Dowladda Federaalka oo shir u furtay Wasaaradaha Dastuurka Maamul Goboleedyada [Sawirro]

0

Wasaaradda Dastuurka dowladda Federaalka ayaa Muqdisho ka furtay shir wadatashi ah oo ku saabsan arrimaha dastuurka.

Waxaa ka qeyb galay wasaaradaha dastuurka maamul goboleedyada dalka, waxaana dowlad goboleed kasta ay sharaxaad ka bixineysaa dastuurkeeda.

Shirkan oo loogu magac daray Sheeko Qarameed ayaa ka mida shirar is dabajoog ah oo wasaaradda Dastuurka qabanqaabisay muddooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo wasaaradda Dastuurka iyo wasiir C/raxmaan Xoosh ay noqotay wasaaradda ugu badan ee qabanqaabisa shirarka Muqdisho.