Tuesday, July 8, 2025

Doorashada Guddoomiye Jawaari Maxey ka dhigan tahay? [by: Eng. Yarisow]

-

Maqaalkan waxaan ku falanqeynayaa aragtideyda ku aadan doorashada GuddoomiyeJawaare iyo waxa ay ka dhigan tahay, sababaha sida aqlabiyada leh loogu doortay iyo siyaasadaha ku xeeran tartanka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu horeyn Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa rug-cadaa siyaasada ku soo jirey muddo dheer oo marka loo fiiriyo 3da musharaxiin ee la tartamay, waa shaqsi aad uga khibrad dheer, ugana waayo aragsan, 4-tii sano ee la soo dhaafayna si wanaagsan u maareeyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba xildhibaanadu ma sidaas fudud oo sahlan bey u qiimeeyeen, mise waxaa jirey
arrimo siyaasadeed kale ee ku xeeraansanaa doorashada? Waxaan shaki ku jirin inay jireen marxalado kale oo is biirsaday oo sahlay in Jawaari loo arko inuu yahay shaqsiga mudan.

Cabdirashiid Xidig oo helay 97 cod ayaa iyadana ka mid ah arrimaha siyaasadeed ee muuqatay oo ka tarjumeysa in 97 xildhibaan ay qabeen fikir ah in is-bedel lagu sameeyo nidaamka awood qeybsiga beelaha. Xidhibaanadan ayaa moodaa inay mar un doonayaan inay arkaan beelaha Soomaaliyeed oo u wada tartami kara jagooyinka qaarkood, iyagoo ka soo horjeeday heshiiska aan muuqan oo keenay in Guddoomiye Baarlamaan ay noqdaan hal beel kaliya.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Sharif Xasan Sheekh Aden ayaa in muddo ah u ololeynayey inuu arko isbedel ku yimaada nidaamkan, isagoo isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Istraatjiyadan waxey suurtogal noqon kartay in dhammaan xildhibaanada Digil & Mirifle aysan isa soo sharaxin, isla markaasna la helo xildhibaano kale oo sharaxan. Hase yeeshee mar haddii tani dhici weydey aad bey u muuqatay in la kala dooranayo musharaxiinta Digil & Mirifle, walow dadaalka Xidig uu ahaa mid muuqday oo uu 97 cod helay.

Sidoo kale sida ay 97 xildhibaan ugu midoobeen inay Xidig u doortaan ayaa waxaa jiray culeys weyn oo xildhibaanada beelahooda daneynayey inay xilka Madaxweyne u soo istaagaan ay iyagana ku dadaalayeen inaan wax laga bedelin nidaamka awood qeybsiga, tanoo keentay inay si wadajir ah u arkaan in dantooda ay ku jirto inay musharax ka mid ah Digil & Mirifle wada taageeraan. Tan ayaa keentay in 3dii musharax ee Digil & Mirifle intii loo kala codeyn lahaa la is tusay in Jawaari la wada siiyo codka si loo hubiyo inuusan Xidig soo bixin.

Iyadoo arrimahaas siyaasadeed jireen ayaa haddana su’aasha la isweydiin karo ayaa ah maxaa keenay in Jawaari laga doorbido musharaxiinta kale ee Digil & Mirifle? Labo sabab ayaa ugu weyn oo keenay arrinkan, oo tan hore ay tahay Hormuudka isbedelka awood-qeybsiga jagooyinka sar-sare, waa Shariif Xasan Sheekh Aden oo xoogiisa isagu geeyey Qorshaha 1aad (Plan A) oo keliya kaas oo ahaa in Xidig la taageero, oo uu diiday Qorshe 2aad (Plan B), kaas oo noqon karay in shaqsi D&M ah lagu midoobo.

Waa dhab oo mar haddii uu aqbali lahaa plan B waxaa muuqatay inaysan macquul aheyn in Xidig uu heli lahaa codadkaas badan. Tan labaad ayaa aheyd Musharaxiinta xilka Madaxweyne oo u arkayey isbedel ku yimaada nidaamka awood qeybsiga aan qorneyn ay keeni karto inay saameyn toos ah iyo mid dadban keeni karto. Tusaale, waxaa adkaan lahaa in musharaxiinta qaar la oran lahaa Beeshaada Guddoomiye bey heleen.

Tan arrinkan ka sii weyn ayaa aheyd mar haddii uu Xidig ku guuleysan lahaa xilka Guddoomiyenimo inay sahli laheyd in Musharax D&M ah loogu wada shubi lahaa doorashada xilka Madaxweyne si xildhibaanadu ay u tusaan bulshada in beelo gaar ah oo keliya aysan xaq u laheyn. Waxaa midoobi lahaa xildhibaanada ka careysan in Xidig noqdo Guddoomiye iyo xildhibaanada is oran karay mar haddii Beeshu aysan noqon karin Madaxweyne aan halkaasna isbedel ka sameyno.

Arrimahaas siyaasadeed ee ku xeernaa arrimaha doorashada marka laga soo tago, haddaba doorashada Jawaari maxey ka dhigan tahay?

Doorashada Jawaari waxey ka dhigan tahay in Soomaalidu ay maanta diyaar u tahay in shaqsi lagu xulan karo karti, aqoon, khibrad, waayo aragnimo iyo aqoonsanaan in shaqsiga waxqabadka sameeyo lagu sii dhiirigeliyo joogteynta iyo horusocodka hormarka socday.

Waa markii ugu horreysey oo Soomaali ay marlabaad doorato Guddoomiye Baarlamaan oo xilka sii hayey [walow ay dhacday in Shariif Xasan uu muddo dhextaal ka dib loo doortay xilkaas 2010-kii mar labaad].

Dhanka kale waxaa muuqata in Beesha caalamku ay si xoog leh u taageersanaayeen in Jawaari uu dib u soo laabto si howlaha socday loo sii dar-dargeliyo. Waxaana muuqda horumar uu baarlamaankii 9aad ku tallaabsaday, haddana doorashada Jawaari ay keeneyso in Baarlamaanka uu sii labo-laabo dadaalkiisa.

Soomaaliya waxaa hadda u dhisan Hay’ad Baarlamaan oo leh xafiisyo, howlwadeeno, khubaro, La-taliyeyaal oo og in Guddoomiyaha uu sii joogayo oo aysan ka cabsi qaban inay howlahooda sii wadan karaan iyo in kale.

Ugu danbeyntii, doorashada Jawaari waxey ka dhigan tahay in lagu tartamo waxqabad, horumar iyo isla xisaabtan noo horseeda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah sanadka 2020ka.

By: Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you