Dowladda Qatar ayaa deeqdii ugu horeysay ee Caafimaad oo loogu talogalay cudurka Coronavirus soo gaarsiisay Soomaaliya, kadib markii uu amarkeeda bixiyey Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad 3-dii bishan May 2020.
Diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Qatar ayaa ugu horeyn qeyb ka mid deeqdaasi ku dejisay magaalada Hargeysa, kadibna waxay Galabta ka degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaasoo qeybta kale ay ku dejisay deeqdaas.
Qalabka caafimaad ee dowladda Qatar ku deeqday ayaa waxaa ka mida: Maasgaraha afka lagu xirto iyo dharka dhaqaatiirtu xirtaan ee PPE, wuxuuna gaarayey 10 tan, iyadoo 2.3 Tan oo ka mida laga dejiyey magaalada Hargeysa, halka 7.7 Tan la geeyay magaalada Muqdisho, waxaana la socday safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza, iyadoo ay guddoontay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowziyo Abuukar Nuur.
Waxaa la wareegidda deeqda goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho.
Dowladda Qatar oo dalal badan oo caalamka ah u fidisay deeq Qalab caafimaad ah, ayaa dib u dhac weyn ku yimid dhinaca Soomaaliya oo ka mida dalalka Bariga Afrika ugu horeeya ee uu saameeyay Cudurka Covid-19.






