga baarandego sida warqadda shaqo ka joojinta ee RW Roble qoray 6dii setember 2021, summadeedu tahay XRW/0314/09/2021, taaso ay ku qornaayeen eedeymo iyo dambiyo culus oo Fahad Yaasin oo ahaa sarkaal dowladeed ka reebaya inuu ka qaybgalo tartanka doorashada.

Fahad waa sarkaal dowladeed ee lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay faragelinta ciidammada ee siyaasadda oo dhirrigeliyay boobka iyo musuqmaasuqa doorashada dalka, isla markaana deegannada qaarkood ka abuuray xiisad colaad. Inkastoo aysan maxkmad xukumin, haddana kiiska sarkaalad Ikram Tahlil Faarax, qoraallada Fahad Yaasin, iyo warqadda Ra’iisul Wasaaraha waxay muujinayaan inuu Fahad Yaasin halis ku yahay xasillonida iyo horumarka siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uusan kasban xaqa ka qaybgalka doorashada Golaha Shacbiga.

Waxaa la aaminsan yahay in Farmajo iyo Fahad geeyeen goobta doorashada kursiga HOP #086 ciidammo ka amar qaata, haseyeeshe aan u hoggaansaneyn Laanta fulinta iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ee u xilsaaran nabadgelyada doorashada, kuwaasoo loo geeyay Beledweyne si loo soo boobo kursigaas. GHDHF wuxuu amray joojinta doorashada kursigaas, waxaana baraha bulshada lagu faafiyay eedeymo la xiriira baalmarka habraaca doorashada, haseyeeshe Ciidammada la geeyay Beledweyne dartood, DG-HSH waa ka gaabsatay u hoggaan sanaanta amarka GHDHF.

3. Kursiga HOP # 204 waxaa loo xiray Isxaaq Cali Subag, waxaana cabasho ka keenay Wasiirka Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac) oo ku dacwoonaya madaama uu ka mid yahay mucaaradka mayalka adag ee Farmajo iyo Fahad loo diiday ka qaybgalka tartanka doorashada kursiga jufadiisa oo caddeysay in kursigaas aan lagala tashan. Dooda iyo hanjabahaada lagu hor-istaagayo dib u soo nooleynta dowladda Soomaaliya oo hal sano iyo bar sharcidarro ah, waxaa ka habboon qabashada doorasho daahafuran ee 4 kursi bilaha soo socda si guuxa dadweynaha looga falceliyo, isla markaana loo abuuro Iftin rajo dadweynaha tusaale ka dhigto.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you